Jacaylkii beri samaadka

0
1549
#Somaliland #Democratization #process: #Political #parties

Sheeko: Jacaylkii beri samaadka!

Jacaylkii beri samaadka
Qore: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde

Aniga oo aad u da’ yar ayaa aan bilaabay in aan hablaha la haasaawo. Caruurta aannu isku filka nahay waxaabay ka xanaaqi jireen haddii la yidhaa yaad jeceshahay. Waxa aan dhigan jiray iskuul ku yaala degmada aannu deganayn balse aad uga fogaa xaafadayada. Aan iska yaraadee haddana waxaan ahaa wiil maaweelin fiican gaar ahaan ardayda aannu isku fasalka nahay. Waxa aan inta badan ka hor sheekayn jiray fasalka hortiisa. La yaab ma laha oo awlaadda kale kolba Sheeko xariirrada ayaa ay  jeclaysanayeen. Hal-xidhaalayaasha oo aan habaar ku qabay maalin walba ardayda mid baa aan sii weydiin jiray. Macalin Cabdilaahi[1] oo soomaaliga dhigi jiray ka soo garta xabbad nac-nac ah ayaa uu siin jiray. Aad baa ardaydu ii jeclaayeen maamul iyo macalimiina hadalkoodaba daa. Marka aan subixii iskuuulka kusii socdo iyada ayaa aan sii mari jiray. Ma garanayo wax aan ku akhriyi jiraye……………..
mooraal jab baa ku dhici jiray, maalinta aan maqanyahay ma ay tagi jirin iskuulka. Nususaacaha inta aan quraac iyo iskiriin iibsano  ayaa aan laag iskuulka dhiniciisa galbeed ah kuwada cuni jirnay. Malcaamad uu macalin faarax lahaana waanu wada dhigan jirnay, inkasta oo ay malcaamada higgaada iga sareysay, anigu waxa aan marayey “An fadxa tay an, in kisra tay in”[2], iyaduna “Alxamdu”[3] baa marka loo bilaabay. Daasad caano koosto ka dhamaatay oo kursigii malcaamada  ahayd ayaa aan gurigooda hor dhigan jiray inta ay soo baxayso. Iyadu waxay ahayd curad iyo guri dambays oo aad baa looga war hayn jiray kaligeedna may tagi jirin malcaamada, anna waxaan ahaa meel dhexe oo qaarna waa ay iga waynaayeen qaarna waa ay iga yaraayeen. Waxa aan labadayaduba sii wada akhriyi jirnay higgaada looxa naloogu dhigi jiray. Maalinta ay higgaadu igu adagtay waa ay ii marin jirtay. Khadka lagu qorayo looxa oo laga samayn jiray dhuxul waa aannu soo wada samaysan jirnay. Sonkorta khadka lagu dari jiray iyada ayaa xaafadooda kasoo qaadi jirtay. Gabal dhicii waxa aan iman jiray aqalkooda hortiisa. Waxay caruurtu kuwada ciyaari jireen cado lool. Habeenadda qaarkood ayeydeed Cambaro[4] ayaa  labadayadaba nooga sheekayn jirtay Sheeko caruureed. Anigu waxaan dhawri jiray ereyada qaraamiga ah ee ayeeyo Cambaro afkeeda kasoo burqanaya. Iyadu se aniga ayay sidii oo aan hadlayo igu dhaygagtaa oo kolba isoo jaleecdaa. Xaafadoodu aniga waxay ii arkayeen wiil yar oo iyada oo kale ah. Inta badana waxaan u marin jiray casharada iskuulka naloogu soo dhigo.
