DUULLAANKII FATXU MAKKA 

0
908

Casharka 73aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

DUULLAANKII FATXU MAKKA

Sida la ogsoon yahay Qureysh waxa ay ahayd caqabad weyn oo dadka ka hor taagan islaamka waxayna degganaayeen Makka oo uu ku yaallay xaramkii Alle, ahaydna dhumucdii ay carab oo dhan ku xirnayd.

Sababta duullaankan keentay waxa ay ahayd: sidii aan soo sheegnayba Rasuulka SCW iyo qureysh waxa ay Xudeybiya ku kala saxiixdeen heshiis muddadisu ahayd 10 sano. Heshiiskaa waxaa ku jirey in ciddii Rasulka SCW la heshiisa aysan qureysh wax dhib ah u geysan karin, ciddii qureysh heshiis la gashana uusan Rasuulku SCW wax dhib ah u geysan karin. Markii uu heshiiskii dhammaaday ayuu qabiilkii Khusaaca Rasuulka SCW raacay, banuu Bakarna Qureysh raacay. Labadaas qabiil, oo uu dagaal ka dhexayn jirey, ayaa markii la marayo bishii Shacbaan, sannadkii 8aad ee hijriga nin la oran jirey Nawfal binu Mucaawiya soo kaxaystay ciidan qabiilkiisii ah (banii Bakar) isaga oo doonaya in uu ka aar goosto reer Khusaaca, wuxuuna ku soo duulay habeennimo, rag badanna wu ka laayey, reer Khusaacana way la dagaallameen.

Qureysh ballankii ayey ka baxday oo waxa ay hub iyo ciidanba siisey banii Bakar, reer KHusaacana sidaa ayaa lagu jebiyey oo waxay ku carareen xaramka oo aan lagu dili jirin ciddii gasha hase yeeshee reer banii Bakar kama harin ee xaramkii ayey uga daba tageen. Rag reer banii Bakar ahaa ayaa la hadlay hoggaamiyahoodii Nawfal oo ku yiri “war xaramkii baynu galnay, Ilaahaaga Ilaahaaga”, markaas ayuu si xun u hadlay oo yiri “Ilaah ma jiro ee maanta reer banii Bakarow aar goosta. Cimirgeyga ayaan ku dhaartaye xaramka wax waad ku xaddaane miyeydaan aar goosanayn?”.  Qureyshi way ku fiirsatay reer banii Bakar arrintaa foosha xun, weliba waa ku taageertay. Waxaa markaa soo aaday Madiina nin reer Khusaaca ahaa (qabiilkii xaramka ragooda lagu laayey) oo la oran jirey Camar binu Saalim, wuxuu u yimid Rasuulka SCW oo masaajidka asxaabtii dhex fadhiya, markaas ayuu tiriyey gabay guuubaabo ah oo uu ku tilmaamayo in xaramkii Alle lagu laayey iyagoo muslimiin ah qureyshna ay dagaalkii ka qayb qaadatay.

Reer Khusaaca waxa ay xulufo la ahaan jireen islaamka ka hor reer banuu Haashim oo ahaa jilibkii Rasuulka SCW, markii uu islaamku yimidna iyaga oo weli gaalo ah ayey Rasuulka SCW iyo muslimiinta caawin jireen. Markii ay Rasuulka SCW iyo qureysh  dagaallamayeen waxa ay la jireen Rasuulka SCW, markii heshiiska la kala saxiixdayna waxa ay raaceen Rasuulka SCW,  ka dibna way islaameen oo ikyaga oo islaam ah ayaa kacbadii lagu laayey. Qureysh oo Rasuulka SCW ay ballan ka dhexaysayna waxa ay ka qayb qaadatay dagaalkaas lagu hayey reer Khusaaca. Arrimahaas oo is urursaday dartood wuxuu Rasuulku SCW qaatay go’aan, wuxuuna yiri “waa laguu gargaaray Camar binu Saalimow”. Haddana waxaa Rasuulka SCW u yimid kox reer Khusaaca ah oo uu madax u yahay Baddiil binu Warqaa, wuxuuna u sheegay Rasuulka SCW dhibka ku dhacay iyo sidii ay qureysh ugu kaalmaysay reer banii Barkra, ka dib Makka ayey u noqdeen.

Nimankii qureysh ahaa markii ay ballantii ka baxeen oo khiyaamadaas sameeyee ayey shir qabteen oo go’aansadeen in hoggaamiyahoodi Abuu Sufyaan ay Madiina u diraan si uu heshiiska u soo cusbooneysiiyo.  Rasuulka SCW arrinkaas waa loo waxyooday oo wuxuu asxaabtiisa ku yiri “waaba idinka oo Abuu Sufyaan idiin yimid si uu muddadii heshiiskiinna u siyaadiyo”.

Abuu Sufyaan wuu soo baxay oo Madiina ayuu soo aaday, markii uu dhexda sii marayo ayaa waxaa ka hor yimid nimankii reer Khusaaca ee Baddiil watay, Madiinana ka soo laabtay, markaas ayuu ku yiri “xaggee ayaad ka timid Baddilow?”, markaas ayuu yiri “toggaan ayaan reer Khusaaca soo marsiinayey”, markaas ayuu Abuu Sufyaan yiri “amaad Maxammed ka timid”, markaas ayuuu yiri “may”, dabadeedna waa la is daba maray, wuxuu markaa Abuu Sufyaan yiri “haddii uu Madiina ka yimid timirta ayaan ku garanayaa”, markaas ayuu tegey meel uu gaadiidkii Baddiil fariistay, markaasuu saaladdii (neefka) qaatay oo burburiyey, markaas ayuu ku arkay laf, wuxuu yiri Abuu Sufyaan “Ilaah baan ku dhaartaye Baddiil Maxammed ayuu ka yimid”, ka dbna hore ayuu iskaga sii socday. Wuxuu u tegey Rasuulkii SCW oo la hadlay hase yeeshee Rasuulku SCW uma jawaabin. Wuxuu markaa u tegey Abuubakar Al-sidiiq oo ka codsaday in uu  Rasuulka SCW kala hadlo hase yeeshee Abuubakar kama yeelin, wuxuu markaa u tegey Cumar binu Khadhaab si uu Rasuulka SCW ugala hadlo, markaas ayuu Cumer yiri “ma aniga ayaa Rasuulka SCW kaala hadla? Ilaah baan ku dhaartaye haddii aan ul maahane wax kale waayo waan kugula dagaallamayaa”.

Ka dib wuxuu u tegey Cali Abii-Dhaalib oo ay la joogaan xaaskiisii Faadumo iyo wiilkiisii Xasan, markaas ayuu ku yiri “Caliyow adiga ayaa ragga iigu xiga, dan baan u imid ee ha i celin sidii aan u imid aniaga oo hoogay ee Maxammed igala hadal”, markaas ayuu Cali yiri “hooggaaga ee Abuu Sufyaan Rasuulkii Alle wuxuu go’aansaday arrin aannaan awoodi karin in aan kala hadalno”, markaas ayuu Abuu Sufyaan Faadumo binu Maxammed SCW (Rasuulka SCW gabadhiisa) jalleecay oo ku yiri “ma kuu ahaatay in aad wiilkaagan madax ka dhigtid oo uu dadka kala badbaadsho, uuna noqdo sayidkii carbeed inta wakhtiga ka hartay?”, markaas ayey Faadum tiri “Ilaah baan ku dhaartaye wiilkaygu ma gaarin arrinkaas ah in u dad kal badbaadsho, axadna Rasuulka Alle wax kama badbaadin karo”.

