GEERIDII RASUULKA SCW

0
914

Casharka 82aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

GEERIDII RASUULKA SCW
Markii uu Rasuulku SCW ka soo laabtay Xajatul-Wadaac, maalmo ka dib waxaa dhalatay bishii Muxarram, sannadkii 11aad ee hijriga, isla bishii ku xigtay ee Safar ayaa Rasuulka SCW waxa ku bilaamay xanuunkii uu u geeriyoon lahaa. Rasuulka SCW geeridiisa waxaa ogeysiiyey Allaah sidii nabiyadii ka horreeyeyba, Rasuulka SCW wuu sii sheegay in aan Nabi dhiman ilaa la kala doorransiiyo labada daarood (adduun iyo aakhiro). Sidoo kale waxaa jirey arrimo badan oo muujinayey Rasuulka SCW geeridisa, waxaana ka mid ahaa:

1. Wuxuu Rasuulku SCW markii uu Mucaad binu Jamal Yaman u dirayey ku yiri “waxa la arkaa in aynaan mar dambe is arag oo aad soo martid masjidkayga iyo qabrigeyga”.

2. Ramadaankii ugu dambeeyey wuxuu Rasuulku SCW ictifaafay 20 beri, halka uu kuwii ka horreeyey uu 10 beri ka ictikaafi jirey.

3. Isla Ramadaankaas ugu dambeeyey wuxuu Jibriil qur’aanka la dhammeeyey Rasuulka SCW labo mar halka uu kuwii hore hal mar la dhammayn jirey.

4. Xajatul-Wadaac wuxuu Rasuulku SCW asxaabta maalinkii Ramyiga (tuurasha) ku yiri “iga qaata manaasiktiinna, waxaa la arkaa in aanan sannad dambe soo xajine”, markii Caarafo la taagnaana wuxuu yiri “waxaa la arkaa in aanan sannadkan ka dib halkaan idinkula kulmin”.

5. Markii uu xajku dhammaaday ee lagu jirey Ayaamu-Tashriiqa waxaa soo degtey Suuratu-Nasri oo calaamad u ahayd geerida Rasuulka SCW.

6. Sidoo kale qur’aankii ayaa la taam yeelay oo waxaa soo degay aayadihii ugu dambeeyey.

7. Sidoo kale waxa uu Rasuulku SCW asxaabta ku yiri “ma idin gaarsiiyey (diintii)”, oo uu waliba Saddex jeer ku cel celiyey, mar walbana ay lahaayeen “haa” markaasuu yiri “Allaw ka markhaati kac”.

Rasuulku SCW wuxuu markaas bilaabay u tabaabushaysi iyo diyaargaroobid xagga Rabbi, wuxuuna aad u badiyey tasbiixda iyo istiqfaarta sida uu Allaahba ugu amray Suuratu-Nasri. Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu bilaabay sagootin oo bilowgii bishii Safar, sannadkii 11aad ee hijriga, wuxuu tegey qubuurihii shuhadadii Uxud oo uu ku soo tukaday, soona sagootiyey, ka dibna wuxuu ku soo laabtay masaajidka oo la hadlay dadkii muslimiinta ahaa, wuxuuna ku yiri “waan idiin dhammeyey (diintii) aniguna markhaati ayaan dushiinna ka ahay. Ilaah baan ku dhaartaye waaba aniga oo hadda eegaya xawdkaygii (darkaygii), waxaana la i siiyey furayaashii khasnadihii dhulka, aniguan Ilaah baan ku dhaartay eka cabsan maayo in aad gadaashay (Ilaahay u) shariik yeeshaan laakiin waxaan ka cabsanayaa in aad ku tartantaan dunida”.

Sidoo kale Rasuulku SCW habeen ayuu aaday qabuurihii Baqiic oo u soo dembi dhaaf weydiiyey, ka dib Rasuulku SCW maalin ayuu ka qayb galay janaaso lagu xabaalayey qabuuraha Baqiic, markii uu ka soo laabtayna isaga oo dhex soo maraya ayaa waxaa qabtay madax xanuun iyo qandho, maalinkaas oo ahaa isniin, 29kii Safar, sannadkii 11aad ee hijriga, waana xanuunkii uu u geeriyooday, wuxuuna hayey 13 ama 14 beri.