*****
Milaygu[5] markan aan ka warramayo wuxuu ahaa dhamaadkii qarnigii hore. Inkasta oo ay aniga iga yar waynayd, hubaal se iyadu haba yaraatee ma ay aqoonin jacaylka, Maqalkiisu se kuma yarayn oo hal-xidhaalayaasha aan waydiiyo ardayda ayaa ay mar-mar ku maqli jirtay magaciisa, kolkaasna waxa aan arki jiray iyada oo afka haysata sidii qof xishoonaya. Anigu se waan yaqaanay waxa jacaylku yahay laakiin micno iima samaynayn wakhtigaas aan joogo wallow la i odhan jiray jacaylow. Mana dhaaddani astaantiisa oo waxaan arki jiray ardayda iga waaweyn ee inamada ah oo waraaqo wadne lagu sawiray u qoraya hablaha ama dul dhigaya kursiga ay fadhiisato. Inantanna magaceed ha jiree  aad bay u qurux badnayd waxaanay ahayd dhabeel dhawr iyo tobban jir ah. Dhismaha jidh ahaaneed waxay ahayd dhamaystirran aan dheeliyin. Dhaayaha indhaha qofkii dhugtaa waan hubaa in aannuu dhan uga jeesteen. Timaha lagu taashay ayaa kolba tidica lagu tiirshaa. Suniyaha iyo baadadka indhaha ma aqaan wax aan ku tilmaamo. Eegmada qurxoon iyo indhaha laydh tiriiga ah. Sanqaroorka dheer iyo wajigeeda suuraysan. Dibnaha maddow iyo ilkaha dhay cadaanka ah. Sawtka, milgaha loo hadlayo iyo mabsuud raali ahaanshaha. Maqalka, waalid adeeca iyo maamuuska martida loo sooryeeyo. Camamka, cabaadhyaha qoorta iyo caynada ay tahay. Gim-gimnaanta gacmaha ay leedahay iyo xaada dul hogonaysa. Shafka taagan (naasaha shushuban) iyo shacniga dhabarkeeda. Sinta hoose, sinaanta lugaha iyo socodka miisaaman. Caam ahaana cutigaad ka garanaysay culayska ay lahayd e. Caadi maaha waxa dahab la sudhay dul iyo farihiiba. Xag kastood ka eegtana cilmi baad ka baran lahayd e. Subxaana laah dhamaan sifihii billaw aadamna!!
*****
Ardayda iskuulka ee fasalada sare dhigataa way la hadli jireen. Kulama ay dhici jirin baa aan u malaynayaa se jacayl, ee Sheeko wuxuun baa ay ka ahayd maxaa maanta la idiin dhigay iyo xiisaddee baad jeceshahay. Waan ooyi jiray kolba marka uu wiil la hadlo. Waxa aan u arkayay wakhtigaas oo aan anigu ahaa dugsi hoose in aan lala hadlin ardayda fasalada sare gaar ahaan fasalka sideedaad. Waa aannu ka fogaan jirnay meelaha ay joogaan. Waxaan ku fikiri jiray wakhtiga aan halkaas mar uun gaadhi doono. Markaas oo aan ku qancin jiray naftayda heesta: “Qayrkaa darajada uu helay, rabbi kaama daayine, dadaal gaadhi doontide”[6]. Waxa aan ku jiray guddi iskuulku lahaa. Waxa aan u bixi jirnay tartamo lagu qaban jiray Garoonka Tima-Cadde oo la qaadi jiray marka la tagayo “waa kedise, kedise kaalaya aqoontiina korodhsadda, kedis waa waxbarashee kaalaya………………” iskuulada ayaa uu tartan aqooneed dhex mari jiray. Waxa kale oo aan iskuulada ku ciyaari jirnay kubadda cagta iyo ciyaar la odhan jiray “xadhko jiid”[7] oo galaasyadu wada ciyaari jireen. Inantan aannu isku xaafada ahayn sidoo kale waxa aannu ahayn isku fasal. Marka aannu galno tartan way i hambalyaysaa waxay i odhan jirtay walaahi khatar baad tahay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa wiil hor-jooge noo ahaa