Abuu Sufyaan addunkii ayaa ku ciriiryoomay, xaalkiina waa ku murgay, markaas ayuu isaga oo quus ah ku yiri Cali “Abii-Xasanow waxa aan arkaa arrimihii in ay igu adkaadeen ee wax ii tilmaan”, markaas ayuu Cali yiri “say wax kuugu tari karto garan maayo, laakiin intii aad istaagtid waxa aad tiraahdaa “dhinacayga dadka waan kala badbaadiyey”, ka dibna dhulkaagii aad”, markaas ayuu Abuu Sufyaan yiri “oo ma waxaad u malaynaysaa in taasi ay wax i tarayso?”, wuxuu yiri Cali “may, Ilaah baan ku dhaartaye u malayn maayo laakiin wax aan iyada ahayn kuuma garanaayo”, markaas ayuu Abuu Sufyaan masaajidkii tegey oo  yiri “dadow anigu dadkii waan kala badbaadiyey”, ka dibna ratigiisii ayuu fuulay oo iska tegey.

Markii uu Abuu Sufyaan qureysh ku laabtay ayey dheheen “maxaad waddaa?”, markaas ayuu yiri “Maxammed baan u tegey oo la hadlay, Ilaah baan ku dhaartaye iima jawaabin, ka dib ina Abii Quxaafa (Abiibakar) ayaan u tegey kheyrse kama helin, ka dib Cumar binu Khadhaab ayaan u tegey, waxa aan arkay in uu ragga iigu cadowsan yahay, ka dib Cali ayaan u tegey, waxa aan arkay in uu ragga iigu jilicsan yahay, wuxuuna ii tilmaamay arrin aan sameeyey, Ilaah baanse ku dhaartaye ma ogi in ay wax ii tarayso iyo in kale”, markaay ayey dheheen “muxuu kugu yri?”, wuxu yiri “wuxuu i faray in aan dhaho “dadkii waan kala badbaadiyey”, waanna sameeyey, waxa ay dheheen “Maxammed arrinkii ma yeelay?”,  wuxu yiri “may”, waxa ay yiraahdeen “hooggaaga ee ninka wax siintiisu waa in ciyaar lagaa dhigto”, markaas ayuu yiri “maya, Ilaah baan ku dhaartaye wax aan taas ka ahayn iima helin”.

Rasuulku SCW wuxuu Caa’isha amray in ay sahaydii dagaalka u diyaariso, cidna weli arrintaas duullaanka ma uusan ogeysiin. Waxa markaa Caa’isha u soo galay aabbeheed Abuubakar wuxuuna ku yiri “gabadheydiiyey waa maxay is diyaarintaan?”, markaas ayey tiri “Ilaah baan ku dhaartaye ma ogi”, markaas ayuu Abuubakar yiri “Ilaah baan ku dhaartaye wakhtigan ma jiro duullaan reer banii Asfar ee xaggee Rasuulka Alle rabaa?”, markaas ayey tiri “Ilaah baan ku dhaartaye ma garanayo”. Saddexdii beri ee ugu horreysey asxaabtu arrinkan ma aysan ogeyn hase yeeshee maalinkii saddexaad ayaa waxaa yimid Camar binu Saalim Al-Khusaaci oo 40 ninwata, gabayo ayuuna tiriyey, markaas ayey asxaabtii ogaadeen in qureysh ballantii ka baxday, ka dibna markii Baddiil iyo Abuu Sufyaan ay Madiina isaga daba yimaadeen ayey asxaabtu arrinkii xaqiiqsatay.

Rasuulku SCW wuxuu ka dib amray in la is diyaariyo, wuxuuna muslimiintii u sheegay in Makka lagu duulayo, wuxuuna Rasuulku SCW jiho kale u diray ilaalo ka kooban 8 nin oo uu madax u ahaa Abii Qataada binu Rabbiici bilowgii bishii Ramadaan, sannadkii 8aad ee hijriga si ay cadawga Alle ugu maleeyaan in Rasuulku SCW dhinacaa ku duulayo. Ilaaladii markii ay meeshii loo direy gaareen ayey ka war heleen in Rasuulkii SCW Makka ku duulay, markaas ayey soo noqdeen oo ka daba tageen.

Intii uusan Rasuulku SCW bixin ayaa nin asxaabta ka mid ahaa oo la oran jirey Xaadhib ibnu abii Baltaca waraaq u qoray Qureysh taas oo uu ugu sheegayo duullaanka Rasuulka SCW, wuxuu warqaddii u sii dhiibay haweeney gaalo ahayd oo u socotay Makka, waxayna dhex gelisay madaxeeda. Rasuulka SCW ayaa arrinkaa loo waxyooday, markaas ayuu ka daba diray haweentii Cali Abii-Dhaalib iyo Miqdaad binu Aswad oo ku yiri “baxa ilaa aad ka gaartaan beerta Khaakh oo ay joogto haweney wadda waraaq u socota qureysh”.

Cali iyo Miqdaad fardohoodii ayey qaateen, waxa ayna ka daba tageen haweentii oo joogta meeshii uu Rasuulku SCW u tilmaamay, markaas ayey haweentii ku dheheen “warqad ma waddaa?”, waxay tiri “ma wado?”, markaas ayey baareen reeryadeedii iyo alaabtii ay wadatay oo dhan, markii ay wax ka waayeen ayaa Cali haweentii ku yiri “Rasuulkii Alle been sheegi maayo, Ilaah baan ku dhaartaye waad soo bixinaysaa warqadda ama waan ku qaawineynaa”. Haweentii markii ay aragtay in uusan Cali kaftamayn oo ay dhab ka tahay ayey tiri “sii jeesta”, marki ay jeesteen ayey furtay madaxeedii oo warqaddii ka soo dhex saartay.

