DUULLAANKII DII-QIRAD IYO DAGAALKII KHAYBAR 

0
856

Casharka 65aad & 66aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

DUULLAANKII DII-QIRAD
Haddii aan dib u jaleecno dhinicii jihaadka, Rasuulku SCW markii uu ka soo noqday heshiiskii Xudeybiya duullaankii ugu horreeyey ee uu qaado wuxuu ahaa kii la oran jirey Dii-Qirad.

Sababta duullaankaasina waxa uu ahaa saxaabigii la oran jirey Salamata ibnu Akwac ayaa waxa uu yiri: “waxaan katagay Madiina aniga oo u socda dhinaca qaada, markii aan gaaray karinka qaaba ayaan waxaa ila kulmay wiil adeege u ahaa Cabdiraxmaan binu Cawf waxa aana ku iri “waran”, waxa uu yiri “waa la dhacay geeliii dhalay ee Rasuulka SCW (geelii Sakada oo magaalada dibadeeda lagu hayey), waxa aan iri “yaa dhacay” wuxuu yiri “Qadafaan iyo Fasaara”, markaasaan sadex jeer dhawaaqay, dhawaaq aan maqashiiyey wixii Madiina joogay aniga oo leh yaa sabaaxa (waa waray), waxaan kaddaba tagay (nimankii) iyagoo geelii kaxaystay, waxaana ku ganay gamuuno aniga oo leh ina Akwac ayaan ahay, maanta waa maalin kuwii xumaa la hoojiyey ilaa aan kasoo dhiciyey (geelii), iyagoon waxba ka maalin, ka dib geelii ayaan soo kaxeeyey waxaana iga hor yimid Rasuulkii SCW iyo ciidankii Muslimiinta.

DAGAALKII KHAYBAR

Khaybar waxa ay ahayd magaalo wayn oo aad u dhufaysyo badan, waxa ayna Madiina u jirtey 60 ila 80 mayl oo dhinaca woqooyi ah. Waxa ay ahayd xaruntii yahuudii dhulkaas degganayd. Sababta duullaankani waxa ay ahayd: Waxa  aan soo ogaannay in yahuuddu had iyo jeer ka mid ahayd cadowyadii ugu waaweynaa ee islaamka, kana dambeeyey duullaankii Axsaab, intaasna makri u maleegayey islaamka iyo muslimiinta. Sidaa darteeed ayaa heshiiskii Xudaybiya ka dib Rasuulku SCW wuxuu u soo jeestay cadowyadii kale ee islaamka ugu darnaa maaddaama uu qureysh meel isaga soo xiray, wuxuuna ugu hormariyey yahuuddii Khaybar.

Rasuulku SCW wuxuu duullaankan qaaday bishii Muxarram, sannadkii 7aad ee hijriga, waxayna culimada mufasiriintu sheegaan in Khaybar ahayd yabooh uu Ilaah ballanqaaday markii uu qur’aankiisa ku yiri:

((ALLE WAXA UU IDIIN YABOOHAY QANIIMOOYIN TIRA BADAN OO AAD QAADDANNAYSAAN, TANNA WAA IDIIN SOO DEDDEJIYEY, DADKA GACMAHOODIINA WAA IDINKA QABTAY SI AY CALAAMAD UGU AHAATO MU’MINIITA, UUNA IDINKU HANUUNIYO JIDKA TOOSAN)), (Suuratul-Fatxi 20).

Waxayna ahayd midda la soo dedejiyey heshiiskii Xudeybiya, qanimooyinkii tirada badnaanna Khaybar baa ka mid ahayd.

Markii ay munaafaqiintii iyo kuwii iimaankoodu daciifka ahaa ka hareen Rasuulka SCW Xudeybiya, ayaa Alle Rasuulkiisa SCW amray in aysan u raacin duuullaanka Khaybar, wuxuuna Alle qur’aankiisa ku yiri:

((WAXAY DHIHI DOONAAN KUWII HARAY (MUNAAFIQIINTII) MARKAAD QANIIMA U BAXDAAN SI AAD USOO QAADATAAN “NA DAAYA AAN IDIN RAACNEE”, WAXAY DOONAYAAN INAY BADALAAN HADALKA ALLE, WAXAAD TIRAAHDAA NA RAACI MAYSAAN ALLAANA SAAS HORAY U YIRI, WAXAY KU DHIHI DOONAAN WAAD NAXASDAYSAA, WAXBASE MA FAHMAYAAN ILLAA WAX YAR MOOYEE)), (Suuratul-Fatxi 15).

Sidaa darteed ayaa Rasuulku SCW markii uu u baxayey Khaybar wuxuu ogeysiiyey in aysan raacaynin, waxaana raacay oo keliya 1400kii nin ee Xudeybiya u raacay. Madiina wuxuu Rasuulku SCW madax uga sii dhigay Subaac binu Curfada.