oo la odhan jiray “Lafle”[8] ii yeedhay waxay ahayd markii lagu soo noqonayay xiisadii nususaacaha kadib. Wuxuu ii dhiibay warqad waxa aanuu igu yidhi waxa aad u dhiibtaa inanta aad is raacdaan. Isla markaas alifluhu waxa uu ii tilmaamay meel iskuulka dhabarkiisa ah oo ay fadhiday. Wuxuu igu yidhi hadaad anoo ku arkaya imika u dhiibi waydo warqadaa, waan ku qorayaa oo macalinka ayaa aan kugu dirayaa maalin walba. Ardayga macalinka loo sheego dhagaha qabso ayaa la odhan jiray waana la dhangadayn jiray. Waxa aan ku idhi waayahay ee isoo eeg annaa u dhiibaya e. Warqadii waxa aan dhex geliyay buug ka mid ah buuggaagtaydii isagoo i arkaya. Waxaan u dhaqaaqay geedkii ay hoos fadhiday, waxa la fadhiyay wakhtigaas hablo kale oo aan isku arday ahayn. Waa aan u yeedhay, ka dib waa ay soo kacday, waxa aan u dhiibay buug aan ahayn kii ay warqadu ku dhex jirtay. Waxa aan u tilmaamay meel banaanayd oo aan ku idhi walaal adoo raali ah iisoo qor casharkaas banaan. Waayahay ayaa ay igu tidhi maxaa aad hadhaw markaynu sii socono iigu dhiibi wayday. Anna mooji ayaa aan ku idhi inta aan qoslay. Waxa aan ku qoslayay waxa ay ahayd farsamada aan sameeyay, balse aniga oo cadhaysan ayaa aan dib usoo noqday, intii aannan soo gaadhin horjoogihii ayaa waxa dhacay jalaskii lagu galayay xiisadaha. Ardaydii oo dhan hablo iyo inamaba waxay kuwada carareen fasaladoodii. Alifluhu waa uu i arkayay markii aan buugga inanta u dhiibayay, intii aan kusoo socdayna waataas la garaacay jaliska oo waan is arki waynay, meel walba na waxa yaacaysay arday. Intii yarayd ee aan jidka soo socday kuna socday kaaba galaaska wadnuhu wuxuu i lahaa “dhug dhug dhug…” naxdin aawadeed. Waxa aan ka naxsanaa tolow biluu eegaa buuggaagta aad sidato ka dibna arkaa warqadii. Nasiib wanaag waa aan kala qarsoonnay, balse warqadii inta aan yareeyay ayaa aan gashaday sharabaadka. Aliflihii ayaa markii la dareeray igu yidhi waa aan ku arkayay, laakiin maxaa ay ku lahayd, yaa soo qoray miyaa? Haa, laakiin waxa aan ku idhi ma garanayo, akhri adaa garan doona. Iyaduna haye ayaa ay igu tidhi. Sax, sax, saaxiib maalin dambe macalinka laguuma sheegayo iska had-hadal ayaa uu iigu warceliyay! Allaa xaal og. Sidii caadada ahayd iyadii ayaa aanu isa sii raacnay. Walaahi waa aan gariirayay waxa i haysay ciyaalnimo oo waxan is lahaa tolow goorma ayaa ay ku odhan doontaa warqadda aad hayso i tus. Iyo bilay isagii isku yimaadaan oo uu waydiiyaa ma aragtay warqadii tolow ma u dhiibtaa imika? Maya ha u dhiibin ayaa aan ku adkaystay. Maalintaa markii aannu sii wada soconay waxa aad moodaysay in gurigii kolba sii durkayo, waxaa na aan karahsanaa maalintaas la socodkeeda. Sidii baa aan xaafadihii ku gaadhnay. Isla markiiba waxa aan galay musqusha gurigayaga waxa aannan kala fur-furay warqadii. Mise waxa ku sawiran wadne weyn oo dhexda ku leh falaadh iyo laba indhood oo ooyayaa ama ay ilmo ka socoto!!! Wadnuhu waxa uu ku muunadaysnaa midab casaan ah. Wadnaha waxa wehelinayay waxyaabo kale oo ay ka mid