Ka dib Rasuulka SCW markii uu xanuunkii ku soo batay wuxuu uga idan qaatay haweenkiisii in uu guriga Caa’isha joog, halkaas oo uu joogay intii uu xanuunsanaa. Ka dib maalin Arbaca ah (dhimashadiisa shan beri ka hor) ayaa waxaa Rasuulka SCW qabtay xanuun aad u daran oo uu la miyir doorsoomay, markaas ayuu yiri “igu shuba toddoba wadaamood (oo biyo ah) si aan dadka ugu baxo oo ula ballamo”, markii ay ku shubeen oo uu miyirsaday ayuu masaajidkii galay oo membarkiisii ku fariistay, wuxuuna u khudbeeyey dadkii oo wuxuu yiri “Allaha naclado Yahuud iyo Nasaara waxa ay qubuurtii nabiyadooda ka dhigteen masaajid”, waxaa kale oo uu yiri “ha ka dhigannina qabrigeyga sanam la caabudo”. Ka dib wuxuu Rasuulku SCW dadkii u bandhigay in ay ka aar gudato ciddii uu wax u geystay, ka dibna salaadii duhur ayuu tujiyey, wuxuuna ku laabtay meeshii isaga oo ku celinaya oraahdiisii hore, markaas ayaa nin muslimiinta ka mid ahaa yiri “saddex Dirham baan kugu lahaa”, wuxuu yiri Rasuulku SCW “Fadliyow sii”. Ka dib maalinkii xigey oo Khamista ahaa (dhimashadiisa 4 beri ka hor) ayuu asxaabtii ku yiri “kaalaya aan idiin qoro warqad aydaan gadaasheed lumin”, markaas ayuu Cumar yiri “Rasuulka SCW xanuunkii ayaa ka qalib noqday, agtiinnana waxaa ahaaday qur’aankii oo waxaa idinku filan kitaabka Alle”, dadki ayaa markaa is khilaafay oo dooday iyada oo qaar ayidayaan (ka hor imaanayaan) hadalkii Cumar qaarna leeyihiin “u keena Rasuulku SCW warqad ha idiin qoree”. Markii xoogaa la buuqay ayuu Rasuulku SCW yiri “iga baxa”. Sidoo kale waxuu Rasuulku SCW asxaabta u dardaarmay in Yahuud, Nasaara iyo Mushrikiin laga saaro Khaliijul-Carab.

Rasuulku SCW wuxuu isla maalinkaas tujiyey asxaabta salaaddii maqrib, wuxuuna ku akhriyey Suuratu-Mursalaat, salaaddii ku xigtay ee cishahana wuxuu damcay in uu tujiyo laakiin wuu awoodi kari waayey, wuxuu markaa amaray Abuubakar in uu dadka tujiyo, ilaa uu Rasuulku SCW ka dhintayna Abuubakar ayaa dadka tujinayey.

Maalinkii Sabtida ama Axadda ayaa Rasuulka SCW xanuunkii xoogaa ka fududaaday, markaas ayaa isaga oo labo nin garbaha hayaan salaaddii duhur u soo baxay Abuubakar oo dadka tujinaya. Abuubakar ayaa markii uu arkay dib u baxay hase yeeshee wuxuu Rasuulku SCW u ishaaray in uu joogo, wuxuuna nimankii ku yiri “i fariisiya dhinaciisa”, markaas ayey fariisiyeen dhinaca bidix ee Abuubakar. Abuubakar waxa uu markaa ku dayanayey Rasuulka SCW wuxuuna dadka maqashinayey takbiirtiisa.

Ka dib wuxuu Rasuulku SCW sadaqeeyey 7 Diinaar oo uu haystay, hubkiisiina wuxuu u hibeeyey muslimiinta, canbuur bireedkiisiina nin yahuud ah ayaa rahan ugu haystay 30 saac oo qamadi ah. Maalintii isniinta (maalintii uu geeriyoodey) ayuu

Rasuulku SCW gurigii uu joogey ee Caa’isha daaha ka feyday oo fiiriyey safafkii muslimiinta, markaas ayuu u bogay oo ku qoslay, Abuubakar ayaa markaas u maleeyey in Rasuulku SCW salaadda imaanayo hase yeeshee wuxuu Rasuulku SCW u ishaaray in uu iska joogo, wuuna iska laabtay. Markii barqadii la gaaray ayuu Rasuulku SCW gabadhiisii Faadumo u yeeray, wuxuuna ku sireystay arrin markaas ayey oyday, markaas ayuu arrin kale ku sireystay markaas ayey qososhay. Waa dambe markii Faadumo la weydiiyey arrinkaas waxa ay tiri “wuxuu markii hore ii sheegay in uu xanuunka haya u dhimanayo, markaas ayaan ooyey, markii kalena wuxuu ii sheegay in aan ahay qofka ugu horreeyey oo ehelkiisa ah oo raaci doona, markaas ayaan qoslay”. Sidoo kale maalinkaas waxa ay Faadumo aragtay Rasuulka SCW oo xanuun aad u darani hayo, markaas ayey tiri “aabbe waa dhibaateysan yahay”, markaas ayuu Rasuulku SCW ku yiri “maanta wixii ka dambeeya aabbahaa ma dhibaatoon doono”. Ka dib Rasuulku SCW isaga oo Caa’isha ku tiirsan ayaa waxaa u soo galay Cabdiraxmaan binu Abuubakar oo caday wata, markaas ayey Caa’isha aragtay Rasuulka SCW oo cadayga fiirinaya, waxa ayna fahamtay in uu jecel yahay, markaas ayey tiri “ma kaaga qaadaa”, isna madaxa ayuu ugu ishaaray haa, markaas ayey uga qaadday oo u calaalisay, markii uu cadaygii dhammaystayna, gacantiisa ama fartiisa ayuu kor u taagay isaga oo indhaha saanqaafka ku fiirinaya, bishimahana dhaqdhaqaajinaya oo leh “Fi Raafiiqil-Aclaa”, saddex goor ayuuna sidaas yiri, markaas ayey Caa’isha garatay in uusan adduunka dooran.

