MURUGADII BI’RU MACUUN

0
785

Casharka 49aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

MURUGADII BI’RU MACUUN

Isla bishii Safar ee ay dhacday murugadii Rajiic, ayaa waxaa dhacday murugo kale oo ka daran, lana yiraahdo Bi’ru Macuun. Sababtuna waxa ay ahayd in nin la oran jiray Abuu Baraa’ (Caamir binu Maalik) uu Rasuulka SCW Madiina ugu yimid. Rasuulku SCW wuxuu yiri “Rasuulkii Allow haddii aad asxaabtaada u dirtid reer Najdi si ay diintaada ugu yeeraan waxaan rajaynayaa in ay yeeli lahaayeen”. Markaas ayaa Rasuulku SCW ku yiri “asxaabtayda waan uga baqayaa reer Najdi”, Abaa Baraa’ ayaa yiri “aniga ayaa badbaadinaya”. Waxa uu markaa Rasuulku SCW ku daray 70 nin oo ka mid ahaa raggii ugu wanaagsanaa qur’aanka, uguna badiyey asxaabta, wuxuuna madax uga dhigay Mundir binu Camar oo lagu naaneysi jirey (kii isu xoreeyey dhimashada). Raggani waxa ay ahaayeen kuwo aad u qiimo badan, habeenkii oo dhan waxa ay u soo jeedi jireen qur’aan akhris iyo salaatu-leyl, maalintiina inta ay soo xamaalaan ayey cunto u soo gadi jireen dadkii asxaabta ahaa oo aan waxba haysan.
Abuu Mundir iyo asxaabtii uu hoggaaminayey waxa ay Madiina ka baxeen iyaga oo ducaad ah oo Ilaahay iyo Rasuulkiisu SCW ay u doorteen dacwadaas islaamka. Raggaas oo uu la socdo ninkii ahaa Abuu Baraa’ waxaqy degeen meesha la yiraahdo Bi’ru Macuuna, oo u dhexeysey labadii qabiil ee reer banuu Caamir (qabiilkii Abuu Baraa’) iyo reer banuu Suleym. Ka dib waxa ay direen Xaraam binu Malxaan, oo ahaa Ummu Suleym walaalkeed, waxayna u dhiibeen waraaq uu Rasuulku SCW u soo direy cadowgii Alle ee Caamir binu Dhufeyl oo ka mid ahaa odeyaashii reer banii Caamir. Cadowgaas Alle markii ay warqaddii Rasuulku SCW u tagtay ma uusan fiirin ee wuxuu amray in la dilo ninkii waday, Xaraam binu Malxaan. Waran ayey ku dhufteen, hase yeeshee markii uu arkay nabarkii iyo dhiiggii ayuu yiri “Allaahu Akbar, waan liibaanay kacbada Rabbigeeda ayaan kudhaartaye”. Ka dib Cadowgii Alle ee Caamir ahaa wuxuu reer banuu Caamir ka dalbay in ay soo laayaan inta ka hadhay raggii Abuu Mundir la socday hase yeeshee reer banuu Caamir wey diideen amarkaas iyagoo tixgelinaya magangelyadii Abaa Baraa’. Wuxuu markaa Caamir u qeylo dhaansaday reer banuu Suleym, waxaana amarkiisii yeelay oo soo raacay qabiilooyin ka mid ah banii Suleym oo kala ahaa Rucul, Dakwaan, Lixaan iyo Cisiya.
Waxay qabiilooyinkaasi ku duuleen oo hareereeyeen asxaabtii Rasuulka SCW. Asxaabtu way dagaallameen ilaa laga diley 67 nin. Saddexda nin oo soo hartay waxay kala ahaayeen: Kacab binu Seyd binu Najaar oo labo meyd ku kala dhex jirey, ayna meyd ahaan uga tageen hase yeeshee noolaa. Wuxuuna ku dhintay dagalkii Axsaab iyo Caamir binu Umaya iyo Mundir binu Cuqba oo iyagu ka maqnaa goobta. Markii ay meeshii u soo dhowaayeen ayey arkeen haadda ku degtey meeshii ay ragga ku ogaayeen, markii ay goobtii soo gaareenna Mundir wuu dagaallamay ilaa laga diley, Carna way qafaashen. Cadowgii Alle ee Caamir markii uu ogaaday in uu Camar ka dhashay reer banii Mundir ayuu foodda intuu ka gooyey ku yiri “waxaan kuu xoreeyey qoor ay hooyaday xoreyn lahayd” ka dibna wuu sii daayey.
Camar markii la soo daayey wuxuu soo aaday Madiina, markuu jidka dhexe sii marayo ayuu geed hoos degay, ka dibna waxaa u yimid oo geedkii la degay labo nin oo reer banii Kulaba ah. Muslimiinta iyo reer banii Kulaaba waxaa ka dhexeeyey heshiis. Camar wuxuu u maleeyey in qabiilka labadaas nin uu ka mid ahaa qabiilladii asxabta wax ka laayey. Camar, oo aan heshiiska Rasuulka SCW iyo reer banuu Kilaaba ogeyn, ayaa labadii nin markii ay seexdeen diley. Ka dib Camar wuxuu u tegey Rasuulkii SCW isaga oo wada warkii murugada lahaa iyo ki labadii nin ee uu soo dileyba. Rasuulku SCW wuxuu markaas yiri “waxa aad dishay labo nin oo aan magtooda bixinayo”, dabadeedna wuxuu Rasuulku SCW guda galay in uu magtii ka soo ururinayo muslimiinta.
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa waxaa aad u xanuujisay una murugo gelisay dhacdadan Bi’ru Macaana isku mar ayuu Rasuulka SCW u yimid. Murugadani waxay ka weyned tii Uxud maxaa yeelay Uxud dagaal ayaa lagu talo galay, kuwaanse waxay ahaayeen khiyaamooyin iyo makri ay cadowyada Ilaahay u sameeyeen asxaabtii Rasuulka SCW. Wuxuu Rasuulku SCW muddo bil ah habaarayey qabiilladii ku kacay falkaas foosha xun. Bukhaari wuxuu ka weriyey Anas binu Maalik in uu yiri “Rasuulku SCW wuxuu soddon subax ku habaarayey kuwii asxaabtiisa Bi’ru Macuuna ku laayey Salaadda Fajar dhexdeeda. Wuxuu habaarayey Rucul, Dakwaan, Lixaan iyo Cisiya isaga oo leh “Cisiya Ilaah iyo Rasuulkiisa ayey caasiday”. Ilaahay wuxuu Rasuulkiisa SCW ku soo dejiyey qur’aan aan akhrinnay haddana la nasakhay. Qur’aankaas wuxuu micnihiisu ahaa (Allahayow gaarsii dadkayagii in aan la kulannay Rabbigayo oo uu naga raalli noqday annaguna aan ka ralli noqonnay), markaas ayaa Rasuulku SCW iska daayey Qanuuddii uu salaadda subax oran jirey”. Sidaa darteed markii ay muslimiinta ku timaaddo musiibo waa shey wanaagsan in mar mar la qanuudo, laakiin wax daliil ah islaamka kama haysato in salaadda subax lagu gaaryeelo ama caado looga dhigo salaadda subax. Arrinkaas ah in salaadda subax la qanuudo ma aysan samayn Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa iyo dadkii wanwanaagsanaa (Salafu Saalix) ee waddadii Rasuulka SCW qaaday.

XIGASHO:SOMALI TALK