Ka dib warqaddii Rasuulka SCW ayaa loo geeyey, markii la fureyna waxaa ku qornaa in ay ka socota Xaadhib ibnu abii Baltaca kuna socota Qureysh, kana warramaysay duullaanka Rasuulka SCW. Rasuulku SCW wuxuu u yeeray Xaadhib oo ku yiri “maxay arrintani tahay Xaadhib?”, markaas ayuu yiri “Rasuulkii Allow ha igu degdegin, Ilaah baan ku dhaartaye anigu waxa aan ahay mu’min Alle iyo Rasuulkiisa rumeeyey, mana riddoobin, mana beddelin (diinteyda) laakiin waxa aan ahaa nin qureysh ku dhex jira oo aan ka dhalan, waxaana ii dhex jooga xaas, ilmo iyo qaraabo, cid ilaalinaysana ma jirto, asxaabta (muhaajiriinta) aan la duullaan galayana waxa aya leeyihiin qaraabo u ilaalineysa (maatadooda). Waxa aan marka jeclaystay haddii la dagaallamo in aan agtooda (qureysh) ku yeesho gacan ilaalisa dadkayga”. Cumar binu Khadhaab ayaa markaa yiri “Rasuulkii Allow ii daa aan unuunka u dheereeyee, maxaa yeelay Alle iyo Rasuulkiisa ayuu khiyaamay, waana munaafaqoobay”, markaas ayuu Rasuulku SCW ku yiri Cumar “wuxuu ka qayb galay (Xaadhib) Badar ee maxaa ku ogeysiiyey Cumarow in Allaah daalacaday Ehlu-Badar  oo ku yiri “wixii aad doontaan sameeya waan idiin dembi dhaafaye”, markaas ayaa Cumar indhihiisii ilmeeyeen oo uu yiri “Allaah iyo Rasuulkiisa ayaa u ogaal badan”, Allena isaga oo arrinkaas kahadlaya waxa uu qur’aankiisa ku yiri:

((KUWA MU’MINIINTA AHAW HAKA DHIGANINA CADAWGAY IYO CADAWGIIN AWLIYO (SAAXIIBO) IDINKOO U RIDAYA (U MUUJINAYA) JACAYL, WAXAY KU KUFRIYEEN WIXII IDIIN YIMID OO XAQA AHAA, WAXAY SAAREEN RASUULKA SCW IYO IDINKABA, ALLE OO AAD RUMEYSEEN OO AHAA RABBIGIIN DARTII, HADDII AAD U BAXDEEN JIHAADKA JIDKA ALLE IYO DALBIDDA RAALI AHAANSHAHAYGA, WAXAAD KU SIRAYSANAYSAA JACAYL, ANNA WAAN OGAHAY WAXAAD QARSANAYSAAN IYO WAXAAD MUUJISANAYSAAN, QOFKII IDINKA MID AH OO SAAS SAMEEYANA WAXA UU KA LUMAY WADDADII SAXDA AHAYD, HADDAY IDIN QABTAAN WAXA AY IDIIN NOQONAYAAN COL, WAXAYNA GACMAHA IYO CARRABKABA IDIINKU FIDINAYAAN XUMAAN, WAXAYNA JECEL YIHIIN INAAD GAALAWDAAN, IDINMA ANFACAYSO QARAABADIINA IYO CARRUURTIINU, MAALINKA QIYAAMAHANA WAA LA IDIN KALA SAARAYAA, ALLENA WAXAAD CAMAL FALAYSAAN WAA ARKAA)), (Suuratul-Mumtaxina 1-3).

Rasuulka SCW waxa uu ka soo baxay Madiina 10kii bishii Ramadaan, sannadkii 8aad ee hijriga isaga oo wata 10, 000 oo asxaabtiisa ah, wuxuuna Madiina madax uga soo dhigay Abaa Rahmul-Qafaari. Markii uu Rasuulku SCW Makka u soo dhowaaday oo uu marayo Juxfa agteeda ayaa waxaa u yimid adeerkiis Cabbaas binu Cabdimudhalib, ka dibna hore ayey u sii socdeen Rasuulka SCW iyo ciidankiisu, markii ay marayaan meesha la yiraahdo Abwaa’ ayaa waxaa u yimid ina adeerkiis Abuu Sufyaan binu Xaarith binu Cabdimudhalib iyo ina eedadiis Cabdullaahi binu abii Umaya, markaas ayuu Rasuulkku SCW ka jeestay labadoodii maxaa yeelay markii Makka la joogay ayey aad u dhibi jireen Rasuulka SCW iyo islaamka, markaas ayey Rasuulka SCW xaaskiisii Ummu Salama ku tiri “ha ka dhigin ina adeerkaa iyo ina eeddahaa dadka kuwa ugu ayaan daran”, Calina wuxuu la hadlay abuu Sufyaan oo ku yiri “dhinaca Rasuulku SCW u jeedo inta ad uga timaaddid ku dheh sidii ay Nabi Yuusuf ku dheheen walaalihiis oo kale;

“Waxay dheheen Allaan ku dhaaranaye Alle wuu naga kaa doortay, waxaanuna ahayn kuwa gafsan”. (Suuratu-Yuusuf 91).

Maxaa yeelay Rasuulku kama raalli noqdo in laga hadal wanaagsanaado”. Abuu Sufyaan intuu Rasuulka SCW u tegey ayuu sidii sameeyey, markaas ayuu Rasuulku SCW ugu jawaabay sidii Nabi Yuusuf walaalihiis ugu jawaabay oo ahayd:

“Wuxuu yiri canaani korkiina ma ahaanin, Allena ha idiin dambi dhaafo isagaa Naxariis badane”. (Suuratu-Yuusuf 92).

Dabadeed Abuu Sufyaan wuxuu tiriyey gabay uu Rasuulka SCW ku ammaanayo.

Rasuulka SCW iyo asxaabtu way soommanaayeen oo waxaa lagu jirey bishii Ramadaan. Sidaa darteed markii ay marayaan meesha la yiraahdo Kudaydan oo Makka u jirta 86 km oo biyo lahayd ayaa Rasuulku SCW arkay asxaabtii oo diif ka muuqato, markaas ayuu afuray, iyagiina way afureen maxaa yeelay waxa ay ahaayeen musaafiriin jihaad ku jira.