Munaafaqiinta, oo had iyo jeer gaalada daba dhilif u ahaa, ahaana cadow aad u xun oo ku dhex jira muslimiinta, ugana eg muuqaalka iyo magaca muslimiinta hase yeeshee qalbiga iyo niyadda ka jecel kana raacsan gaalada, ayaa markii ay ogaadeen in uu Rasuulku SCW ku duulayo Khaybar waxa ay hoosta kala xiriireen yahuuddii Khaybar, waxa ayna ku dheheen “Maxammed idinka ayuu idin soo aaday oo idiin soo socdaa ee qaata degtooni, hana ka biqina idinka ayaa caddad iyo hubba ka badane. Maxammed ciidankiisu waa wax yar, hubna ma wataan in yar maahee”.

Yahuuddii markii ay warkaas maqleen waxa ay u cid dirsadeen reer Qadafaan oo ay xulafo ahaan jiren si ay dagaalka ula galaan, miraha Khaybarna nus u qaataan haddii laga qaalib noqdo muslimiinta. Reer Qadafaan warkaa way yeeleen, wayna soo bexeen si ay yahuudda ula dagaal galaan hase yeeshee intii ay jidka ku sii jireen ayey dhinicii reerahooda ka maqleen qaylo, markaas ayey u maleeyeen in muslimiintii u daba martay cidahoodii iyo maalkoodii. Dib ayey markaas u laabteen oo waxay waardiye ka qabteen dadkoodii, wayna isaga dhex baxeen Rasuulka SCW iyo yahuud.

Rasuulku SCW Madiina ayuu ka soo baxay isaga oo dhinaca Khaybar soo aaday. Markii uu meel dhexe marayo ayuu u yeeray labo nin oo ciidankaas hor socday, wuxuuna ka dalbay in ay tusiyaan jidka ugu wanaagsan ee Khaybar ka soo gelinaya dhinaca woqooyi ee ay Shaam ka xigto. Midkood ayaa markaas yiri “aniga ayaa ku tusinaya Rasuulkii Allow”. Markii uu muddo ciidankii waday oo la marayo meel ay dhowr waddo ku kulmaan ayuu yiri “Rasuulkii Allow waddooyinkaan oo dhan way na geynayaan”, markaas ayuu Rasuulku SCW amray in uu waddooyinka magacyadooda kala sheeg sheego, markii uu mid magacaababa Rasuulku SCW wuu diidayey ilaa ay ka hartay hal xabbo. Cumar ayaa markaas ninkii ku yiri “sheeg”, markii uu sheegayna Rasuulku SCW wuu yeelay oo waddadaas ayuu qaatay.

Habeenkii ugu dambaysay socodkooda waxa ay Rasuulka SCW iyo ciidankiisii degeen Khaybar agteeda. Rasuulku SCW haddii uu qolo duullaan ku yahay oo uu ku soo beegmo habeen ma weerari jirin ilaa uu ka waaberiisto sidaa darteed markii uu waagu baryey oo ay salaaddii subax tukadeen ayaa isaga iyo ciidankisii galeen magaaladii Khaybar.

Yahuuddii markii ay arkeen ciidankii Rasuulka SCW iyaga oo aan ka war hayn oo shaqooyinkoodii u kallahaya ayey dheheen “waa Maxammed, Ilaah baan ku dhaarannaye waa Maxammed iyo Khumus (ciidankiisii shan geeslaha ahaa). Markaas ayey ku carareen magaaladii iyo dhufeysyadoodii, wuxuu markaa Rasuulku SCW yiri “Allaahu Akbar, Khaybar waa kharaabtay. Allaahu Akbar Khaybar waa kharaabtay. Annagu haddii aannu degno dad goobtood waxaa xumaaday dad loo digay subaxdood”.

Ka dib Rasuulku SCW meel ayuu ciidankiisii dejiyey, waxaana markaas u yimid Xubaab ibnu Mundir oo ku yiri “Rasuulkii Allow meeshani waxa ay aad ugu dhowdahay dhufeskii Nadha, dagaalyahannadii Khaybar dhammaantoodna way ku jiraan, waxa ayna ku wareegaysanayaan agagaarkeeda, mana ogin arrimahooda, fallaarohooduna way na soo gaarayaan, kuweennuna ma gaarayaan, in ay na miraana kama aammin nihin. Sidoo kale meeshani waa timir dhexdeed iyo meel aan habboonayn ee haddii aad n amri lahayd meel aan waxaan u dhan lahayn oo aan xarun ka yeelanno (way fiicnaan lahayd”. Wuxuu markaas Rasuulku SCW yiri “taladu waa sida aad tilmaantay” ka dib ciidankii ayuu raray oo meel kale dejiyey.