ahaayeen shimbir cad oo aad loo midabeeyay oo afka ku sida warqad. Waxa kale oo warqada ku sawirnaa ubaxyo noocyo kala duwan leh. Intaas waxa raacsanaa oo xaga dambe ee warqada ku qornaa qoraal ku qoran qalin beensal ah waxaana lagu bilaabay “ka timid naf wax jecel” waxa ku xigtey “ku socota naf la jecelyahay” Intaa ka dib waxaa ku qornaa hadal codsi ah oo uu inanta leeyahay waan ku jecelahay ee maad i jeclaan? Waxa uu ku beerlaxawsanayay inanta in uu ku dari doono guddida galaaska, macalinkana u sheegayn haday hadasho. Wuxuu magiciisa ku xusay xaga hoose ee warqada, waxaanuu ku qornaa qalin cas. Jab-ba waa ka dambeeyee jacayl waan maqli jiray uun weli se ma aan samayn, waxa aan mar uun ku hamiyi jiray in aan qof jeclaado weliba aan iyada jeclaado inta ay doonto ha igu qaadatee. Ogsoonow oo warqadaasi waxa ay noqotay mid i dhaxal-siisay khibrad iyo hab aannan markii hore u lahayn aqoon. Waxaa isla maalintaa i galay hami aan marwalba maanka ku hayn jiray, waxaanna ay noqotay halkii aan wax ka bilaabi lahaa. Alxamdulilaah, Lafle na waan u mahad-celiyay.
*****
Muddo yar kadib ayaa aan aabahay ku idhi; aabo ii soo iibi bogos[9] kalaro ah oo aan casharada iskuulka mariyo, isaguna waayahay ayuu igu yidhi, waana uu iisoo iibiyay isla habeenkii ba. Waxa aan qoray warqad la mid ah warqadii, sababtoo ah waxa aan ka eeganayay naqshadda iyo sida ay u dhigantahay. Waxa aan sawiray dhamaan wixii ku sawirnaa warqada. Waxa kale oo aan qoray qoraalkii ku qornaa intii isaga ka waramaysay waan wada bedelay. Waxa aan qorayay warqada lix iyo tobban maalmood, sababtuna waxay ahayd waxan qori jiray habeenkii marka la wada seexdo. Sanqadhi haday ii baxdo waan qarin jiray warqada oo waxan is odhan jiray waata lagu arkay. Habeenada qaarkood sida aan u qorayo ayaa faynuusku iga dami jiray oo aan iska xarayn jiray. Ilaa intii aan qorayay waxay ku jiri jirtay faamalaydhka guriga inta aan buug dhex geliyo, si aan loo arag. Markii aan dhameeyay warqadii ayaa aan inantii u dhiibay. Hasoo akhrisato mooyee ismaan lahayn waxay ku odhan doontaa maxay ku saabsan tahay. Waxa aan is yidhi u sheeg waxa ay tahay, markaas ayaa aan ku yidhi waa warqad…………… halkaaba waan dhaafin waayay ka dibna waxay igu tidhi ii sheegdee iyada oo dhoola cadaynaysa. Malahayga waxa aan is lahaa way fahantay waa tan qoslaysa e. Balse waxa aan ku idhi markii aan dhaafin waayay waa warqad…, qalinka ku qor kolba xarafka aan kuu yeedhiyo. Waayahay ayay igu tidhi. Kadibna waxa aan ku idhi waxaad qortaa “J”, waan qoray, haddana waxaad qortaa “A”, waan qoray, haddana waxaad qortaa “C”, waan qoray, haddana waxaad qortaa “A”, waan qoray, haddana waxaad qortaa “Y”, markaas ayaa ay aamustay, anna waxan ku idhi ma qortay, markii aan kalmadaas ku idhi ayay inantii oohin bilawday. Waxaanay ahayd maalintii iigu naxdinta badnayd. Muddadii ay ooyaysay waxa maskaxdayda ka dhex guuxayay su’aalo dhawr ah waxa aan islahaa tolow ma jaceyl bay la oyday, mise………………….. dee manaad caayin ee maxay la oyday?