Rasuulku SCW wuxuu habeenkii dambeeyey socodkiisa degey meeshii la oran jirey Marri Dahraan haddase loo yaqaan Waadi faadima. Wuxuu ciidankii amray in cid walba dab shidato, markaas ayaa waxaa la shiday 10,000 oo dab, wuxuu Rasuulku SCW habeenkaa waardiyaha ciidanka u dhiibay Cumar binu Khadhaab, Nabiga SCW adeerkiis Cabbaasna wuxuu qaatay baqashii caddayd ee Rasuulka SCW wuxuuna baxay isaga oo ah wardoon oo raadinaya qureysh xaalkeeda. Qureysh ma aysan maqal soo bixitaanka Rasuulka SCW iyo ciidankiisa, markaas ayaa waxaa habeenkaas bixitaanka wardoon ahaan u soo baxay hoggaamiyahoodii Abuu Sufyaan ibnu Xarbi iyo Xakiim binu Xisaam iyo Baddiil binu Warqaa. Wuxuu yiri Cabbaas binu Cabdhimudhalib “Ilaah baan ku dhaartaye aniga oo saaran (baqashii) ayaan maqlay Abuu Sufyaan iyo Baddiil oo hadalka isdhaafsanaya oo Abuu Sufyaan leeyahay “dabka iyo ciidammada caawa oo kale weligay ma arag”, markaas ayaa Baddiil yiri “waa reer Khusaaca  oo dagaal isu diyaarinaya”, markaas ayuu Abuu Sufyaan yiri “Khusaaca waa ka yar tahay uma ahaan karto dabkaan iyo mucaskarkaan”. Ka dib waxaan aqoonsaday codkiisa waxaanna ku iri “Abuu Xandala”, markaas ayuu isna codkayga gartay oo yiri “ma Abaa Fadli baa?”, waxaan iri “haa”, muxuu yiri “aabahay iyo hooyaday ha lagugu furtee maxaad haysaa?”, markaas ayaan iri “waa kan Rasuulkii Alle, qureyshna waa lagu waa beriisan”, wuxuu yiri “war maxaa talo ah aabbahay iyo hooyaday ha lagugu furtee?”, waxa aan iri “Ilaah baan ku dhaartaye haddii lagu arko qoorta ayaa lagaa goynayaa ee ila soo fuul baqasha ilaa aan Rasuulka Alle kaag geeyo oo aan kuu magan weydiiyo”, markaas ayuu ila soo fuulay baqashii, labadii nin ee la socotayna way iska laabteen. Mar kasta oo aan dab ka mid ah dababkii muslimiinta dhaafayo waxa ay i lahaayeen “waa kuma kani?”, markii ay arkaan baqashii Rasuulka SCW iyo aniga ayey dhahayeen “waa Rasuulkii Alle adeerkiis iyo baqashiisii” ilaa aan ka soo gaaray dabkii Cumar binu Khadhaab. Cumar wuxuu yiri “waa kuma?”, wuuna soo istaagay, markii uu Abuu Sufyaan oo dabbadda gadaal ka saaran ayuu yiri “waa Abuu Sufyaan, cadowgii Alle. Ilaah baa mahad leh oo soo gacan geliyey annaga oo aan heshiis iyo ballan lahaydn”, ka dib Rasuulka SCW ayuu Cumar isku sii daayey aniguna baqashii baan eryay oo waan uga hor maray Rasuulka SCW.

Markii aan Rasuulka SCW u galay ayaa Cumarna soo galay oo yiri “Rasuulkii Allow kani waa Abuu Sufyaan ee ii daa aan qoorta ka gooye”, markaas ayaan iri “Rasuulkii Allow aniga ayaa magan geliyey”, ka dibna Rasuulka SCW ayaan ag fariistay oo madaxa qabtay waxaanna iri “Ilaah ayaan ku dhaartaye in uusan la hadlayn axad kale caawa”. Markii uu Cumar badiyey arrintii ayaan ku iri “aamus Cumar Ilaah baan ku dhaartaye haddii uu ahaan lahaa raggii reer banii Cadiyi ibnu Kacab ma aadan tiraahdeen waxaan oo kale”, wuxuu Cumar yiri “aamus Cabbaas Ilaah baan ku dhaartaye islaamiddaada ayaan ka jeclaa in uu islaamo Khadhab (aabihiis) wax kalena maaha ee waxa aan ogaa in islaamiddaada uu Rasuulka Alle ka jecel yahay tan Khadhaab”. Rasuulku SCW wuxuu markaas igu yiri “la tag Cabbaas oo rartaada la aad, markii aad waa beriisatana ii keen”, markaas ayaan la tegey, markii uu waagii beryayna Rasuulka SCW ayaan kula soo kallahay.

Markii Rasuulku SCW arkay ayuu ku yiri “war hooge Abuu Sufyaan ma waadan gaarin waqtigii aad ogaan lahayd Alle mooye Ilaah kale in uusan jirin?”, wuxuu yiri “aabbahay iyo hooyaday ha lagugu furtee, yaa kaa dulqaad badan oo kaa karaamayn badan, kaana xiriirin badan. Hoddaan malaynayo Allaah in uu la jiro Ilaah kalena wax buu ii tari lahaa”, wuxuu yiri Rasuulku SCW “hooggaaga ee Abuu Sufyaan ma waan la gaarin waqtigii aad ogaan lahayd in aan ahay Rasuulkii Alle?”, wuxuu yiri “aabahay iyo hooyaday ha lagugu furtee, yaa kaa dulqaad badan oo kaa karaamayn badan, kaana xiriirin badan. Laakiin tan (Rasuulnimada) ilaa hadda naftaydu kuma qanacsana”, markaas ayaa ku iri “war hoogaaga ee islaam oo qir in Alle maahane uusan Ilaah kale jirin, Maxammedna Rasuulkii Alle yahay intii aan unuunka laguu dheerayn”, markaas ayuu islaamay oo Ilaahay isu dhiibay”.

Wuxuu Rasuulku SCW intaa ka dib ku yiri Abuu Sufyaan “orad oo dadkaagii badbaadi, kuna dheh qofkii xaramka gala waa aammin, kii albaabkiisa xirtana waa aammin”, markaas ayaa Cabbaas ku yiri Rasuulka SCW “Rasuulkii Allow Abuu Sufyaan waa nin magac jecel ee wax u yeel”, markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “qofkii daarta Abuu Sufyaan galana waa aammin”.

Rasuulku SCW wuxuu ka dib amray ciidankii in la dhaqaaqo iyagoo ka baxaya Marri Dhahraan una socda Makka, subaxdaas waxa ay ahayd talaado, 17kii Ramadaan, sannadkii 8aad ee hijriga, waana subaxdii Makka la furtay.

Rasuulku SCW wuxuu Cabbaas amray in uu Abuu Sufyaan joojiyo ciidammada hortooda si uu u arko ciidamada Alle. Cabbaasna sidii ayuu yeelay, markaas ayaa ciidammadii soo mareen iyaga oo koox koox u socda. Abuu Sufyaan mar kasta oo uu ciidan soo maro wuxu lahaa “waa kuwama Cabbaasow?”, markii Cabbaas u sheego oo yiraahdo “waa reer hebel” ayuu oranayey “maxaa aniga ikyo rer habelna isu kaaya keenay” ilaa ay markii ugu dambaysay soo mareen labadii garab ee cagaarnaa (Muhaajiriin iyo Ansaar) oo ahaa kumaandooskii ciidanka muslimiinta uuna dhex socday Rasuulkii Alle. Markaas ayuu Abuu Sufyaan yaabay oo yiri “Subxaana laah maxay yihiin kuwaanina Cabbaasow?”, Cabbaas ayaa yiri “waa Muhaajiriiin iyo Ansaar oo uu Rasuulkii Alle dhex socdo”, wuxuu yiri Abuu Sufyaan “ma jirto cid ka hor imaan karta kuwaan oo awood u leh, Ilaah baan ku dhaartaye Abaa Fadliyow wiilkii aad adeerka u ahayd (nabiga SCW) boqortooyadiisii way weynaatay maanta”, Cabbaas ayaa yiri “Abuu Sufyaan arrinku waa nabinnimo”, markaas ayuu yiri “waa run”.