Wuxuu Rasuulku SCW baryayey Rabbigiis isaga oo oranaya “Allihii toddobada samo iyo waxa ay hareereeyeen Rabbigood ahaayow, shayaadiinta iyo waxa ay baadiyeeyaan Rabbigood ahaayow waxa aan ku weydiisanaynaa magaaladan kheyrkeeda iyo dadkeeda kheyrkooda, waxa aanna kaa magan gelayaa magaaladan sharteeda iyo waxa ku jira shartooda”. Waxaana calanka muslimiinta waday Abuubakar  Sidiiq hase yeeshee markii dagaalki labo maalmood kasocday dhufayskii Naacim oo la furan waayey muslimiintiina ay dhibi soo gaartay ayuu Rasuulku SCW yiri “waxa aan calankan berri siin doonaa nin Alle iyo Rasuulkiisa jecel, Alle iyo Rasuulkiisuna jecel yihiin”. Subaxdii markii la gaaray ayaa nin walba oo asxabta ka mid ihi jeclaystay in uu noqdo ninkaas Alle iyo Rasuulkiisu SCW jecel yihiin, nin walbana wuu u hanqal taagay. Wuxuu markaas Rasuulku SCW yiri “aaway Cali binu Abii-dhaalib?”, waxa ay asxaabtii dheheen “Rasuulkii Allow indhaha ayaa laga hayaa”. Rasuulku SCW Cali ayuu u cid diray, markii uu u yimidna indhihii ayuuu uga tufay, waana u duceeyey. Calina markiiba indhihii way u caafimaadeen Rasuulkuna SCW wuxuu u dhiibay calankii, markaas ayuu Cali yiri “Rasuulkii Allow, miyaan la dagaallamaa ilaa ay annaga (muslimiinta) oo kale ka noqdaan?”, Rasuulku SCW wuxuu yiri “tartiibso ilaa aad ka degtid aaggooda, ka dib ugu yeer islaamka una sheeg waxa dushooda ku waajibka ah oo xaqa Alle ah. Ilaah baan ku dhaartaye in Ilaahay dartaa ku hanuuniyo qof kaliya ayaa kaaga kheyr badan geela kiisa gudguduudan”.

Ka dib waxaa la gudo galay dagaalkii Khaybar. Magaalada Khaybar waxa ay ahayd mid aad u qalcado iyo dhufeysyo badan, waxa ayna u qaybsanayd labo qaybood: Qayb waxaa ku yaallay shan qalcadood oo waaweyn iyo kuwo yar yar, qaybta kalena waxaa ku yaalley saddex qalcadood oo waaweyn oo keliya. Qalcadaha qaybta hore ku yaalley waxaa la kala oran jirey: Naacim, Sacab binu Mucaad, Qalcatu-Dubeyr, Ubey iyo Nasaar. Saddexda hore waxaa la isku oran jirey Nadha oo waa kuwii ugu waaweynaa. Labada dambe waxa ay ku yaalleen meel la oran jirey Shifi waana qaybta ugu xoogga badnayd oo uu ka dhacay dagaalku. Saddexda qalcadood ee dhinaca kale waxaa la kala oran jirey: Qamuus, Wadhiix iyo Sulaalam.

Dagaalki ayaa markaas bilowday, dhufeyskii ugu horreeyey ee ay muslimiintu weerareen wuxuu ahaa Naacim oo ahaa kii uu joogey nin hormoodayaashii yahuud ka mid ahaa oo la oran jirey Marxab. Cali binu Abii-dhaalib iyo ciidankiisii markii ay dhufeyskan tageen ayaa Cali yahuuddii ugu yeeray islaamka hase yeeshee way diideen, dagaal ayeyna doorteen. Waxaa mubaaraso u soo baxay madaxoodii Marxab oo leh “Khaybar waxa ay ogaatay in aan ahay Marxab oo jeeniqaarsan hub, geesi la jarribay”, waxaa markaa u soo banbaxay Caamir oo leh “Khaybar waxa ay ogaatay in aan ahay Caamir oo jeeniqaarsan hub, geesi booraysan”. Waxa ay markaas is dhaafsadeen laba seefood, seefii Marxab waxa ay ku dhacday gaashaanka, tii Caamirna way gaabnayd, wuxuuna damcay in uu dhudhunka uga dhufto hase yeeshee isaga ayey ku soo laabatay oo lawga uga dhacday, wuuna u dhintay. Asxaabtii qaar kamid ah ayaa yiri Caamir camalkiisii waa buray, markaasa Rasuulku SCW wuxuu yiri “been bay sheegeen wixii sidaas yiri, Caamir wuxuu leeyahay labo ajar oo waa mujaahid dadaalay”.