………“Wax aan dado jacaylka ba,
Daayo hadaladiisa ba,
Dadka aan ka qariya ba,
Waa dacare soo bood,
Sidii daad isoo jiidh,
Dibnahayga soo dhaaf,
Hadday maqashay dunidii,
Aduun baan ku doortee,
Dambi kale miyaan falay?……..”[10]
Waxa ay iigu jawaabtay iga tag, waana ay iga dhaqaaqday. Hah! Maalintaasi waxay ahayd maalintii iskugu kaaya dambaysay muddo sannad dugsiyeed ah. Ku dhawaad ilaa siddeed bilood ma aan wada hadal, isma aannu raacina.
*****
Maalinta khamiista oo la dareeri jiray nususaacaha ayaa ay sannado kadib ii yeedhay. Waxay igu tidhi maxaa aad iila hadli wayday ee ku helay? Kadib waxa aan ku idhi ma garanayo, horta ma anigaa kaa goostay mise adaa ila hadli waayay?! Kolkaas ayaa ay qososhay kadibna igu tidhi iga raali ahaw. Ana waayahay ayaa aan ku celiyay. Cajab!! Tolow maxaa ay kugu samaysay ee ay kaa raali gelinaysaa ayaa aan hoosta iska idhi, kadibna kala tagnay.
*****
Iyadda oo xaalku sidaas yahay ayaa uu haddana xidhiidhkayagii walaaltinimo ee markii hore naga dhexeeyay aan dareemayay in aannuu soo noqon, wallow wax aanay garanayn aan la soo hadal qaaday. Balse iyadu waxay noqotay qof xishood aan xad lahayn lagu soo rogay. Mar mar waa ay ila hadli jirtay. Wejigeeda waxaad ka dareemaysay war-war iyo walbahaar, dadka qaarkoodna waxay odhan jireen maxaa helay tolow. Isbadelka ku dhacay wuxuu ahaa mid dooriyay dhamaan hab dhaqankeedii iyada oo maalin walba macalinku casharka ku canaanan jiray, wax ay sidaas ku socotaba waxa ay ka baxday malcaamadii. Muddo yar dabadeedna waxa ay iskaga tagtay iskuulkii. Waxa ay noqotay qof aan lagu arag guud ahaanba agagaarka gurigooda, maan garan waxa hayay laakiin waan dareemayay in isbedel jiro, balse waxa aan is lahaa adiga ayaa galaaftay nolosheedii loogama horayn maalintii aad warqadda u dhiibtay. Haddii ardaydu soo hadal qaado waan nixi jiray, waxa aan xusuusan jiray maalintii warqadda iyo ilmadii ka qubanaysay wejigeeda.
*****
Dharaaro kadib maalin maalmaha ka mid ah ayaa macalinkii malcaamada noo dhigi jiray i weydiiyay halka ay ku maqantahay inantii aannu isa soo raaci jirnay. Waxa aan garan waayay waxa aan macalinka ugu jawaabo waxaannan ku idhi macalin ma garanayo, malaha xaafada ma joogto. Macalinkii wuxuu noo diray xaafadii ay daganayd aniga iyo dhowr hablood oo kale oo aannu malcaamada wada dhigan jirnay. Ma diidi karayo macalinka, gurigoodana ma tegi karo. Ax maxaa aan sameeyaa haddaba?. Waxaan soo kaxeeyay hablihii waxa aan tusay gurigii inanta una sheegay magaca hooyadeed haddii ay albaabka ka furto iyo ayeeyadeed Cambaro oo guriga la joogtay. Hablihii way i diideen waxaanay igu yidhaahdeen maya ma garanayno anagu guriga idinkaa reerka is yiqaana ina keen. Waxa igu ciirtay talo, waxa aan ku idhi inna keenna waayahaye aniga oo anfariirsan oo is leh ma inanta aad ka oohisay ee adiga aawaddaa uga baxday waxbarashadeedii ayaa aad