Sacad binu Cubaada oo waday calanka Ansaarta ayaa soo ag maray Abuu Sufyaan oo ku yiri “maanta waa maalin dagaal, waa maalinkii la xalaaleeyey (waxyaalihii) xurmada lahaa, waa maalintii Alle dulleeyey qureysh”, markaas ayuu Abuu Sufyaan Rasuulka SCW u tegey oo ku yiri  “Rasuulki Allow ma waadan maqal waxa Sacad yiri?”, markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “oo muxuu yiri?”. Abuu Sufyaan ayaa markaa warkii Sacad u sheegay, markaas ayaa Cusmaan binu Cafaan iyo Cabdiraxmaan binu Cawf la hadleen Rasuulka SCW oo ku dheheen “Rasuulkii Allow aammin kama nihin (Sacad) in qureysh dhib u geysto”, markaas ayaa Rasuulku SCW waxa uu Abuu Sufyaan ku yiri “sidaas ma aha ee maanta waa maalin Kacbada la weyneeyey, waana maalin Ilaahay ciseeyey Qureysh”.

Ka dib wuxuu Rasuulku SCW u cid diray Sacad oo ka qaaday calankii, wuxuuna u dhiibay wilkiisii Qays binu Sacad, waxa kale oo la dhahaa wuxuu u dhiibay Subayr, sidoo kale waxaa la dhahaa lagamaba qaadin Sacad. Rasuulku SCW wuxuu markaas ku yiri Abuu Sufyaan ‘badbaadi dadkaaga”, markaas ayuu Abuu Sufyaan baxay oo isaga oo degdegaya xaramkii galay, wuxuuna ku dhawaaqay cod dheer isaga oo leh “qureysheey kani waa Maxammed oo idiinla yimid wax aydaan awood u lahayn ee qofkii gala daarta Abuu Sufyaan waa aammin”, markaas ayey xaaskiisii Hinda bintu Cutba istaagtay oo ku dhegtay shaaribkiisa iyada oo leh “dila axmaqa”, markaas ayuu yiri “war hooggiinnee tani yeysan naftiinna kedinnin, wuxuu la yimid Rasuulku SCW wax aydaan awood u lahayn qofkii gala daarta Abuu Sufyaan waa aammin”, markaas ayey dheheen “Alle ku dilye ma daartaada ayaa na  deeqda?”, markaas ayuu yiri “qofkii albaabkiisa xirta waa aammin, kii masjidka (xaramka) galana waa aammin”, markaas ayey dadkii ku kala yaaceen guryahoodii iyo xaramka hase yeeshee koox ay madax u yihiin Cikrama ibnu Abii Jahal iyo Safwaan binu Umaya ayaa diidey, waxa ayna dheheen “waan dagaallamaynaa”, kooxdaas nin  ku jirey oo la oran jirey Xamaas binu Qays aya isaga oo hubkiisii urursanaya waxaa arkay xaaskiisii oo ku tiri “yaad u urursanaysaa waxan aan arko?”, wuxuu yiri “Maxammed iyo asxaabtiisa”, markaas ayey tiri “Ilaah baan ku dhaartaye Maxammed iyo asxaabtiisa cid ma hor istaagi karto”, wuxuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye waxa aan rajaynayaa in aan qaarkood khaaddim kaaga dhigo”, wuxuuna tiriyey tix yar oo micneheedu yahay (cillad iguma sugnaa haddii ay maanta soo qaabbilaan Makka kani waa hubkeygii iyo aaladdaydii oo dhamays tiran).

Rasuulku SCW markii uu Makka soo gelayey aad ayuu Allaah ugu khuduucay, madaxiisana waa raariciyey, wuxuuna Alle ugu shukriyey nicmada uu ku karaameeyey iyo nasriga uu siiyey. Rasuulku SCW wuxuu amray Khaalid binu Waliid oo watay ciidanka dhinaca midig in uu Makka ka soo galo dhinaca hoose, wuxuuna ku yiri “haddii qof reer qureysh ah kaa hor yimaaddo xaaq oo tir tir, soona soco ilaa aad iigu timaado Safwa”. Sidoo kale wuxuu amray Subeyr oo isna watay garabka bidix ee ciidanka in uu Makka ka soo galo dhinaca kore oo calankiisa ka muto Xujuum, halkaasna uu joogo ilaa uu Rasuulku SCW uuga yimaaaddo. Abuu Cubeyda oo isna madax u ahaa saadka, wuxu amray in uu tagga soo dhex maro.

Qayb walba oo ciidanka ka mid ahayd meeshii loo xilsaaray ayey martay. Khaalid iyo ciidankiisii qofkii ka hor yimaada oo gaala qureysh ka tirsan way qabanayeen ilaa ay markii dambe uga yimaadeen ciidankii ay Cikrama ikyo Safwan urursadeen, wuxuu markaa ka dhigay wax uu dilo, wax uu qabto iyo wax ka cararay. Kuwii cararay waxaa ka mid ahaa Cikrama binu Abii Jahal, Safwaan binu Umaya iyo Xamaas binu Qays. Xamas oo ahaa ninkii hubka urursanayey oo haweentiisa ku lahaa “khaaddim baan kuu keenayaa” wuxuu gurigiisii galay isaga oo ordaya, wuxuuna ku yiri xaaskiisii “albaabka ii xir”, maraas ayey tiri “meeyey wixii aad sheegaysay (khaaddimkii)?”, markaas ayuu tiriyey tix yar oo uu ku leeyahay (hadii aad joogi lahayd maalinka Khandama markii ay carareen Safwaan iyo Cikrama (waad yaabi lahayd), waxaa nalala soo qaabbilay seefo carbisan oo goynaya meel walba, shanqarna aan laga maqlayn”. Khaalid iyo ciidankiisii sidii ayey Makka u soo dhex mareen ilaa ay Rasuulka SCW ugu yimaaddeen Safwa.

Subeyr iyo ciidankiisii meeshii uu Rasuulku SCW amray ee Xujuum ayey calankoodii ka muteen, waxa ayna joogeen ilaa uu Rasuulku SCW uga yimid. Rasuulkuna SCW isaga oo ay dhinaca kasta ka socdaan Muhaajiriin iyo Ansaar ayuu galay xaramkii, markaas ayuu Xajarul-Aswadkii dhunkaday, Beytkana dawaafay, wuxuna ul yar oo uu watay ku mudmuday asnaamtii meesha taalley oo gaareysey 360 sanam isaga oo akhrinaya aayaddan micnaheedu yahay:

((WAXAA DHAHDAA XAQII AYAA YIMD BAADHILKIINA WAA TIR TIRMAY, WUXUUNA AHAADAY  BAADHILKU MID TIR TIRMA)), (Suuratul-Israa 81).