Ka dib waxa uu Marxab dalbaday in loo soo baxo, waxaa u soo baxay Cali binu Abii-dhaalib, si degdeg ah ayuu markaas Cali madaxa ugu dheereeyey cadowgii Alle ee Marxab. Dabadeed Cali dhufeyskii ayuu u sii dhowaaday, waxaana madaxa dhufeyska kala soo baxay nin yahuudi ah oo ku yiri “kuma ayaa tahay?”, Markaas ayuu Cali ugu jawaabay “Cali binu Abii-dhaalib baan ahay”, ninkii wuxuu markaa yiri “waad ka sare marteen wixii Muuse lagu soo dejiyey (diintii Tawreed).

Ka dib waxaa mubaaraso u soo baxay Marxab walaalkiis oo la oran jirey Yaasir, dhinaca muslimiintana waxaa ka soo baxay Subeyr ibnu Cawaam. Subeyr hooyadii oo Rasuulka SCW eeddadiis ahayd, ayaa Rasuulka SCW ku tiri “Rasuulkii Allow miyuu dilayaa wiilkeyga?” Rasuulku SCW wuxuu yiri “maya, ee isaga (subeyr) ayaa dilaya”. Sidaa ayaa ninkaas yahuudiga ahna Subeyr u diley.

Dagaalkii ayaa si fiican u bilowday, dhufeyskan Naacimna waxaa ka dhacay dagaal aad u daran oo maalmo socdey ilaa ay markiii dambe yahuuddii u adkaysan weyday weerarradii muslimiinta oo isaga soo baxday dhufeyskii, waxa ayna isku urursadeen dhufeyskii Sacab binu Mucaad oo ahaa dhufeyskii labaad dhinaca awoodda iyo xoogga. Waxa ay muslimiintu ku qaadeen weeraro halis ah, waxaana hoggaaminayey Xubaab binu Mundir. Waxaa dhufeyska iyo yahuudda la dul fadhiyey saddex maalmood, maalinki 3aad ayaa Rasuulku SCW Ilaahay u baryey ka dib markii ay muslimiinta ka dhammaatay sahaydii oo ay haleeshay gaajo aad u daran ilaa ay ka qasheen dameerihii ay wateen. Markaas ayaa Rasuulka SCW loo sheegay hilibkii dameeraha oo dabka saaran, wuxuu Rasuulku SCW amray in hilibka la daadiyo, dheryahana la jejebiyo.  Sidoo kale waxaa u yimid Rasuulka SCW rag asxaabta ka mid ah oo yiri “wax ma haysanno”, ka dib Rasulku SCW Ilaah ayuu baryey oo wuxuu yiri “Ilaahayow xaaladdooda waad og tahay, awoodna ma haystaan, anigana gacantayda kuma jiraan wax aan siiyo (asxaabta) ee u fur dhufeyska ugu weyn uguna cunto badan ha ku deeqtoomaane”. Subixii dambe ayuu Ilaahay muslimiinta u furay dhufeyskii ugu weynaa ee Sacab binu Mucaad, waxa ayna ka heleen raashin fara badan iyo hub halis ah oo uu ka mid ahaa Manjaniiq oo ahaa hubkii waqtigaas u casrisanaa.

Markii ay muslimiintu labadaas dhufeys furteen ayaa yahuuddii Nadha joogtey oo dhan isku urursatay dhufeyska Qalcatu-Subeyr oo ku yaalley qalcad dusheed, farduhuna aysan kori karin, raggana dhib ku ahaa. Markaas ayuu Rasuulku SCW amray in la hareereeyo, markii saddex beri  lagu hareereysnaa ayaa waxaa Rasuulka SCW u yimid nin yahuud ah oo yiri “Abal-qaasimow haddii aad bil ku hareereysanato waxba yeeli mayso maxaa yeelay waxa ay haystaan cabitaan iyo ilo dhulka hoostiisa ah, habeenkiina inta ay baxaan oo biyohooda soo cabbaan ayey qalcaddooda ku soo noqdaan oo difaac galaan. Haddii aad ka goysid biyaha waa kuu soo baxayaan”. Sidaa ayuu markaa yeelay Rasuulku SCW oo biyihii ayuu ka jaray, markaas ayey soo baxeen oo u dagaallameen ilaa uu markii dambe nasrigii Alle yimid oo muslimiintii goobtii furteen.