gurigooda gelaysaa, ku darsoo weliba xaafadooda maan hor mari jirin wixii ka dambeeyay maalintii aannu kala hadhnay, waxa aan ka wareega jiray xaga dambe ee gurigooda. Waxa aan horgalay hablihii, waxa aan koray kaabadii guriga kadibna waxa aan garaacay albaabkii, habluhuna waxa ay hoos taagan yihiin kaabada aqalka. Ayeeyo cambaro ayaa albaabka iga furtay waxaanay markiiba igu tidhi; Alla hooyo xageed ka dhacday, maxaad noogu iman weyday beryahaa kumaanu arage, soo soco iyadiina way joogtaaye, way iska ladan tahay imikee. Waxay maqashay hadalkaygii waanay soo kacday waxa ay igu tidhi soo gal walaalo. Intii aanan gelin qolkii ay jiiftay waxa aan u sheegay in ay ardaydii malcaamada oo macalinku usoo diray ay ila socdaan. Waxay tidhi walee, soo socda ku dheh, ayeeydeed waxa ay iska jiifsatay qolkeedii, gurigana cid kale ma joogin, kedibna aniga ayaa kacay oo u tagay hablihii waxaan ku yidhi soo dhaafa, waana ay soo galeen. Cabitaan ka dib waxa ay ka sheekaysay xaalka ay ku sugnayd muddadii ay malcaamada ka maqnayd iyo in ay xanuun la ildarnayd. Anigu inta ay sheekaynayso waan naxsanahay, madashiina waxa ay noqotay wada hablo oo dhana waan ka yara xishoonayaa. Ugu dambayn Waxa ay ardaydii u fartay macalinka sidaas ugu sheega malcaamadiina waan imanayaa haddaan ladnaado ku dhaha. Waayahay iyo maca salaama ayaa ay ardaydii ku dhaafeen. Markii aan is idhi raac ardaydii aannu wada soconay ee aan kabaha xidhanayo ayaa ay gacanta i qabatay waxaanay igu tidhi Alla walaal ila yar joog. Hadalba wuu iga soo bixi waayay naxdin aawadeed, waxa aan iska saaray kab aan xidhay, waxa aannan wada galnay qolkii ay jiiftay. Waxa ay iiga sheekaysay dhibaatadii iyo xanuunkii ay la kulantay intii aannu kala maqnayn. Waxay iisoo saartay warqadii aan u dhiibay maalintii waxa ay igu tidhi ma xusuusataa warqadaas. Haa si fiican. Waa ay ceshetay waxa ay sanduuq kasoo saartay iina dhiibtay warqad kale oo iyadu ay iisoo qortay. Waxa ay ii sheegtay in ay qortay xilli hore laakiin ay garan la’ayd si ay iigu dhiibto iyo meel ay iigu dhiibto midna. Maanta ayaa aan jaanis kuu helay waxa tahay qof aan mar walba niyada ku hayay, waxa tahay qofkii i baray jacaylku wuxuu yahay, waxa aan jeclaan lahaa in aad noqoto qof i jecel, ii daacad ah, iguna abuurto kalsooni maanta wixii ka dambeeyana waxa aan taagnaan doonnaa garabkaaga. “Beer nugaylka uma dhalane, wax aad igu beertaa ila galay bad weynta e”.[11] Hadaladaasi iyo hadalo kale oo aniga igu reebay mahadho ayaa ka midahaa ereyada ay igula hadlaysay. Waxa ay ii sheekeynaysay ku dhawaad laba saacadood iyo badh, waxa ay iga dhaadhicinaysay in jacaylkii aan maalintaa usoo bandhigay ay garatay wakhti dambe, aqoon na aanay u lahayn markaas. Waxa ay balan qaaday imika inay diyaar u tahay unkamka jacayl cusub iyo nolol wanaagsan oo ku salaysan xidhiidh iyo kalsooni waarta haddii Rabbi idmo.
