ILAALOOYINKII DAATU-RIQAAC KADAMBEEYEY

0
767

Casharka 68aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

ILAALOOYINKII DAATU-RIQAAC KADAMBEEYEY
Rasuulku SCW markii uu ka soo laabtay duullaanki Daatu-Riqaac ma uusan bixin ilaa laga gaaray bishii Shawaal ee isla sannadkii 7aad ee hijriga hase yeeshee wuxuu muddadaas iska daba diray dhowrkan sariyo (ilaalo).

1. Ilaaladii uu madaxda u ahaa Qaalib binu Cabdullaahi Layth oo uu u diray reer banii Mullaax bishii Safar ama Rabbiicul-Awal, sannadkii 7aad hijriga. Sababta loo direy ciidankanna waxa ay ahayd in ay reerkaasi dileen rag muslimiinta ka tirsanaa. Qaalib iyo kooxdiisii way bexeen, markii ay tageen degaankii qabiilkaas ayey ragna ka soo dileen, xoolana ka soo kaxaysteen, kana soo laabteen. Qabiilkii ayaa isu habar wacday oo ciidan aad u tiro badan ka soo daba direy Qaalib iyo kooxdiisii hase yeeshee markii ay u soo dhowaadeen ayaa Ilaahay keenay roob xoog badan oo dadkiisii kala xiray labadii ciidan, sidaas ayaana lagu kala tegay.

2. Ilaaladii uu hoggaaminayey Cumar binu Khadhaab oo uu Rasuulku SCW bishii Shacbaan, sannadkii 7aad ee hijriga u direy Turba oo ay degganaayeen reer banii Hawaasin. Ciidankan oo ka koobnaa 30 nin habeenkii ayey socon jireen, maalintiina way is qarin jireen si aan looga war helin oo ay u kediyaan acdaa’da Ilaahay, hase ahaatee reer Hawaasin way ka war heleen ciidanka, wayna kala carareen. Cumar iyo kooxdiisii way raadiyeen hase ahaatee waxba ma soo helin, ka dibna Madiina ayey ku soo laabteen.

3. Ilaaladii uu madaxda u ahaa Bashiir binu Sacad Al-ansaari oo uu Rasuulku SCW isla bishii Shacbaan, sannadkii 7aad ee hiriga u direy reer banii Mura. Ciidankan oo ahaa 30 nin meeshii loo direy ayey tageen oo soo gabagabeeyeen, ka dibna soo noqdeen, hase yeeshee waa laga daba yimid oo dagaal daran ayaa dhex maray iyaga iyo qabiilkaas. Asxaabtii oo dhan goobtaas ayey ku wada shahiideen Bashir binu Sacad ma ahane, isaguna dhaawac ahaan ayuu nin yahuudi ah gurigiis ku tegey, markii uu raystayna Madiina ayuu ku soo laabtay.

4. Ilaaladii uu hoggaaminayey Qaalib binu Cabdullaahi Layth oo uu Rasuulku SCW bishii Ramadaan, sannadkii 7aad ee hijriga u direy reer banii Cabdi binu Thaclaba iyo reer banii Cawaal. Ciidankan oo 130 nin gaarayey waxa ay soo guteen hawshii loo direy dabadeedna way soo naqdeen.

5. Ilaaladii uu madaxda u ahaa Cabdullaahi binu Rawaaxa oo uu Rasuulka SCW bishii Shawaal, sannadkii 7aad ee hijriga u direy Khaybar (akteeda). Rasuulku SCW markii uu maqlay in nin la yiraahdo Bashiir binu Saraam uu ururinayo ciidan reer Qadafaan ah si ay muslimiinta ugu soo duullaan ayuu ciidankan oo 30 nin ka koobnaa u direy. Cabdullaahi iyo ciidankiisii waxa ay tageen meeshii, waxayna gacanta ku soo dhigeen 30 nin oo uu ku jiro ninkii madaxda u ahaa, ka dibna markii ay dhex marayaan ayey nimankii khiyaama sameeyeen oo isku dayeen dil markaasaa la laayey.

6. Ilaaladii uu hoggaaminayey Bashiir binu Sacad oo uu Rasuulku SCW isla bishii Shawaal, sannadkii 7aad ee hijriga u direy Qadafaan. Ciidankan oo 300 nin ahaa sababta loo diray waxa ay ahayd in qoladaas qaar ka tirsan ay abaabul sameeyeen si ay Madiina u miraan. Bashiir iyo Ciidankiisii habeen socod ayey ahaayeen, maalintiina way is qarin jireen si aan loo ogaan hase ahaatee qabiilkii wuu ka war helay wuuna baqday. Ciidankaas waxa uu ku soo laabtay Madiina isaga oo qaniimo badan iyo labo nin oo qafaal ah wata. Labada nin markii Rasuulka SCW loo keenay way islaameen.

