MURUGADII RAJIIC

0
743

Casharka 48aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

MURUGADII RAJIIC
Bishii Safar, isla sannadkii 4aad ee hijriga, ayaa waxaa Rasuulka SCW u yimid wafdi ka socda labadii qabiil ee la kala oran jirey Cadal iy Qaara, waxayna Rasuulka SCW u sheegeen in ay soo islaameen, ka dibna waxay codsadeen in uu ku daro rag diinta bara oo qur’aanka u akhriya. Waxaa markaa Rasuulku SCW ku daray 10 nin oo asxaabtiisa ka mid ahaa, wuxuuna madax uga dhigay Caasim binu Thaabit. Markii ay is raaceen oo ay sii marayaan meesha la yiraahdo Rajiic, oo uu degganaa qabiilka reer Hudeyl, ayaa waxaa maqlay qabiil Hudeyl ka mida ahaa oo la oran jirey banuu Xayaan, markaas ayey 10kii nin oo asxaabta ahaa ka daba direen 100 nin. Dabadeedna way hareereeyeen, waxa ayna ku dheheen “ballan baan idinka qaadaynaa haddii aad is dhiibtaan in aannaan cid idinka dilin”, laakiin Caasim oo 10kaa madax u ahaa wuu diidey arrinkaas, wuuna dagaallamay isaga iyo raggiisii ilaa ay ka dhinteen 7 nin oo uu Caasim ku jiray. Mar labaad ayey 3dii nin oo soo hartay ku yiraahdeen “haddii aad is dhiibtaan waxa aannu idiin ballanqaadaynaa in aannaan hal nin idinka dilin”. Markii ay 3dii nin is-soo dhiibeen ayey ula soo baxeen xargo ay rabeen in ay ku xiraan, markaas ayaa nin 3dii ka mid ihi yiri “tani waa ballan jebintii ugu horreysey”, wuuna dagaallamay ilaa ay ka dileen. Labdii nin oo soo hartay, oo kala ahaa Khubeyb iyo Seyb binu Dathina, ayey qafaasheen, waxa ayna u geeyeen oo ka iibsadeen reer Makka.

Labadan nin waxay ka mid ahaayeen asxaabtii dagaalkii Badar ka qayb gashay oo wax ka laayey madaxdii qureysh. Seyb binu Dathina waxaa gatay Safwaan binu Umaya oo uu aabihiis diley, Khubeybna wax xireen ka dibna waxay ay ku xikumeen dil. Waxay khubeyb ka soo bixiyeen xaramka iyaga oo u wada meesha la yiraahdo Tanciim oo ay rabeen in ay ku dilaan. Wuxuuna ku yiri “i daaya aan labo rakcadood tukadee”, way u oggolaadeen, markii uu labadii rakco tudadayna wuxuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye haddii aydaan dhahayn wuu argagaxay waan badsan lahaa (salaadda)”, sidaa darteed Khubeyb waa ninkii ugu horreeyey ee jideeyey in uu qofku labo rakcadood tukado marka la dilayo. Ka dibna Allaah ayuu baryey oo wuxuu yiri “Allahayow tiradooda koob una laa si kala taksan, axadna ha ka reebin”. Abuu Sufyaan ayaa markaa ku yiri “Ma ku farax gelineysaa in uu Maxammed nala joogo oo aan qoorta u dheereyno, adiguna aad reerkaagii la joogtid?”. Khubeyb wuxuu ku jawaabay “maya, Ilaah baan ku dhaartaye ima farax gelineysto in aan reerkaygii la joogo, Nabi Maxammedna SCW booskaan aan joogo uu joogo oo qodax dhibeysaa ay muddo”. Ka dib waxay Khubeyb dilkiisa u saareen Cuqba binu Xaarith, oo aabihiis uu Khubeyb Badar ku dilay.

Khubeyb intii uu xirnaa waxaa la arkay isaga oo cunaya Canab aan markaa Makka oollin. Sidoo kale isaga oo xiran ayaa reerkii uu u xirnaa wiil kamid ah u keenay mindi, markaas ayaa reerkii ka naxeen arrintaas hase yeeshee Khubeyb waxba ma yeelin wiilkaas.

Qureyshtu waxay cid u dirsadeen meeshii lagu laayey 8dii nin ee kale si qaby ka mid ah jirkii Caasim, hoggaamiyihii 10ka xaabi loogu keeno maxaa yeelay Caasim wuxuu maalinkii Badar diley rag badan oo odeyaashii qureysh ka tirsanaa. Allaah, oo had iyo jeer ah gargaaraha mu’miniinta, wuxuu meydkii Caasim u soo diray oo isku hareeraysay shinni aad u tiro badan. Markii ay ku dhici kari waayeen ayey ka tageen oo dheheen galabta aan u soo laabanno hase yeeshee intii ay maqnaayeen ayaa Alle u soo diray daruur roob ah oo daad ayaa qaaday meydkiisii, meel uu geeyeyna lama oga. Markii ay gaaladii galabtii u soo laabteena waxay yimaadeen meeshii oo aan waxba oollin sidaa awgeed shayna jirkiisii kama aysan helin. Caasim intii uu noolaa wuxuu Ilaahay kula ballamay in aan mushrik taaban jirkiisa isna uusan taaban.

Cumar binu Khadhaab, oo arrintaas ka hadlaya, wuxuu yiri “Allaah addoonkiisa mu’minka ah wuu xifdiyaa markii uu dhinto sida uu markaa noolyahayba u xifdiyo”

XIGASHO: SOMALI TALK