Yahuuddu waxa ay ka dib isku urursatay dhufeyskii 4aad ee la oran jirey Qalcaddii Ubay, muslimiintiina way ka daba tageen oo way hareereeyeen; waxaana goobtaas ka dhacay dagaal aad u daran. Labo nin oo halyeeyadii yahuudda ka mid ahaa ayaa mubaaraso u soo baxay hase ahaatee labadaba waxaa dilay raggii dhinaca muslimiiinta uga soo baxay, weliba kan dambe waxaa diley geesigii caanka ahaa ee Abuu Dujaana. Abuu Dujaana iyo ciidankii muslimiintu waxa ay u dheceen qalcadda gudeheeda ayey yahuuddii iskaga soo baxday  qalcaddii oo u carartay dhufeyskii ugu dambeeyey qaybta hore oo la oran jirey Nasaar. Waxa ay yahuuddu ku urursatay haweenkii iyo carruurtii iyaga oo iska dhaadhicinaya in aysan muslimiintu furan karin dhufeyskaas istaraatiijiyaddiisa iyo difaaciisa oo adkaa darteed. Waxaana uu dhufeyskaas ku yaalley buur dusheed. Ciidankii Alle, oo wax kasta u beer dhigayey, ayaa hareereeyey yahuuddii, yahuuddana waxa ay u ahayd kama dambays maxaa yeelay dumarkoodii, carruurtoodii iyo maalkoodii ayaa ku jirey dhufeyskaa, waana dhufeyskii ugu dambeeyey dhinacaas magaalada.

Yahuuddu waxa ay soo ganayeen Naabaal iyo dhagaxaan. Markii ciidankii muslimiinta ku adkaatay furashadii dhufeyskan ayuu Rasuulku SCW amray in la tuuro Manjaniiq. Muddo markii la tuurayey Manjaniiq ayaa lagu burburiyey qaybo ka mid ahaa deriyadii qalcadda oo ay muslimiintii galeen gudihii qalcadda, waxaana halkaa ka dhacay dagaal daran ilaa markii dambe yahuuddii ay jabtay oo ka carartay maatadii iyo maalkii.

Dhufeysyadii kale ee isla dhinacaan magaalada kaga yaalley wax dagal ihi kama dhicin oo markii kuwii waaweynaa laga qabsaday, ayey iskaga baxeen oo isku urursadeen dhufeysyadii ku yaalley dhinaca kale ee magaalada. Ciidankii muslimiintu markii uu furtay Nadha iyo Shiqi ayuu uga daba tegey yahuudda dhinicii kale oo hareereeyey. Dagaal adag ayaa ka dib dhacay ilaa ay muslimiiintu ka furteen dhufeyskii Qamuus. Dhufeysyadii kale markii uu Rasuulku SCW ku  hareereysnaa afar beri, yahuuddiina ay soo bixi weydey ayuu Rasuulku SCW damcay in uu Manjaniiq ku garaaco hase yeeshee yahuuddii ayaa weydiisatay heshiis oo ninkii la oran jiray Kinaana binu Abil-Xaqiiq oo kamid ahaa madaxdii yahuudii reer banii Nadiir ayaa Rasuulka SCW farriin u soo diray oo yiri “ma soo degaa aan kula hadlee?”, Rasuulkuna SCW wuu u oggolaaday. Markii uu soo degay ayaa waxaa lagu heshiiyey in dadka dagaallamayey ee dhufeyska ku jirey iyo maatada la iska daayo, Khaybarna ay ka guuraan, maalka Khaybarna ay muslimiintu leeyihiin. Rasuulku SCW wuxuu yiri “Alle iyo Rasuulkiisu beri bay idinka yihiin haddii aad wax qarisaan”. Markii heshiiskii lakala qortayna way is dhiibeen oo sidaas ayey ku dhamaatay furashadii Khaybar.

Wuxuu Rasuulku SCW u yimid ninkii la oran jirey Kinaan oo ahaa khasnad hayihii yahuudda reer Banii Nadiir. Ninkaas oo hayey maal aad u tiro badan, markii uu Rasuulku SCW weydiiyey maalkana wuu inkiray, nin yahuudda ka mid ah ayaa yiri “waxa aan arkay Kinaana oo tegeya meeshaas maalin kasta”, markaas ayuu Rasuulku SCW ku yiri Kinaana “ka warran haddii aan kaa helno maal sow kuma dilno”. markaas ayuu yiri “haa”, ka dib wuxuu Rasuulku SCW amray in la faago meeshii, markii la faagayna waxaa laga soo bixiyey keydkoodii qaarkiis, markaas ayaa la weydiiyey qaarkii kale hase yeeshee ma sheegin. Rasuulku SCW wuxuu amray Subyer in uu kexeeyo Kinaana oo soo buga bugeeyo, markii uu Subyer garaacay oo xanuujiyey ayuu Kinaana sheegay maalkii oo dhan. Ka dib wuxuu Rasuulku SCW amray Maxammed binu Maslama in uu dilo ninkaas maxaa yeelay labo ballan ayuu ku galay in la dilo: tan hore oo heshiiska ku jirtey in haddii ay wax qariyaan Alle iyo Rasuulkiisu SCW ay beri ka yihiin iyo tan dambe oo Rasuulku SCW ku yiri “haddii aan wax kaa helno sow kuma dilno” isaguna wuu yeelay. Saas ayaana abaalkeedu yahay ciddii islaamka diida oo dhagar iyo xumaan ka bixi wayda markii ay u gacan gasho ciidammada Alle.