Ka dib asnaamtii way hoobteen. Wuxuu Rasuulku SCW beytka dawaafay isaga o daabbadiisii saaran, markii uu dhammaystayna wuxuu u yeeray Cismaan binu abii Dhalxa oo ahaa ninkii Kacbada fureheeda hayey, wuxuuna ka qaatay furihii kacbada oo amray in loo furo, markii loo furayna wuu galay, markaas ayuu ku arkay asnaam taalla oo ay ka mid ahaayeen labo sanam oo qoryo hasta ayna dhihi jireen “waa suuraddii Nabi Ibraahiim ikyo Nabi Ismaaciil, qoryahaasna waa ku faalin jireen”, markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “Alle ha naclado Ciddii falkan samaysay, Ilaah baan ku dhaartaye weligood faal wax kuma samayn (Ibraahiim iyo Ismaaciil)”. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu xirtay albaabkii kacbada, waxaana kula jirey Usaama binu Seyd iyo Bilaal, wuxuuna u dhowaaday derbia albaabka xiga oo uu u jirsaday saddex dhudhun, ka dibna wuu tudakay. Kacbaduna waxa ay markaa lahayd lix tiir, saddex gadaal ayey ka jireen meeshii uu Rasuulku SCW ku tukanayey labana dhinaca bidix, halna midig. Ka dib albaabkii ayuu furay isaga oo takbiirsanaya oo Alle weyneynaya, qureyshna xaramka ayey ka buuxeen iyaga oo saf saf ah oo sugaya waxa lagu samayn doono. Rasuulku SCW markii uu soo baxay wuxuu istaagay albaabka agtiisa, qureyshna wax ay fadhiyeen hoostiisa, markaas ayuu Rasuulku SCW wuxuu jeediyey khudbaddan:

Allaah mooye Ilaah kale ma jiro, keligiis weeye, shariikna ma leh, wuuna ku

run sheegay ballantiisii, una gargaaray addoonkiisii, keligiis ayaana jebiyey             axsaabta.

Hooy wax kasta oo aar gudasho ahaa ama maal aha ama dhiig, waxaa weeye             labadaydan lugood hoostooda (waa la duugay) illaa fure hayayaasha xaramka             iyo waraabiyayaasha xujeyda maahane (iyaga booskoodii way haynayaan oo             laga qaadi maayo).

Hooy dilitaanka kama’da ihi wuxuu u eg yahay (la mid yahay) kaska, waxayna magtiisu tahay 100 geel ah oo ay ku jirto 40 rimman, Qureysheey Ilaah waa idinka baabi’iyey faankii jaahiliga iyo aabbayaashii la weyneyn jirey. Dadka oo dhammi Aadam bay ka yimaadeen, Aadamna ciid baa laga abuuray), wuxuu markaa aqriyey aayaddan micnaheedu yahay:

((DADOW WAXAAN IDIN KA ABUURNAY LAB IYO DHADIG WAXAANA IDINKA YEELNAY SHACABO IYO QABIILO SI AAD ISUGU AQOONSATAAN, WAXAANA ALLE AKTII IDINKUGU KARAAMO BADAN KAN IDINKUGU TAQWADA BADAN)), (Suuratul-Xujuraat 13).

Ka dibna waxa uu yiri:            Qureysheey maxaad u malaynaysaan in aan idinku samayn doono? Waxa ay qureysh dheheen “kheyr, waxa aad tahay walaal wanaagsan oo uu dhalay walaal wanaagsan”, markaas ayuu Rasuulku SCW ku yiri “waxa aan idinku oranayaa sidii uu Yuusuf walaalihiis ku yiri oo kale:

((CANAANI DUSHIINA MA AHAANIN MAANTA, ALLENA HA IDIIN DAMBI DHAAFO ISAGAA ARXAMU RAAXIMIN AHE)), (Suuratu-Yuusuf 92).

Waxaa kale oo uu Rasuulku SCW ku yiri “orda iska taga waxa aad tihiin kuwa la sii daayaye”, ka dib Rasuulku SCW masaajidkii ayuu fariistay. Waxaa markaa istaagay Cabbaas binu Cabdimudhalib oo yiri “Rasuulkii Allow isugu kaaya dar maamulka iyo waraabinta”, markaas ayuu Rasuulku SCW isaga oo aan u jawaabin wuxuu u yeeray Cusmaan binu Dhalxa, markii uu u yimidna wuxuu ku yiri “waa kan furahaagii Cusmaan, maanta waa maalin samo fal iyo oofin”, ka dib salaaddii duhur ayaa soo gashay, markaas ayuu Rasuulku SCW amray Bilaal in uu kacbada fuulo oo addimo, markii uu Bilaal addimayey ayaa waxaa maqlay Abuu Sufyaan binu Xarbi, Cataab binu Seyd iyo Xaarith binu Hishaam (odayaashii qureysh) oo kacbada ag fadhiyey, markaas ayaa Cataab yiri “Ilaahay waa karaameeyey Useyd (aabbihiis) haddii uusan maqlin tan, wuxuuna maqli lahaa wax caro geliya”, Xaarith ayaa markaa hadlay oo yiri “Ilaah ayaan ku dhaartaye haddii aan ogaan lahaa inuu xaq yahay waan raaci lahaa”, markaas ayaa Abuu Sufyaanna hadlay oo yiri “Ilaah baan ku dhaartaye in aannan waxba oranayn, haddii aan hadlo waxaa iga warramaysa ciidda”. Nabiga SCW ayaa markaas ku soo baxay wuxuuna ku yiri “waan ogaaday waxa aad tiraahdeen” wuuna u sheegay, markaas ayey Xaarith iyo Cataab dheheen “waxa aan qiraynaa in aad rasuulkii Alle tahay. Ilaah baan ku dhaartaye in uusan na arag qof aan niraahno wuu kuu warramay”. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu tegey gurigii ina adeertiis Ummu Haani bintu Abii-dhaalib, halkaas oo uu ku qubesytay kuna tukaday 8 rakcadood oo salaatu-Shukri ah oo uu Alle uga mahad celinayo nasriga iyo furashada. Rasuulka SCW intii uu halkaa joogay waxaa u timid Ummu Haani,  waxayna Rasuulku SCW u sheegtay in labo nin oo ay magan gelisay uu walaalkeed Cali binu Abii-Dhaalib doonayo in uu dilo, makraas ayuu Rasuulku SCW yiri “waan magan gelinnay cidda aad magan gelisay Umma Haani”.

Rasuulku SCW wuxuu dhiiggooda banneeyey oo uu amray in la dilo 9 qof oo ka mid ahaa mujrimiintii ugu dhibka badnaa qureysh, aadna u dhibay Nabiga SCW iyo islaamka. waxa ay 9kaas qof kala ahaayeen:

Cabdullaahi binu abii Sarrax oo islaamka ka soo riddoobay, Makkana u soo fakaday.

Cikrama binu Abii Jahal

Xaarith binu Nufeyl binu Wahab

Muqayas binu Sabaaba

Habaar binu Aswad

Cabdulcusa binu Khadhal iyo labo addoon oo uu lahaa oo heesi jirey, heesahoodana ku caayi jirey Nabiga SCW iyo Saara oo ahayd haweentii  warqaddii Xaadhib laga helay.

Cabdullaahi binu Surraax waxaa keenay Cusmaan binu Cafan isaga oo Nabiga SCW u magan gelyo weydiinaya hase yeeshee Nabiga SCW xoogaa ayuu ka aammusay isaga oo raba in go’aankiisii hore la fuliyo oo ninkaas qoorta loo dheereeyo, ka dibna wuu iska cafiyey oo Cusmaan ayuu magangelyadii ka aqbalay.