Ka dib Rasuulku SCW wuxuu geeriyoodey maalinkii Isniinta, 12kii Rabbiicul-Awal, sannadkii 11aad ee hijriga, waqti harsimadii ah, wuxuuna Rasuulku SCW jirey 63 sano.

Asxaabtii Rasuulka waxa ay arrintaasi ku noqotay lama filaan ilaa Cumar binu Khadhaab istaagay oo yiri “niman munaafaqiinta ka mid ah waxa ay leeyihiin “Rasuulkii Alle waa dhintay” lugaha iyo gacmaha ayaan ka jarayaa haddii aan hadalkaas ka maqlo, Rasuulkii Alle Rabbigiis buu aaday sidii Muse binu Cimraanba Rabbigiis u aaday oo 40 beri u maqnaa, ka dibna u soo laabtay”, markaas ayaa Abuubakar masaajidkii soo galay, isaga oo aan cidna lahadlin ayuu u gudbay gurigii oo Rasuulkii SCW intuu maradii ka qaaday wejiga ka dhunkaday yirina “Ilaahay kugu kulmin maayo labo dhimasho, tii Ilaahay kuu qoray waad hormarsatay”, dabadeedna wuxuu ku soo laabtay masaajidkii, wuxuuna ku yiri Cumar “fariiso”, wuxuuna la hadlay dadkii oo ku yiri “qofkii Maxammed SCW caabudi jirey, Maxammed SCW waa dhintay, qofkii Allaah caabudi jireyse Allaah waa nool yahay oo ma dhiman”, wuxuuna akhriyey aayaddaan:

((NABI) MAXAMED SCW RASUUL MOOYEE WAX KALE MA AHAN, HORTIINA WAXAA TAGAY (DHINTAY) RASUULO, (HADABA) HADII UU DHINTO AMA LA DILO MA WAXAAD U LAABANAYSAAN CIRIBKIINII (GAALNIMADIINII) QOFKII U LAABTA CIRIBTIISII (GAALOOBA) WAXBA KA DHIB MAAYO ALLE, WUXUUNA (ALLE) ABAAL MARIN DOONAA KUWA SHUKRIYA (OO ALLE KA BAQA)), (Suuratu Aali-Cimraan 144).

Ka dibna iyada oo aan Rasuulkii SCW weli la aasin maalinkaas ayaa laga hadlay khilaafadii iyo qofkii loo dooran lahaa si aysan muslimiintu hoggaan la’aan u noqon, in kasta oo xoogaa laga dooday, waxaa ugu dambayntii khilaafadii loo doortay Abuubakar, Rasuulkana SCW waxaa la dhaqay maalinkii Talaadada ee ka dambaysay maalinkii uu dhintay, isaga oo aan dharkiisii laga faydin, waxaana dhaqitaankiisa u qumay adeerkiis Cabaas iyo labo wiil oo uu dhalay oo kala ahaa Fadli iyo Qatham oo gad gadinayey, Cali binu Abii-Dhaalib oo dhaqayey, Usaama binu Sayd iyo Shaqraam oo Rasuulka SCW mawlihiisa ahaa oo iyaguna biyaha ku shushubayey, Aws binu Khawli oo xabadka ku tiiriyey, waxaana Rasuulka SCW lagu kafnay sadex maro oo cad cad oo aysan ku jirin qamiis iyo cimaamad, ka dib waxaa laga wada hadlay meeshii lagu aasi lahaa Rasuulka SCW, oo leh “Nabi lama oofsado illaa waxaa lagu xabaalaa meeshiii uu ku dhintay, Dalxa ayaa markaa kor u qaaday gogoshii uu Rasuulku SCW ku jiifay, waxaana hoosteeda laga qoday qabrigii, ka dibna dadkii ayaa u soo galay toban toban iyaga oo ku tukanaya, oo waxaa ku tukaday ragii, waxaa ku xigaysaday dumarkii, ka dibna caruurtii, ilaa maalinkii Talaadada oo dhan saa ku dhamaatay, dabadeed waxaa la aasay habeenkii arbacada saqdii dhexe.

XIGASHO: SOMALI TALK