Rasuulku SCW wuxuu ka dib damcay in sidi heshiisku ahaa uu yahuud Khaybar ka raro sidii uu awalba Madiina uga soo raray hase yeeshee waxa ay yiraahdeen “Maxammedow iska kaaya daa aan beeraha idiinka shaqayno, annaga ayaa idiinka aqoon badane”, markaas ayuu Rasuulku SCW ka yeelay in ay iska degganaadaan Khaybar oo islaamka ku hoos noolaadaan, beerahana ay ka shaqeeyaan, wixii ka soo go’ana ay kala bar qaataan. Markii ay beeruhu soo go’aan ayuu Rasuulku SCW u diri jjirey yahuudda nin khibrad leh oo soo qiimeeya miraha beerta saaran, ka dibna intii lagu qiimeeyo oo soo go’da ayaa la kala baran jirey. Sidaa ayey yahuuddu Khaybar u degganayd ilaa waqtigii Cumar binu Khadhaab uu khilaafada islaamka hayey, ka dibna Cmar ayaa ka raray.

Wuxuu Rasuulku SCW beerihii Khaybar u qaybiyey 36 qaybood oo qay kasta ahayd 100 sahmi (saami), isku darkeeduna ahaa 3600 oo sahmi. Ka dib markii labo loo qaybiyo (1800 sahmi) wuxuu dhigay danta guud ee muslimiinta, 100na ciidanki ayuu qeybiyey oo 1400 oo nin wuxuu siiyey min hal sahmi, labadii boqol ee farasna wuxuu siiyey min labo sahmi sidaas darteed ninkii faras watay wuxuu helay saddex sahmi, ninkii aan wadanna hal sahmi. Arrintaas wuxuu Rasulku SCW ku dhiirrigelinayey si ay ugu dadaalaan fardaha maaaddama ay farduhu waqtigaas joogeen halka ay miigtu maanta joogto.

Muslimiiintii waxa ay ka heleen Khaybar qaniimo aad u tiro badan oo Ilaahay ku hodmiyey, asxaabtiina waxa ay bexeen faqrigii aadka u darnaa, Caa’isha iyada oo Khaybar ka hadlaysa waxay tiri “haddaan timir ka dhargaynaa”. Sidoo kale Cabduullaahi binu Cumar wuxuu yiri “ma aannaan dhargin ilaa aan Khaybar kafuranay”. Waana qaniimadii uu Ilaahay u ballan qaaday. Qaniimada oo ah xoolo laga furto acdaa’da Alle markii ay diinta Alle ka horyimaadaan, waxa ay ka mid tahay risqiga ugu wanaagsan ee qofka muslimka ahi uu cuno. Allaahna wuxuu qur’aankiisa ku yiri:

((CUNA WAXAAD QANIIMAYSATEEN ISAGOO XALLAL WANAAGSAN AH, KANA BAQA ALLE, WUXUU ALLE AHAADAY DAMBI DHAAFE NAXARIISTA)), (Suuuratul-Anfaal 69).

Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu yiri “waxaa la ila soo bixiyey saacadda horteeda seef ilaa Ilaahay kaliya la caabudo, risqigaygana waxaa la yeelay hooska warankayga hoostiisa, dulli iyo xaqiraadna waxaa la yeelay ciddii amarkayga (islaamka) khilaafta, qofkii cid isku ekeysiiyana waa ka mid”.

Rasuulka SCW intii uusan Khaybar ka tegin waxaa ugu yimid Jacfar binu Abii-dhaalib iyo dadkii muslimiinta ahaa ee dhulka xabashida jirey oo uu Najaashi soo direy markii uu helay warqaddii Rasuulka SCW. Dadkaan waxaa la socdey Abuu Muusa Al-Ashcari iyo dadkii ashcariyiinta ahaa ee Yaman ka soo islaamay oo gaarayey dhowr iyo konton nin qaniimadi ayaana wax laga siiyey. Waxaa kale oo intii uu Rasuulku SCW Khaybar joogey yimid oo soo islaamay oo Abuu Hureyra iyo dhowr nin oo reerihiisa ahaa, waxayna markii hore tageen Madiina oo Subaac binu Curfada oo ahaan ninkii uu Madiina Rasuulku SCW madaxda uga soo dhigay ayaa soo ambabixiyey oo sahay soo siiyey.