Cikrama binu Abii Jahal wuxuu u fakaday Yaman, ka dibna xaaskiisii ayaa Nabiga SCW u timid oo u magangelyo weydiisay, Nabiga SCW wuu ka yeelay. Dabadeedna Cikrama wuu soo laabtay, wuuna islaamay oo islaamnimadiisi way wanaagsanaatay.

Ibnu Khadhal wuxuu ku dhegay tiirarka kacbada isaga oo u maleynaya in uu ku badbaadayo, markaas ayaa nin asxaabta ka mid ahi u  soo sheegay Rasuulka SCW,  Rasuulkuna SCW wuxuu amray in la dilo, waana la dilay.

Xaarith binu Nufeyl oo isna ahaa nin aad Rasuulka SCW Makka ugu dhibi jirey waxaa isna diley Cali binu Abii-Dhaalib.

Hubaar binu Aswad, oo isna ahaa nin dhib badan, markii ay gabadhii Rasuulka SCW ee Seynab haajireyseyna ahaa ninkii ka daba tegey oo ku dhuftay dhagax kana soo riday ilmihii ay caloosha ku wadday, markii uu arkay in Makka la qabsaday ayuu cararay, ka dibna wuu islaamay, islaamnimadiisiina way wanaagsanaatay.

Labadii gabdhood ee heesaha cayda ah u tirin jirey Rasuulkana middood waa la diley, tii kalena waa la magangeliyey, wayna islaamtay. Saariya iyadana waa la magangeliyey wayna islaamtay.

Xaakim wuxuu weriyey in ay ka mid ahaayeen dadka dhiiggooda la banneeyey Kacab binu Suheyr, Waxshi binu Xarbi iyo Hindu bintu Cutba hase yeeshee saddexduba way soo islaamaeen, islaamnimadoodiina way wanaagsanaatay.

Ninkii la oran jirey Safwaan binu Umaya isagu kuma jirin dadkii dilka lagu xukumay hase yeeshee maaddaama uu ahaa nin ka mid ah hoggaamiyayaashii qureysheed wuxuu u baqay naftiisa wuuna cararay, markaas ayaa waxaa Rasuulka SCW u magangelyo weydiiyey Cumer ibnu Wahab Al-Jumuxi, Rasuulkuna SCW wuu ka yeelay,  wuxuuna Cumeyr siiyey cimaamaddiisii uu Makka ku soo galay si ay calaamad ugu noqoto magangelintiisa. Cumeyr wuxuu ka daba tegey Safwaan oo doonaya in uu xeebta Jiddah ka raaco doon u socota Yaman, wuuna soo celiyey. Safwaan markii uu soo laabtay ayuu Rasuulka SCW ka codsaday in uu siiyo muddo labo bilood ah si uu islaamka uga fekero, Rasuulkuna SCW labadii uu cdsaday labo kale ayuu ugu daray oo wuxuu yiri “afar bilood ayaad ikhtiyaar leedahay”, ka dib Safwaan wuu  islaamay, haweentiisa ayaase ka hor islaamtay, Rasuulkuna SCW nikaaxoodii hore ayuu u daayey.

Ninkii ahaa waxshi oo xamsa dilay isna waxa uu u cararay Daa’if isaga oo ka baqaya in la dilo, markii ay reer Daa’if islaameena isaga oo raba in uu shaam u cararo ayaa lagu yiri rasuulku SCW ma dilo qofkii u taga isagoo tawbad keen ah oo soo islaamay, markaasuu Rasuulka SCW Madiina ugu tagay oo islaamay, islaamnimadiisiina way wanaagsanaatay.

Sidoo kale waxaa isna Daa’if u cararay ninkii ahaa abuu Caamir Al-faasiq, markii ay reer Daa’if islaameena waxa uu u cararay shaam, dabadeedna halkaas ayuu ku bakhtiyey.

Rasuulku SCW maalinkii uu Makka furtay maalinkii ku xigay ayuu dadkii oo dhan u khudbeeyey, wuxuuna ku yiri markii uu Ilaahay mahadiyey ka dib “Dadow Ilaahay wuxuu xarrimay Makka markii uu Samaawaatka iyo dhulka abuuray, qof iga horreeyey iyo mid iga dambeeyana looma xalaalaeyn, anigana waxaa la ii xalaaleeyey saacad  maalin ka mid ah, haddana waxa ay ku laabatay xurmadeedii, xalaalna uma aha qof Alle iyo aakhiro rumeeyey in uu dhiig ku daadsho ama gooyo dhriteeda. Haddii uu qof daliishado dagaalka Rasuulka Alle waxa aad tiraahdaan “Alle ayaa Rasuulkiisa u idmay, adigase laguuma idmin”, anigana waxaa la ii xalaaleeyey saacad maalin ka mid ah maantana waxa ay ku laabatay xurmadeedii sidii xurmadeedii shalay oo kale. Qofkii jooga ha gaarsiiyo kan maqan”. Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW yiri “dhirteeda lama gooyo, ugaarteedana lama cayrsho, baadideedana lama qaado ilaa qof yaboohinaya ma ahane, daaqeedana lama guro”, maraas ayuu Cabaas yiri “Rasuulkii Allow Idkharka ka reeb, maxaa yeelay (waa geed) aan ku samaysano guryahayaga, naxashkana waan ka dhigannaa”, markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “Idkhar ma ahane”.

Reer Khusaaca ayaa sidoo kale maalinkaas waxa ay dileen nin reer banii Leyth ah oo ay u dileen dakano hore oo laga qabay, markaas ayaa rasuulku SCW yiri “reer Khusaacow kor uga laaba gacmihiinna dilka, dil waa batay haddii uu waxtarayee, waxaadna disheen nin aan magtiisa bixinayo, qofkii la dilo halkan aan taagnahay wixii ka dambeeya ehelkiisii labo midkood ayey dooranayaan: in ay u dilaan iyo in ay mag qaataan. Markaas ayaa waxaa istaagay nin reer Yaman ah oo la oran jirey Abuu Shaah oo yiri “Rasuulkii Allow ii qor”, markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “u qora Abuuu Shaah.

Markii ay dhammaatay qabashadii Makka oo ay magaaladii isku dubba dhacday ayey Ansaartii waxa ay ka baqeen maaddaama Ilaahay Rasuulkiisii u furay Makka in uu Rasuulku SCW magaaladiisii uu ku dhashay dego, markaasa ayey Rasuulka SCW oo Safwa taagan oo Ilaahay ku baryaya is yiraahdeen “ma dhici kartaa Rasuulka in haddii uu Ilaahay u furay magaaladiisii iyo dhulkisii uuu dego?”. Markii uu Rasuulku SCW ducadii soo dhammaystay ayuu u yimid oo ku yiri “Maxaad tiraahdeen”, markaas ayey u sheegeen, wuxuu Rasuulku SCW ku yiri “Ilaah baan ka magan galnay (taas) noloshu waa noloshiina, dhimashaduna waa dhimashadiina” taas oo ula jeedo magaaladiinna (Madiina) ayaan ku noolaanayaa kuna dhimanayaa.

