ISRAACRAACII ILAALOOYINKA

0
766

Casharka 59aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

ISRAACRAACII ILAALOOYINKA
Waxaa israacraacay duullaamadii iyo ilaalooyinkii uu Rasuulku SCW u kala dirayey jihooyinka, waxayna ahaayeen sidatan:

1. Wuxuu Rasuulku SCW direy bishii Rabbiicul-Awal ama Rabbiicul-Aakhir, sannadkii 6aad ee hijriga koox ilaalo ah oo ka koobnayd 40 nin oo uu hoggaaminayey Cukaasha binu Muxsin, waxayna aadeen meesha la yiraahdo Qamri oo reer banii Asad degganaayeen. Cukaasha iyo raggiisii markii ay gaareen meeshii loo direy ayey qabiilkii kala carareen, muslimiintiina waxa ay soo kaxeysteen 200 oo halaad oo dadkaasi lahaayeen, waxayna ku soo laabteen Madiina.

2. Sidoo kale isla bishii Rabbiicul-Awal ama Rabbiicul-Aakhir,  , sannadkii 6aad ee hijriga, wuxuu Rasuulku SCW u direy meesha la yiraahdo Dil-qasa oo ay degganaayeen reer banii Thaclaba koox ilaalo ah oo ka koobnayd 10 nin uuna madax u ahaa Maxammed binu Maslama. Maxammed binu Maslama iyo kooxdiisi way bexeen, markii ay meeshii gaareen ayaa iyaga oo hurda waxaa u yimid qabiilkii ay u socdeen oo 100 nin gaaraya ayaa iyaga ayey wada dileen kooxdii muslimiinta ahayd ilaa Maxammed binu Maslama oo dhaawac ahaan uga fakaday maahane.

3. Markii la laayey asxaabtii Rasuulka SCW ee uu hoggaaminayey Maxammed binu Maslama ayaa Rasuulka SCW isla meeshii Dil-qasa ee reer banii Thaclaba u diray ciidan kale oo gaaraya 40 nin, uuna madax u yahay Abuu Cubeyda ibnu Jarraax, waqtigaas oo ahaa bishii Rabbiicul-Aakhir, sannadkii 6aad ee hijriga. Abuu Cubeyda iyo ciidankiisii markii ay gaareen meeshii goor subax ah ayaa reer banii Thaclaba ka baqday meeshii. Waxay markaa muslimiintu soo kaxeysteen xoolo ay lahaayeen, ninna way soo qafaasheen, wuuna islaamay ninkaasi.

4. Sidoo kale isla bishii Rabbiicul-Aakhir, sannadkii 6aad ee hijriga wuxuu Rasuulku SCW diray ciidan uu hoggaaminayo Seyd binu Xaarith, wuxuuna u direy meesha la yiraahdo Jumuum oo ay deggenaayeen reer banuu Suleym oo ahaa nimankii Bi’ru Macuuna ku laayey 70kii oo asxaabta Rasuulka SCW aha. Seyd iyo ciidankiisii markii ay meeshii gaareen ayey waxay qabteen haweeney oo kaxaysteen si ay u tusto meesha ay joogaan reer banuu Suleym, markii ay tageen meeshii ayey dadna ka soo qafaasheen xoolona ka soo kaxeysteen.

5. Sidoo kale bishii Jamaadul-Awal isla sannadkii 6aad ee hijriga wuxuu Rasuulku SCW direy ciidan gaaraya 170 nin oo uu madax uga dhigay Seyd binu Xaarith, wuxuuna ciidankaas u direy meel la yiraahdo Ciis. Seyd iyo ciidankiisii way bexeen, waxayna meeshii ka soo qafaasheen safar qureysheed oo uu waday Abul-Caas, oo ahaa ninkii  qabay gabadhii Rasuulka SCW ee Seynab. Markii safarkii iyo Abul-Caas la keenay Madiina ayaa markii salaadda subax la tukanayey Seynab ay gadaal ka hadashay oo tiri “dadow aniga ayaa magan geliyey Abul-Caas”, markaas ayaa Rasuulku SCW asxaabtiisa ku yiri “waad maqasheen waxa ay tiri, marka waxaan idiinka codsanayaa maalkiisiina haddii aad u celin kartaan in aad u celisaad”, markaas ayey asxaabti u wada celiyeen maalkiisii, waana la iska sii daayey isaga iyo maalkiisiiba.