Markii uu Rasuulku SCW Khaybar ka fara xashay ayaa naag la oran jirey Seynaba binu Xaarith oo yahuudiyad ahayd uuna qabay nin la oran jirey Sulaam binu Mashkam waxa ay Rasuulku SCW u soo hadiyeysay hilib ri’ ay soo soshay waxa ayna tiri “cadkee Rasuulku ugu jecel yahay?”, markaas ayaa la yiri “dhudhunka”, markaas ayey hilbihii oo dhan sumaysay, dhudhunkiina si gaar ah u sumaysay, ka dibna Rasuulka SCW u keentay. Rasuulku SCW markii uu hal mar goostay ayuu tufay oo yiri “waxaa la ii sheegay laftaani in ay sumaysan tahay”, naagti ayaa loo yeeray, markaas ayey qiratay. Rasuulku SCW wuxuu yiri “maxaa kugu xambaaray arrintaan?”, waxay tiri “waxaad aragtay ayaad dadkaygii ku samaysay marka waxa aan is iri haddii uu boqor yahayna waanu ka istareexin, haddii uu Nabi yahayna waa loo sheegi”, markaas ayuu Rasuulku SCW iska dhaafay hase yeeshee nin asxaabtii ka mid aha oo la oran jirey Bashiir binu Buraa oo hilikii wax ka goostay ayaa u dhintay, markaas ayaa naagti loo qisaasay oo la dilay. Sidaas ayuu ku dhamaaday duullaankii Khaybar guushina Ilaahay ku siiyey Rasuulka SCW iyo muslimiinta, acdaa’dii Ilaahayna ay jab ula kulmeen.

Muslimiinta waxaa duullaankaas uga shahiiday 16 nin: 4 Qureysh ah, nin reer Ashjac ah, nin reer Aslam ah, nin reer Khaybar ah iyo 9 Ansaar ah. Dhinaca gaalada waxaa laga dilay 93 nin.

Rasuulku SCW markuu khaybar tagay ayuu yahuuddii reer Fadak u diray Muxaysa binu Mascuud si uu islaamka ugu yeero hase yeeshee way diideen, markiise Khaybar la furtay ayuu Ilaahay quluubtoodii aragagax geliyey markaas ayey heshiis ula soo degdegeen Rasuulka SCW ay kuleeyihiin “sidii aad reer Khaybar ula heshiisay oo kale annagana noola heshii, Rasuulkuna SCW wuu ka yeelay.

Rasuulku SCW markiii uu Khaybar ka tegey wuxuu aaday meel la oran jirey Waadil-Quraa oo ay degganaayeen yahuud iyo carab. Markii uu gaaray oo uu dul degey aye yyahuuddii soo tuureen gammuuno, waxayna ku dhaceen wiil la oran jirey Mudhcam oo Rasuulka SCW mawle u ahaa. Wiilkii wuu dhintay, markaas ayey dadkii dheheen “janno ayaa u ahaatay” hase yeeshee Rasuulku SCW wuxuu yiri “ma aha sidaas, Ilaahii nafsaddaydu gacantiisa ku jirtey baan ku dhaartaye shalmaddii (xoolihii)  uu ka qaatay qaniimadii Khaybar intii aan la qaybin ayuu naar ku gelayaa”. Dadkii markii ay hadalkaas maqleen ayaa qofkii wax hayey keenay.

Ka dib Rasuulku SCW wuxuu asxaabtiisii u diyaariyey duullaankii reer Waadil-Quraa, wuuna safay, wuxuuna calankii u dhiibay Sacad binu Cubaada, raayana wuxuu u dhiibay Xubaab binu Mundir, raaya kalena Sahal binu Xuneyf, mid kalena Cubaada binu Bishir. Sidii hore oo kale ayuu Nabiga SCW islaamka ugu yeeray dadkaas, wayse diideen oo dagaal ayey ka doorteen.

Waxaa mubaaraso ay u soo saareen nin ka mid aha, waxaase u soo baxay oo diley Subeyr binu Cawaam. Mar labaad ayaa islaamka loogu yeeray haddana way diideen. Nin kale ayaa mubaaraso ugu soo baxay hase yeeshee isagana waxaa dilay Subyer binu Cawaam. Mar saddexaad ayaa islaamka loogu yeeray, iyaguna way diideen oo waxay mubaaro u soo saareen nin kale, waxaa markan u baxay oo dilay Cali binu Abii-dhaalib. Ka dib sidaa ayaa islaamka loogu yeerayey, iyaguna u diidayeen oo hadba nin mubaaraso ugu soo saarayeen ilaa laga diley 11 nin. Salaad ayaa soo gashay markaasuu Rasuulku SCW asxaabtii soo tujiyey, ka dibna goobtii ayey ku soo laabteen oo sidii oo kale islaamka ugu yeeray markii ay diideenna ula dagaallameen ilaa ay ka galabaysteen.

Subaxdii dambe ayaa Rasuulka SCW iyo ciidankiisii ku soo kallaheen, waana la qabtay, maalkoodii Ilaahay qaniimo ayuu muslimiinta uga dhigay. Ka dib Rasuulku SCW afar beri ayuu meeshaas joogay, muslimintana qaniimadii ayuu u qaybiyey, dhulkii iyo beerihina yahuud ayuu uga tegey oo uu kula heshiiyey sidii reer Khaybar oo kale.