Dadkii reer Makka markii uu xaqii u caddaaday oo ay arkeen islaamka maahane in waddo kale oo guul lagu gaari karo jirin aye isa soo uruursadeen iyaga oo Rasuulka SCW la mubaayacoonaya, Rasuulkuna SCW wuxuu fariistay Safwa oo ay dadku ugu tagayeen, Cumarna hoostiisa ayuu taagnaa oo dadka ayuu u soo gudbinayey. Rasuulku SCW wuxuu Makka joogey 19 beri oo uu dadka hanuunka ugu yeerayey, islaamkana barayey, wuxuuna amray in la burburiyo asnaamtii xaramka taalley dhammaantood, magaalada Makka gudaheedana wuxuu u direy nin naadinaya oo leh “qofki Alle iyo maalinka aakhiro rumeeyey yuusan gurigiisa sanam uga tegin ilaa uu burburiyo ma ahane.

Intii uu Makka joogey wuxuu Rasuulku SCW ciidamo u kala diray asnaamtii waaweynaa ee la caabudi jirey, siiba kuwii uu qur’aanku sheegay ee Laata, Cusa iyo Manaat oo ugu caansanaa Khaliijul-Carab. Cusa oo ahaa sanamkii ugu weynaa ee qureysh oo dhan caabudi jirtey wuxuu rasuulku SCW u diray Khaalid binu Waliid oo wata 30 nin oo fardooley ah, wuxuuna amray in uu soo dumiyo, waxaana maamulka Cusa hayey reer banii Sheybaan. Khaalid intuu tegey oo soo dumiyey ayuu soo laabtay, markaas ayaa Rasuulku SCW ku yiri “wax ma soo aragtay?”, wuxuu yiri “may”, markaas ayaa Rasuulku SCW yiri “ma aadan soo duminin ee laabo oo soo dumi”, markaas ayuu laabtay oo si fiican u sumiyey, markii uu si fiican u dumiyey ayaa waxaa ka soo baxay naag qaawan oo madow, madaxeeduna firirsan yahay oo qaylinaysa, markaas ayuu dilay, ka dibna soo laabtay oo Rasuulka SCW u sheegay, makraas ayaa Rasuulku SCW yiri “taasi waa Cusa oo ka quusatay in dhulkiinna dib dambe loogu caabudo”.

Sidoo kal esanamkii Hudan la oran jirey oo yaalley meeshii la oran jirey Barhaad oo saddex mayl u jirtey Makka wuxuu Rasuulku SCW u diray ciidan uu hoggaaminayo Camar binu Caas. Camar markii uu meeshii tegey ayaa ninkii maamulka meesha hayey yiri “maxaad dooneysey?”, markaas ayuu Cumar yiri “Rasuulkii Alle ayaa i soo amray in aan dumiyo”, ninkii ayaa yiri “ma awoodi kartid”, Camar wuxuu yiri “sabab?”, wuxuu yiri “waa laguu diidayaa”, markaas ayaa Camar ku yiri “weli ma baadil baad ku tagan tahay?, hooggaagee ma wax bay maqlaan ama arkaan”, ka dib Camar intuu sanamkii jejebiyey ayuu ciidankiisiina amray in ay burburiyaan gurigii uu yaallay bal in wax ka soo baxaan hase yeeshee waxba kama soo bixin, markaas ayaa Camar ninkii ku yiri “maxaad aragtay?”, ninkii wuxuu yiri “waan islaamay” markii uu xaqii u caddaaday.

Sidoo kale sanamkii la oran jirey Manaat oo ay caabudi jireen Aws, Khasraj, Qasaan iyo dad kaleba wuxuu Rasuulku SCW u diray 20 nin oo fardooley ah oo uu madax u yahay Sacad binu Seyd Al-ashhari. Sascad markii uu meeshii tegey aya khaaddimkii meeshu ku yiri “maxaad dooneysey?”, markaas ayuu yiri “Manaat baan duminayaa”, wuxuu yiri “adiga ayey ku jirtaa”. Markii uu Sacad ku dhaqaaqay sanamkii ayaa waxaa ka soo baxday naaq qaawan oo madow oo hoog u yeeranaysa, xabadkana iska garaacaysa, markaas ayaa khaaddimkii la hadlay oo yiri “Manaateey waa kuwo kugu caasiyey”, Sacad ayaa markaas dilay, meeshiina burburiyey.

Khaalid binu Waliid markii uu ka soo laabtay sanambkii Cusa oo uu soo burburiyey, ayuu Rasuulku SCW u direy reer banuu Judeyma si uu islaamka ugu yeero, markaas ayu baxay  Khaalid isaga oo wata 350 Muhaajiriin iyo Ansaar ah, markii uu u tegeyna wuxuu ugu yeeray islaamkii hase yeeshee ma aysan dhihin waa islaamnay ee waxa ah dheheen “waa iilannay”, markaas ayuu Khaalid la dagaallamay oo laayey soona qafaashay, nin walba oo ciidankisii ka mid ahaana wuxuu u dhiibay maxbuus. Markii uu meel dhexe soo marayo ayuu ciidankii amray in nin walba uu dilo maxbuuskiisa hase yeeshee Cabdullaahi binu Cumar Khadhaab iyo rag kale oo ciidanka ka md ah ayaa diiday in ay laayaan maxaabistooda. Markii Rasuulku SCW loo yimid ayaa loo sheegay arrinkii, markaas ayuu Rasuulku SCW gacmoaha kor u taagay oo yiri “Allahayow adiga ayaan kaaga beri noqonayaa waxa uu sameeyey Khaalid”, ka dibna Rasuulku SCW nimankii la laayey magtoodii ayuu bixiyey. Waxaa jirtey duullaankaas lagu maqnaa  in Khaalid iyo Cabdiraxmaan binu Cawf uu xoogaa muran ihi dhex  maray, markaas ayaa Rasuulku SCW ku yiri Khaalid “aamus Khaalid ii dhaaf asxaabtayda, Ilaah baan ku dhaartaye haddii uu qof baxo oo uu wax ku bixiyo jidka Alle ma gaareysid nin asxaabtayda ka mid ah kallahaaddiisa iyo carraabadiisa”.

Furashadan Makka oo ahayd nasri aad u weyn wuxuu Ilaahay ku xoojiyey diintiisa, Rasuulkiisa SCW iyo askartiisa. Nasrigan oo uu Ilaahay ku dahiray Beytkiisa, kuna hoojiyey gaaladii, wuxuu ahaa mid ay muslimiintu wax badan sugayeen. Furashadani waxa ay aad wax uga beddeshay xaaladii Khaliijul-Carab oo hoggaankii waxaa u qabtay islaamka, carabna waxay soo galeen islaamka oo wax ay ogaayeen in xaramka cidda u hartaa ay xaq ku taagan tahay, waxayna weli xusuusnaayeen wixii ku dhacay Abraha, waxayna bilaabeen in ay koox koox iyo qabiil u soo galaan islaamka.

XIGASHO: SOMALI TALK