7. Ilaaladii Qaalib binu Cabdullaahi laythi oo uu Rasuulku SCW diray bishii Ramadaan sannadkii 8aad ee hijriga uuna u diray reer banii Cawaal iyo reer banii Cabdi Thaclaba, waxaana ciidankaani dhamman 130 nin. Qaalib iyo ciidankiisii meeshii ayey tageen, waxayna weerareen cadawgii oo wixii la dagaalamay ayey dileen ka dibna xoolo ayey kasoo kaxaysteen waxayna ku soo laabteen Madiina. Ilaaladaan weeye midda uu Usaama binu Sayd dilay nin ka mid ah dadkii la dagaalamayey oo ashahaatay, Rasuulkuna SCW markii loo sheegay waxa uu Usaama ku yiri “mawaxaad dishay markuu Laa Ilaaha illa Laah yiri ka dib”, wuxuu yiri Usaama “Rasuulkii Allow wuu iiga gabanayey” wuxuu yiri Rasuulku SCW “maqalbigiiisaad jeexday oo aad ka ogaatay in uu Run sheegayey iyo in uu Been sheegayey”. Allaah SW isaga oo arintaa ka hadlaya waxa uu qur’aankiisa ku yiri:

((KUWA MU’MINIINTA AHOW MARKAAD U BAXDAAN JIDKA ALLE WAX CADDAYSTA (HUBSADA) OO HA DHIHININA QOF SALAAM IDIIN SOO GUDBIEY MU’MIN MATIHID IDINKOO DOONAYA BIRBIRKA ADDUUNKA, ALLE AKTIISA AYEY AHAATAY QANIIMO BADANE, SAASOO KALE AYAAD AHAYDEEN (IDINKUBA) AWAL, ALLAANA IDIN GALADAYSTAY (OO IDIN SOO HANUUNIYEY) EE WAX CADAYSTAY (OO HUBSADA ARRINKA), ALLENA WAXA AAD CAMAL SAMAYNAYSAAN WAA GUN OGYAHAY)), (Suuratu-Nisaa’ 94).

Sidoo Allahba aayadan ku sheegay qofkii gaalka ahaa ee kula dagaalamayey haddii uu dagaalkii joojiyo oo uu ashahaato, dhiigiisu waa xaraan lamana dili karo, maxaa yeelay awalba waxaa loola dagaalamayey in uu Addoon unoqdo Rabbigiis, haddii taas laga helana faraha ayaa laga qaadayaa, sidoo kale haddii uu gaalku ogolaado jisyo iyo heshiis isna waa la nabad gelinayaa mar hadduusan diinta Alle ka hor imaanayn oo uu ogol yahay in ay ummada gaarto, sidoo kale waxaa lala dagaallamayaa ciddii dida Rugni islaamka ka mid ah sida Salaadda, Sakada, Xukunka shareecada islaamka iwm haba sheegtaan islaam, waxaana dagaalkoodu ku eg yahay ilaa ay ka ogolaadaan oo ay ka laabtaan. Abuubakar Sidiiqna waxa uu la dagaalamay dadkii Sakada diiday marki Rasuulku SCW dhintay ilaa ay ka soo laabteen, mana aysan dafirin dadkaasi Sakada, ee waxay is moodsiiyeen in ay Rasuulka SCW ku khaas ahayd, hase yeeshee qofku hadduu toos u jaaxido oo uu yiraahdo iguma waajibin Salaada ma Sako iwm ah ama uu inkiro Xukunka shareecada islaamka, is kuma khilaafsana culimada islaamku in uu qofkaasi yahay murtad islaamka ka baxay.

8. Ilaaladii Xadrat Al-aslami oo uu Rasuulku SCW direy ka dib markii uu ka war helay in nin u dhashay qabiilkii Jasnam binu Mucaawiye uu wax abaabulayo. Abii Xadrad iyo ciidankiisii oo 13 nin ahaa waxay isticmaaleen khiddad cadawgiina waa jabay.

9. Sidoo kale Rasuulku SCW diray koox ilaalo ah oo uu madax u ahaa nin Ansaar ah (oo la oran jirey Cabdullaahi binu Xudaafa) wuxuuna Rasuulku SCW kooxdaan amray in ay ninkaas uu madaxda uga dhigay ay maqlaan, markii meel la marayo ayuu u carooday markaasuu ku yiri “ii keena qoryo”, wey keeneen, wuxuu yiri “dab shida”, way shideen, markaasuu ku yiri “saw idinma amrin Rasuulku SCW in aad i maqashaan oo i adeecdaan”, waxay dheheen “haa”, wuxu yiri “gala dabka”, waxay dheheen “waxaan Rasuulka SCW ugu soo cararnayba waa naar ka carar”, ka dib wuu iska caro baab’ay dabkiina waa la iska damiyey, dabadeed markii Rasuulka SCW loo yimid ayey arrintii u sheegeen markaas yiri “hadday gali lahaayeen dabka kama aysan bexeen (naarta), is adeecitaanku waa wixii wanaag ah.

XIGASHO: SOMALI TALK