*****
Ugu dambayn waxaan noqonay laba qof oo wadajir ah waxa aannu noqonay dad wadaaga dhib iyo dheef intaba, inkasta oo ay ciyaalka xaafadu nagu hayeen aflagaado, xitaa magacaygii iyo magaceedii markii dambe lagu qoray gidaar walba oo xaafada ku yaalay. Caruurta qudhoodu markaas ma ay lahayn la yaab oo waxa ku cusbaa hebel iyo heblaayo ayaa is jecel. Aniguna waxaan noqday qof ka dhex tilmaaman xaafada, ma aannu wada ciyaari jirin dhalinta aannu isku xaafadda ahayn, waxa ay iigu yeedhi jireen magaceeda anna wa aan ka xanaaqi jiray. Hooyaday waxa ay igu odhan jirtay hooyo inantaa ma kuu guuriyaa markaas ayaa an ku odhan jiray haa, markaas ayaa ay i odhan jirtay haddana yara weynow waayahee hooyo. Sida aan filayay inta aan anigu hadal haynteeda maqlayo, iyadana lagama maqnayn ee waa la ila soo hadal qaadi jiray.
*****
Sannado kadib  anaga oo ul iyo diirkeed isku ah ayaa nasiib daro waxa aan anigu ka guuray xaafadii aannu wada daganayn markaas. Waxa aannu degnay xaafad ka fog halkii aannu markii hore deganayn, basaska iyo gaadiidkuna waxa ay ahaayeen qaar aad u tiro yar, magaaladu sidan ay maanta tahay way ka duwanayd, waxa teel-teel ku ahaa magaaladda tilifoonada guryaha la dhigto, telefoonada kale ee gacanta lagu qaatana waxa keliya ee markaas un la keenay wadanka noocii ugu horeeyay waxaana qaadan jiray masuuliyiinta dawladda iyo dadka shirkadaha ka shaqeeya iyadda oo ay shicibka aad ugu yaraayeen. Siyaabo kale oo loo wada xidhiidhaanaa ma ay jirin, weliba dhalinyarta da’da yar ee wada sheekeysanaysa. Tiknoolajiyad yaraanta ayaa saamayn nagu yeelatay, facebook[12] iyo wax laga wada hadlaana ma ay jirin. Waxyaabahaas oo dhan waxa ay na dhaxalsiiyeen in aannu muddo laba sanno ah kala maqnaano, war na aannu kala wayno anagoo weli is jecel.
*****
Ku dhawaad laba sanno iyo dheeraad waayuhu na kala kaxeeyay, maanta waa annagan is aragnay. Waxa aannu isku aragnay suuqa weyn, waxa ay ka mid ahayd dad usoo ambabaxay ka qaybgalka xuska munaasibad qaran oo sannad walba maalin la xuso. Waxa aannu is fiirinaynay cabaar, anigu waxa aan is lahaa malaha ma’aha iyadii ee waa inan u eeg, laakiin eegmo badan kadib waa aan wada hadalnay. Waxa aan ka baxnay suuqii, waxa aannu wada raacnay bas xaafadooda u bixi jiray. Ilaa intii aannu jidka kusii jirnay waxa ay kolba igu lahayd imika ma adigii baa, iyada oo dhoola cadaynaysa. Aniga qudhayda waxa iga daadagi lahayd maanta in aan wada socono iyada. Waxa aan ka dagnay baskii, waxa aannu fadhiisanay geed hadhac ah hooskii, waxa aannu iska waraysanay intii aan kala maqnayn oo dhan. Waxa ugu la yaab badnaa in labadayaduba aannu niyada gelinay, mar hadaad kala maqan tihiin sannado dib iskuma arki doontaan, wallow aannaan  kala samrin.