Abul-Caas wuxuu ku laabtay Makka, wuxuuna xoolihii u celiyey dadki lahaa, ka dibna wuu islaamay oo Madiina ayuu u soo hijrooday. Markii uu Madiina yimidna Rasuulku SCW wuxuu ku celiyey Seynab, nikaaxoodii hore ayuuna isugu celiyey oo nikaax kale ma samayn. Waxa ayna kala maqnaayeen saddex sano iyo bar, mana ka furmin intii uu Abul-Caas gaalnimada ku jirey oo waxay ahayd intii aan muslimiinta iyo gaalada la kala xarriimin. Laakiin intii muslimiinta iyo gaalada la kala xarrimay wixii ka dambeeyey haddii labo qof oo is qaba midkood islaamo, midna gaalnimadii ku haro way kala furmaayaan, waana kala xaaraan in ay is qabaan labo qof oo midi muslim yahay midna gaal, ismana guursan karaan ilaa waxa keliya oo laga soo reebay in ragga muslimiinta ahi guursadaan dumarka Ehlu-kitaabka ah (yahuud iyo nasaara) ee dhowrsan, in kastoo ay ka kheyr badan tahay in ninka muslimka ihi guursado gabar dhowrsan oo muslim ah. Gabadha muslimadda ah iyada xaaraam ayey ka tahay in ay guursato nin gaal ah loomana oggola, nikaaxooduna ma ansaxayo.

6. Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW direy bishii Jamaadul-Aakhir, isla sannadkii 6aad ee hijriga ilaalo uu hoggaaminayo Seyd binu Xaarith oo ka koobnayd 15 nin, wuxuuna u direy meel la oran jirey Dharifi, oo ay daganaayeen reer Banii Thaclaba. Hase yeeshee reer Banii Thaclaba waxa ay u maleeyeen in Rasuulku SCW ku soo baxay markaas ayey carareen. Seyd iyo kooxdiisii waxa ay ku soo laabteen Madiina, waxa ayna maqnaayeen afar habeen.

7. Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW bishii Rajab isla sannadkii 6aad ee hijriga direy ilaalo ka koobnayd 12 nin oo uu madax u ahaa Seyd binu Xaarith, wuxuuna u direy meesha la yiraahdo Waadil-Quraa si ay u soo ogaadaan dhaqdhaqaaqa cadowga, hase yeeshee markii ay meeshii tageen ayaa waxaa weerar ku soo qaaday dadkii meeshaa degganaa, waxa ayna dileen sagaal nin, saddex uu Seyd ku jirana way ka baxsadeen.

8. Wuxuu sidoo kale Rasuulku SCW direy ciidan gaaraya 300 oo nin oo uu u direy in ay ka hortagaan safar qureysheed, wuxuuna ciidankaas madax uga dhigay Abuu Cubeyda ibnu Jaraax, waxaana ciidankani intii uu maqnaa qabatay gaajo aad u daran, waxa ayna qasheen saddex neef oo geel ah oo ka mid ahaa gaadiidkii ay wateen, Abuu Cubeyda oo ahaa amiirkii ciidanka ayaa markaa ka joojiyey arrintaan ah in ay qashaan   gaadiidkooda. Dabadeed baddii ayaa u soo tuurtay Cambar (nibiri) iska weynaaday oo ay cunayeen bil barkeed, ka dibna waxa ay ku soo laabteen Madiina iyaga oo hilibkiisii wax ka mid ah wata. Markii ay Rasuulka SCW u sheegeen wuxuu ku yiri “waa risqi Ilaahay idiin soo saaray ee wax ma ka haysaan hilibkiisii”, markaas ayey u keeneen.

Waxa aan in badan siirada ku arkaynaa in Rasuulku SCW uu marar badan dirayey cidamo ilaalooyin ah oo cadadkoodu yar yahay, arintaas oo xikmaddo ku jirta uu Alle garanayo, waxaa hadana ugu muhiimsanaa sadex qodob oo kala ah sidan:

1) Ciidanka wayn oo aan had iyo jeer bixi karin, una baahnaa dhaqaale badan iyo tabaabushe, maxaa yeelay qof walba waa garan karaa dhaqaalaha uu u baahan yahay ciidan gaaraya 2,000, oo maqnaanaya bil iyo ka badan, maalinkiina qalanaya 20 geel ah.

2) Ciidamadaas la dirayey waxa ay u badnaayeen ilaalooyin cadadkoodu intuu doono uu noqon karo, ilaalana waa la yaqaannaa maata oo waxaa weeyey ciidan loo direy arrin, oo aan ahayn dagaal musalax ah, inkasta oo aan arkayno in ilaalooyinka qaarkood ay ahaayeen ciidan xoog badan oo duullaan qaaday.

3. Waxa ay ahaayeen ciidamadaas ducaad dadka ugu yeeraya diinta Alle, waxayna muhiimaddooda ahayd in ay dadka gaarsiiyaan dacwada islaamka, iyaga oo adeegsanaya habkii wanaagsanaa ee Rasuulku SCW u baray, sidaa daraadeed haddii loo diido in ay xaqii dadka gaarsiiyaan, oo lagula dagaalamo diinta Alle, waxa ay raggii ducaada ahaa oo jilicsanaa isku badali jireen kumaandoos manexeyaal ah, oo hoojiya cadawga Alle.

XIGASHO: SOMALI TALK