DUULLAANKII DAATU-RIQAAC

0
1582

Casharka 67aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

DUULLAANKII DAATU-RIQAAC

Markii Rasuulku SCW ka soo jeestay laba garab (Qureysh iyo Yahuud) oo ka mid ahaa saddexdii gaashaanbuur oo Axsaab ku wada jirey ayuu u soo jeestay garabkii 3aad oo ahaa qabiilladii reer Qadafaan. Duullaankii lagu qaaday reer Qadafaan wuxuu ahaa mid ka duwan kuwii hore maxaa yeelay kuwani ma aysan lahayn magaalooyin iyo dhufeysyo ee waxa ay ahaayeen qabiilo kala firirsan oo reer baadiye ah.

Duullaankan, oo sida loo badan yahay, ahaa bishii Rabbiicul-Awal, sannadkii 7aad ee hijriga. Rasuulku SCW markii uu maqlay in ay in urursanayaan qabiillo ka mid ah reer Qadafaan ayuu kaxaystay ciidan 400 ama 700 oo nin ka kooban. Madiinana wuxuu mas’uul uga sii dhigay Abuu Darr Al-qafaari ama Cusmaan binu Cafaan. Labo maalmood markii ay Rasuulka SCW iyo ciidankiisii ka sii socdeen, oo ay marayaan meel la yiraahdo Nakhab, ayey la kulmeen ciidan reer Qadafaan ah hase ahaatee wax dagaal ihi ma dhicin.

Waxyaabaha dhacay intii jidka lagu jirey waxaa ka mid ahaa in maalin kulayle ah ay Rasuulka SCW iyo ciidankiisii meel degeen, markaas ayey asxaabtii geed hoos fiican Rasuulku SCW uga tageen iyagiina dhirtii kale isu kala qaybiyeen. Rasuulka SCW geedkii ayuu markaas hoos seexday, seeftiisiina meel kore ayuu surtay. Goor uu Rasuulku SCW hurdo ayaa waxaa u yimid nin reer baadiye ah oo gaal ah, markaas ayuu inta seeftii qaatay ag istaagay Nabiga SCW. Rasuulka SCW ayaa indhaha kala qaaday oo arkay ninkan seeftiisii la soo baxay oo dul taagan, intii uusan hadlin ayaa gaalkii hadlay oo yiri “ma iga baqaysaa?”, Rasuulku SCW “maya” ayuu ugu jawaabay, ninkii ayaa yiri “yaa iga kaa celinaya?”, “Allaah” ayuu Rasuulku SCW yiri. Intaa markii la is yiri ayey seeftii ninkii ka dhacday, Rasuulku SCW ayaa seeftii qaatay oo ku yiri “yaa iga kaa celinayaa?”, wuxuu ninkii yiri “noqo mid wax qaada kan ugu kheyr badan”, Rasuulku SCW wuxuu ku yiri “ma qiraysaa in Allaah ma ahane uusan Ilaah kale jirin, aniguna aan ahay Rasuulkii Alle?”, markaas ninkii yiri “waxa aan kaa ballan qaadayaa in aanan kula dagallamin, cid kula dagaallamaysana aanan raacin”.

Rasuulku SCW markaas ayuu asxaabtii u yeeray oo u sheegay qisadii iyada oo uu ninkii ag fadhiyo, ka dibna wuu iska cafiyey, ninkiina markii uu ciddiisii u tegey ayuu ku yiri “waxa aan idinkaga imid dad kii ugu kheyr badnaa agtisa (nabiga SCW).

Qisadan iyo kuwa la midka ah waxa aan ka arkaynaa sida uu Rasuulku SCW u ahaa mid cafis iyo naxariis badan, in badanna waxa aynu ku arkaynaa siirada in haddii Rasuulka SCW shakhsiyaddiisa lagu soo xad gudbo in uusan ka ficil qaadan jirin ee uu iska cafin jirey iyada oo la og yahay shakhsiyadda Rasuulka SCW oo lagu xad gudbo in ay la mid tahay islaamka oo lagu xad gudbay, haddana haddiii aysan ahayn dhib weyn wuu iska dhaafi jirey, hase yeeshee markii islaamka wax yar lagu xad gudbo wuu ka xanaaqi jirey oo ka ficiloon jirey sidaa ayaana laga doonayaa qofka muslimka ah ee waddadii Rasuulka SCW ku taagan in uu in badan wixii shakhsiyaddiisa la yeelo iska dhaafo, haddii aysan soo noqnoqon, laakiin haddii diinta Alle lagu xad gudbo in uu ka qiiroodo oo uu siduu wax uga qaban karo uga qabto. Sidoo kale waxa aan arkaynaa geesinimadii Rasuulka SCW iyo sida uusan bani aadamka uga baqayn, Rabbigiisna ugu kalsoonaa, Alle ayaana ka ilaashay sharta bani aadamka, wuxuuna Ibnu Hishaam sheegay in arrintan sababteeda ay aayadan ku soo dagtay.

((DADKA ALLE RUMEEYAYOW XUSUUSTA NIMCADII ALLE IDIIN GALAY MARKII AY DAD DAMCEEN INAY IDIIN FIDIYAAN GACMAHOODA (SI AY IDIIN WAX YEELAAN) OO UU IDINKA QABTAY GACMAHOODA, ALLE KA BAQA, HANA TALA SAARTAAN ALLE MU’MINIINTU)), (Suuuratul-Maa’ida 11).

Arrinimii kale ee dhacay duullaankan dhexdiisa waxaa ka mid ahaa in Rasuulku SCW uu habeen waardiye ka dhigay labada saxaabi ee la kala oran jirey Cammaar binu Yaasir iyo Cubaaba binu Bishiir, markaas ayaa iyaga oo is bedbeddalaya u Cammaar seexday, Cubaadana salaad galay. Waxaa u yimid nin gaaladii reer baadiyaha ahayd ka mid ah oo ehelkiisii wax la soo yeelay, ka dibna ku soo nadray in uu asxaabta Nabiga SCW dhiig ka soo daadiyo. Markii uu yimid ciidankii muslimiinta meeshii uu degganaa ayuu arkay ninka taagan (Cubaadda) oo gartay in ay yihiin asxaabtii Rasuulka SCW, fallaar ayuu ku soo ganay oo ku dhuftay hase ahaatee Cubaada isma dhaqaajin, mid labaad ayuu ku dhuftay, Cubaadana ma dhaqaaqin, mid saddexaad ayuu ku dhuftay oo cararay. Cubaada salaaddiisii kama bixin ilaa uu ka dhammaystay, markaas ayuu saaxiibkiis Cammaar kiciyey. Cammaar markii uu arkay Cubaada oo saddex fallaarood ku yaalliin, dhiigguna ka daadanayo ayuu ku yiri “Subxaanallaah, war maxaad ii kicin weydey?”, markaas ayuu Cubaada yiri “suurad macaan ayaan akhrinayey oo wax aan nacayey in aan iska kala gooyo”.

Ugu dambaynti duullaankan Daatu-Riqaac oo lagu qaaday qabiilladii reer Qadafaan wax weyn ayuu ka beddelay jawigi reer Qadafaan oo wixii duullaankan ka dambeeyey cagaha ayey dhulka dhigeen, waxa ayna bilaabeen islaamid iyo heshiis. Arrintaas waxaa caddaynaya in sannadkii duullaankaas ka dambeeyey 8aad ee qabiillo badan oo reer Qadafaan ihi ku jireen ciidankii muslimiinta iyaga oo soo islaamay.

XIGASHO: SOMALI TALK