“dadkaba laba beerka iyo,
Boga iyo laabta iska jecel,
Hadday baryo kala lumaan,
Bad iyo berri kala tagaan,
Calafka lama baajiyo e,
Beri ba waa kuwaa kulmee………….”[13]
Amintu xiligan waa duhur, oo waxa markaas un la tukuday salaadkii duhur. Qoraxdu aad bay u kululayd. Wax ay sheekadu noo socotaba waxa aan u sheegay in wakhtigu sii durkayo, waxa ay ii qortay nambar tilifoon oo nooca loo yaqaano laynka, oo markaa lagu wada xidhiidhi jiray, inkasta oo ay yaraayeen. Nasiib daro ma aan haysan wax aan ku qorto, kadibna waxa aan isku soo raacnay dukaan ka dhawaa halkii aannu taagnayn oo na siiyay warqad iyo qalin. Aniguna sidoo kale waxa aan u qoray nambarkii xaafadayada. Baska oo inbadan la sugi jiray ayaa ay ila sugtay, waxa aan ku kala tagnay; waa aynu soo wada hadlaynaa walaalo, nabad gelyo imikana. Waxa aan soo raacay baska ilaa labadii duhurnimo. Qushi, waayo wax walba waxa igala weynayd warqada uu nambarkeedu iigu qoranyahay oo aannan jeeb ba gelin ilaa intii aan xaafadda soo gaadhayay. Ma aan qadayn markii aan qaraacay. Hamuum baa aan u qabay, maalintii oo dhan hadal wuxuu ii ahaa keeda. Laga bilaabo maalintaas waxa si weyn iigu sii tarmay jacaylkii aan u qabay.
*****
Sannado kadib ma wada socono, sababtuna waxay ahayd danta iyo duruufta markaas jirtay ayaa waxa ay ahayd nolol aannuu haba yaraatee wax jacayl ahi ka suurto galayn. Ardaynimadda iyo kala fogaanshaha markaas ayaa iyaguna ahaa laba isku lamaane ahaa. Aniga waxa ay ahayd markii iigu horeysay ee aan qof jeclaado. Nasiib daro waxa dhamaatay sheekadii, meel looga dhaqaaqo oo lagu soo af-jaraana ma ay jirin wakhtigaas. Da’da aannu markaas ku jirnay lama odhan karayn waxa aad soo gebo-gebayn doontaa jacaylka, micnaha waxa aad ku dhaqaaqi guur, waayo ma ay jirin hamo guur.  Dheh jacayl, laakiin wuxuu ahaa mid aan garaadaysan. Waa sababta aan ugu bixiyay jacaylkii beri samaadka.

Faah-faahin: sheekadani ma aha mala-awaal (fiction), laakiin waa qiso dhab ah oo aniga isoo martay, wakhtiga aan ka sheekaynayaa waa intii u dhaxeysay 1999 kii ilaa horaantii 2004 tii. Da’daydu waxa ay ahayd markaas toddoba (7) sanno, iskuulka waxa aan ahaa fasalka koowaad (1), nasiib wanaag maanta waxa aan ahay arday jaamacadeed oo sanadkii u dambeeyay ku jira. Bal qiyaas mudada u dhaxeysay jacaylkii xiligii uulada iyo qoraal ku samayntan heerka jaamacada imika ah?

[1] Cabdilaahi: macalin maadadda soomaaliga dhigi jiray
[2] Mid ka mid ah casharada higaada ah ee lagu dhigto malcaamadaha
[3] Alxamdu: suurada ug horeysa quraanka ee suuratu al faatixa
[4] Cambaro: waxay ahayd inanta ayeeydeed hooyo oo guriga joogtay
[5] Milayga: wakhtiga
[6]  Hees uu qaado Abwaan C.naasir Macalin Caydiid
[7] Xadhko-jiid: ciyaar laba kooxood iska hor imaadaan oo la kala jiidan jiray xadhig
[8] Lafle: magac naaneys ah oo uu lahaa kaaba galaaskii ama horjoogihii fasalku
[9] Bogos: waa kartoonka ay ku jiraan qalimaanta iyo waxa la midka ah
[10] Hees ay qaado fanaanada Nimco Yaasiin Caraale
[11] Tuduc ka mid ah hees oo ay kusoo hal-qabsatay inantu
[12] Facebook: waa dagal ama mareeg ku jirta aalada internetka oo lagu wada xidhiidho
[13] Hees uu qaado fanaan