DUULLAANKII YAHUUDDII REER BANUU NADIIR

0
1027

Casharka 50aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

DUULLAANKII YAHUUDDII REER BANUU NADIIR
Sida aan soo marnayba yahuuddii Madiina deggenayd waxa ay islaamka iyo muslimiinta u hayeen cadaawad iyo xumaan, wax ay ula hareeenna ma jirin, in aysan dagaal caddaan ah ugu soo bixin mslulimiinta maahane, taasna waxaa u diidey markii ay arkeen wixii ku dhacay yahuuddii reer bani Qaynuqaac oo Madiina laga raray iyo dilitaankii cadowgii Alle Kacab binu Ashraf. Arrimahaasina waxay sababeen in yahuuddu qalaanqalkii iyo rabshadihii xoogaa joojiso, hase yeeshee markii dagaalkii Uxud dhacay, oo muslimintii xoogaa dhaawac soo gaaray ayey ku noqdeen sidoodii hore, waxayna muujisteen xumaan iyo cadaawad iyaga oo hoos kala xiriiraya qureyshtii Makka iyo munaafaqiintii muslimiinta ku dhex jirtey.

Rasuulku SCW intaas oo dhan yahuudda wuu u sabrayey maxaa yeelay heshiiskiii ay lahaayeen ayuu ilaalinayey, dagaallana way ku furnaayeen, dhaawacna wuxuu soo gaaray ciidankii muslimiinta oo dhowr bilood gudohood ayaa waxaa shahiidey 150 asxaabtii Rasuulka SCW ka mid ah. Yahuudna arrintani waxa ay u siyaadisey qooq iyo xadgudub ilaa ay go’aansadeen in ay Rasuulka SCW dilaan, sababtuna waxa ay ahayd: Rasuulka SCW ayaa kaxeystay koox asxaabtiisa ka mid ah oo u tegey reer banii Nadiir, wuxuuna kala hadlay in ay la bixiyaan magtii labadii nin ee Camar binu Umaya diley, maxaa yeelay heshiiskii u dhexeeyey ayaa sidaas farayey. Markaas ayey dheheen “waan kuu yeelaynaa Abal-Qaasim halkaan noo fariiso inta aannu dantaada kaaga fulineyno”. Rasuulku SCW wuxuu fariistay meeshii ay u tilmaameen oo ahayd derbi guryahooda ka mid ah dhiniciis, isaga oo sugayo in ay u fuliyaan ballantaas.

Yahuuddii sheydaan ayaa xumaan u qurxiyey, waxayna qaateen shir ay uga hadlayaan sidii ay ku dili lahaayeen Rasuulka SCW waxayna ugu dambayntii isku raaceen in ay dilaan Rasuulka SCW maaddaama uu maanta u soo gacan galay. Haddaba yahuudda oo lagu yaqaanno in aysan si toos ah wax u dilin ee shirqool iyo dhuumasho wax ku dilaan waxa ay isku raaceen in derbiga gadaashisa inta la istaago dhagax weyn madaxa looga tuuro Nabiga SCW, markii uu dhintana ay dhaheen “dhagax ayaa ku soo dhacay oo annagu ma aannaan dilin”. Waxaa markaa hadlay koodii ugu caqliga badnaa oo la oran jirey Salaam binu Mashkam oo yiri “arrintaas ha sameynina, Ilaah baan ku dhaartaye waa loo khabrayaa (Rusuulka SCW) waxa aad damacdeen, ballantii naga dhexeysana way bureysaa”, hase yeeshee fikraddaas dheg jalaq uma aysan siin, waxayna dhehee “yaa hawshan fulinaya?”, waxaa markaa yiri “aniga” koodii ugu shar badnaa oo la oran jirey Camar binu Jaxash. Rasuulka SCW waxaa u yimid Malaku Jibriil oo u sheegay waxa ay go’aansadeen, markaas ayuu iska tegey oo aaday dhinicii Masaajidka. Rasuulku SCW wuxuu markaa yahuuddii reer banii Nadiir u soo direy Maxammed binu Maslama wuxuuna ku soo yiri “ku dheh ka guura Madiina ila degganaan maysaane, waxaanna idiin qabtay 10 beri, ka dibna qofka aan ku arko oo idinka ah qoorta ayaan u dheereynayaa”. Yahuuddii amarkii Rasuulka SCW wey diideen, wayna iska sii deggenaayeen magaalada. Munaafaqii weynaa ee Cabdullaahi binu Ubayna wuu sii dhiirrigeliyey oo hoosta ayuu kala xiriirey wuxuuna ku yiri “jooga oo ha bixina, guryihiinnana yaan la idinka saarin, aniguna waxaan hastaa 2000 nin oo dhufeyskiina idinla gelaysa idinlana dhimanaysa”. Allaahna SW haddalkaas munaafaqa isaga oo tilmaamaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:

((MA OGTAHAY IN KUWII MUNAAFIQIINTA AHAA KU LEEYIHIIN WALAALAHOODII GAALOOBAY (YAHUUDA) OO EHELU KITAABKA KA MID AHAA HADDII LA IDIN BIXIYO WAA IDIINLA BAXAYNAA, QOFNA IDIIN ADEECI MAYNO WELIGEED, HADDII LA IDINLA DAGAALAMANA WAAN IDIN GAR GAARAYNAA. ALLASE WAA OG YAHAY IN AY (MUNAAFIQIINTU), HADDII LALA DAGAALAMANA UMA AY GAR GAARAYAAN, HADDII AY ISKU DAYAAN IN AY U GAR GAARAANA DABADAY JEEDIN KA DIBNA LOOMA GAR GAARO)), (Suuratul-Xashir 11-12).

Yahuuddii markii ay hadalladaas munaafiqiinta maqleen ayey ku kadsoomeen, wuxuuna ninkii madaxda u ahaa oo la oran jirey Xuyey binu Akhdhab farriin u soo direy Rasuulka SCW uu ku leeyahay “ka bixi mayno guryahayga ee waxaad doonto samee”. Rasuulka SCW markii uu warkaasi soo gaaray ayuu takbiirsaday, asxaabtiisiina way takbiirsadeen, ciidankiisiina wuu soo kexeeyey, calankii muslimiintana wuxuu u dhiibey Cali binu Abii-dhaalib. Madiinana wuxuu uga so tegey Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum. Yahuuddii markii ay Rasuulka SCW iyo ciidammadiisii arkeen ayey dhufeysyadoodii galeen. Rasuulkuna SCW waa dul degey oo hareereeyey, wuxuuna amray in beerahooda la gooyo oo la gubo si aysan ugu dhuuman una biilanin. Allaahna isaga oo arrintaa tilmaamaya wuxuu yiri:

((WIXII AAD GOYSAAN OO GEED AH (OO CADAWGU LEEYAHAY) AMA AAD KA TAKTAAN IYADOO KU TAAGAN SALKEEDA WAA IDANKA ALLE IYO IN UU HOOJIYO FAASIQIINTA)), (Suuratul-Xashir 5).

Munaafaqiintii muslimiinta ku dhex jirtey oo awal ballan qaaday in ay yahuud dhufeyska la geli doonaan una gargaari doonaan, far ma aysan dhaqaajin. Sidoo kale yahuuddii reer banii Qureyda oo Madiina wax ka degganayd iyo qabiilooyinkii reer qadafaan oo ay xulafada ahaayeen midna uma soo dhaqaaqin oo uma soo gurman. Rasuulku SCW wuxuu ku hareereysnaa 6 beri waxaa kaloo la dhahaa 15 maalmood. Waxaana Ilaahay yahuud quluubtoodii ku ridey rucbi iyo argagax, wayna is dhiibeen, hubkiina way dhegeen, waxayna u soo cid direen Rasuulka SCW iyaga oo leh “Madiina waan kaaga guureynaa”. Rasuulkuna SCW wuu ka aqbalay laakiin wuxuu yiri “waxaad la bixi kartaan naftiina iyo ratigu wuxuu idiin qaado oo aan hubku ku jirin”. Ka dib sidii ayey yeeleen oo hubkii ayey dhigeen, guryihiina wixii ay sii kharaabin kareen way sii kharaabiyeen. Allaahna isaga oo arrintaa ka hadlaya wuxuu yiri:

((ALLE WAA KAN KA BIXIYAY KUWII GAALOOBAY EE EHELU KITAABKA KA MIDKA AHAA GURYAHOODII KULMINTII HORABA, MA IDINNAAN MALAYNAYN IN AY BAXAYAAN, IYANA WAXAY MALEEYEEN IN DHUFAYSYADOODA ALLE KA CELINAYAN, ALLASE WAXA UU UGA YIMID MEE3L AYSAN FILAYN, WAXA UUNA QULUUBTOODA KU TUURAY ARGAGAX, WAXAY GURYAHOODII KU KHARAABIYEEN GACMAHOODA IYO GACMAHA MU’MINIINTA, KU CIBRO QAATA DADKA ARAGTIDA LAHOW (WAXA KU DHACAY DADKII ILAAHAY DIINTIISA LA COLAYTAMAY), HADDUU ALLE KU XUKUMIN IN AY BAXAAN WAXA UU CADAABI LAHAA ADDUUNKA, AAKHIRANA WAXA AY LEEYIHIIN CADAAB DARAN, MAXAA YEELAY WAXA AY LA DHINAC TAMEEN ALLE IYO RASUULKIISA SCW, QOFKII ALLE LA DHINAC TAMANA, ALLE CIQAABTIISU WAA DARAN YAHAY)), (Suuratyl-Xashar 2-4).

Waxa ay rarteen 600 oo rati, in badan oo iyaga ka mid ahaa oo ay ku jireen odeyaashoodii waxa ay u guureen Khaybar, qaarkii kalena waxa ay u guureen dhinaca Shaam. Waxaa dadkaas ka islaamay laba nin oo keliya, waxayna kala ahaayeen Yamin binu Camar iyo Abuu Sacad binu Wahab. Labadaa nin xoolohoodii waa loo celiyey.

Waxaa Rasuulku SCW la wareegay guryahoodii, dhulkoodi, beerahoodii, maalkoodii iyo hubkoodii. Qaniimadaas laga helay reer banii Nadiir waxay khaas ku ahayd Rasuulka SCW in uu sidii uu doono yeelo, khumusna lagama bixin, ciidankiina looma qaybin, maxaa yeelay dagaal laguma soo qabsan. Allaahna wuxuu arrintaa ku magacaabay “Fey” (Feygu waa xolaha cadawga laga furto iyada oo aan dagaal dhicin). Rasuulku SCW wuxuu qaniimadaas u qaybiyey Muhaajiriin keliya, Ansaarna wuxuu ka siiyey labo nin oo keliya, labaad oo ceyr ahaa, kalana ahaa Abuu Dujaana iyo Sahal binu Xuneyf. Waxaa kale oo Rasuulku SCW ka nafaqeeyey xaasaskiisa oo sannad biilkood ugu dhigay, xoolaha intoodii kalena wuxuu Rasuulku SCW geliyey hub iyo wixii loogu diyaar garoobi lahaa jihaadka jidka Allaah.

Duullaankaas reer banii Nadiir wuxuu dhacay bishii Rabbiicul Awal, sannadkii 4aad ee hijriga, waxaana Ilaahay duullaankaas ugu warramay Suuratul-Xashar, wuxuuna Allaah suuraddaas ku sifeeyey yahuuddii reer banii Nadiir iyo munaafiqiintii muslimiinta ku dhex jirteyba, wuxuuna Cabdullaahi ibnu Cabbas dhihi jirey suuraddaan “Suuradu-Nadiir”. Waxaa kale oo Allaah uu suuraddaas ku caddeeyey axkaamta Feyga iyo cidda la siinayo, wuxuuna ku ammaanay Muhaajiriin iyo Ansaar, wuxuuna caddeeyey in ay bannaan tahay in la gooyo oo la gubo dhulka cadowga Alle, haddii maslaxad dagaal ay keento, oo aysan arrintaasi ahayn israaf iyo xadgudub. Aakhirka Suuradda wxuu Allaah ugu dardaarmay in ay xojiyaan Taqwada Allaah una diyaar garoobaan Aakhiro.

XIGASHO: SOMALI TALK