Yahuuddii deggenayd meeshii la oran jirey Taymaa, markii ay maqashay in Rasuulku SCW qabsaday Khaybar iyo Waadil-Quraa, ayey is dhiibeen, waxayna Rasuulka SCW u soo bandhigeen in uu sidii hore oo kale uu heshiiyo. Rasuulku SCW wuu ka yeelay wuxuna u qoray warqaddan:

Tani waa waraaqadii Maxammed, Rasuulkii Alle uu u qoray reer banii Cadiye. Waxa ay leeyihiin dimo (ballan) dushoodana jisyo (canshuurta gaalada laga qaado) ayaa ahaatay, lama colaadiyo lamana bixiyo. Habeenku waa dheer yahay maalintuna waa adag tahay.

Ka dib Rasuulku SCW Madiina ayuu u so ambabaxay, dhex markuu marayana waxa uu guursaday oo uu dhsitay Safiya bintu Xuyey oo kamid ahayd dadkii Khaybar laga soo furtay uuna dhalay ninkii ahaa Xuyey binu Akhdhab ee madaxda u ahaa yahuudii reer banii Nadiir ee Madiina laga soo raray kana mid ahaa raggii Khaybar ka tegey ee soo abaabulay duullaanki Axsaab ka dibna reer banii qureyda dhufayska la galay oo halkaa lagu dilay.

Safiay waxa ay ahayd gabar yar waxaana guursaday marki ay Khaybar yimaadeen ka dib ninkii aan soo marnay ee ahaa Kinaana binu Rabbiic binu Abil Xuqayq markaas iyada oo aroos ku jirta waxa ay ku riyootay Dayaxa oo dhabteeda ku soo dhacay, waxay u sheegtay ninkeedii markaasuu intuu dharbaaxo daran ku dhuftay ku yiri “ma waxaad rajaynaysaa in Boqorka Yathrib ninkaaga noqdo”, hase yeeshee muddo yar ka dib Rasuulka SCW ayaa Khaybar furtay waxayna Safiya kamid noqotay dadkii laga qabsaday yahuud.

Rasuulku SCW san soo sheegnayba markuu dhex marayo ayuu xoreeyey oo guursaday ka dib markii ay islaamtay, habeenkii uu Rasuulku SCW la aqal galay ayaa nin asxaabta kamid aha oo la oran jirey Abuu Ayuub Khaalid binu Sayd intuu seeftiisii qaatay ayuu Rasuulka SCW waardiye ka qabtay isagoo ka baqaya in ay Rasuulka SCW wax gaarsiiso, markii waagii baryey ayuu Rasuulku SCW arkay markaasuu ku yiri “maxaa kugu dhacay abii Ayuub”, wuxuu yiri “Rasuulkii Allow waxaan kaaga baqay haweentan, maxaa yeelay waxaa la dilay aabeheed ninkeedii iyo tolkeed waana qof hadda gaalnimo kasoo gashay sidaa darteed waan kaaaga baqay”. Rasuulku SCW waxa uu sameeyey waliimo oo waxaa la isku dardaray wixii ay asxaabtu hayeen sida hilib, muufo, timir iwm, wuxuuna Rasuulku SCW meeshii deganaa 3dex maalmood oo uu safiya u yeelay.

Ka dib Rasuulka SCW iyo asxaabtiisii waxa ay aadeen dhinicii Madiina, habeenkii oo dhan sidii loo socday markii meel dhexe la marayo ayaa goor dambe meel la seexday. Rasuulku SCW wuxuu Bilaal faray in uu soo jeedo oo salaadda subax u kiciyo maxaa yeelay ciidanku muddo ayey dagaal iyo safar ku jireen. Bilaal markii uu wax yar soo jeeday ayuu rartiisii isku tiiriyey, markaas ayey indhihiisii ka qaalib noqdeen (oo wuu gam’ay). Hurdadii ayaa dhammaantood la tagtay ilaa ay qorraxdii ka soo baxday, waxaa uguhor kacay Rasuulka SCW. Ka dib Rasuulku SCW iyo asxaabtu togii ayay xoogaa ka socdeen oo salaaddi fajar ku tukadeen.

Intaas ka dib wuxuu Rasuulku SCW ku soo laabtay Madiina, waxaa kale oo iyaguna Madiina ku soo laabtay ciidan uu madax u ahaa Abaan binu Sacid oo uu Rasuulku SCW markii uu Khaybar aadayey u diray dhinaca Najdi si uu u cabsi geliyo rer baadiyihi oo aysan Madiina u soo hawaysan inta uu Rasuulku SCW Khaybar ku maqan yahay.