Dhoof Ama Dhimo

0
996

Dhoof Ama Dhimo

Galab weeye hadda, qorraxdii qaawanayd, godka ay ku ordayso. Gidaar aad u kulul ayaa dhabarkayga gubaaya, kabo aan daboolnayn ayaa cagahayga sudhan, Cabdi oo murugaysan ayay indhahaygu hayaan.Marka laga tago Eebbaha weyn iyo qorraxda sheedda na ga soo qooraansanaysa; waa aniga, isaga iyo shimbir qoriga laydhka ku taagan.

Dhowr saacadood kaddib ayay doonidu ka dhaqaaqi doontaa xeebta Liibiya, doonni aannu muddo dheer dhexdeeda dul kambadhuudhi doonno.

Safar aan dhammaad lahayn ayay qaybtiisii qoyanayd bilaabmaysaa, naf dhiman weydey ayaa si kale oo ay u dhimato raadinaysa. In aannu illaa halkan aannu maanta fadhinno soo gaadhno ayaa guul ah, way ay u badan tahay in aan guusha meel kaga dhacayo. Sidii aan rabnay aniga iyo saaxiibkay ayaa noo rumowday. Caawa laba arrimood midkood ayay taagan tahay: dhoof amma dhimo.

Indhahayga ayaa ka jeestay ilmada dhuudhuuban ee dhabannadiisa cadceeddu engejisay dushooda ku dul rafanaysa, iyaga oo doonanaya dhanka shimbirta sida bilaa werwerka ah ugu dul nasanaysa tiirkan aan iga dheerayn. Malaha in ay noo digto ayay rabtaa si ay noogu sheegtana way garan la’ dahay. Kumannaan naga horreeyey ayay halligankooda u soo joogtay. Marba haddii aan intaa fahmay, kolley codkeeda waan maqlay. In aan taladeeda qaadan doono, taas shaki ayaa ku jira. Haddaba haddii aan la hadlo iyada, toloow ma i maqlaysaa? Haddii se ay i maqasho, ma i fahmaysaa? Haddii ay i fahanto, ma gudbin kartaa farriintaas? Intii aan ka aammusi lahaa, in aan ku nasiibsado ayaa roon. Sidan ayaan ku bilaabay:

Kolley shimbir ayaad tahay oo waayahayga wax badan ka garan maysid. Waaga ayaad la baridaa, sidii aad caloosha u buuxsan lahayd ayaad maalinta oo dhan ka shaqaysaa, adiga oo dheregsanna gabbalka ayaad la dhacdaa. Aniga oo intaa aad samayso samayn kara, haddana maxaa i wada? Dooddaas mar kale oo aan meel halkan dhaanta joogo ayaan ku la qaadaa-dhigi, waa haddii aynu dib isu aragnee. Imika mid ii samee, may mid maaha, fadlan dhowr ii samee. Shimbireey duul, imika ha duuline hadhow duul, haddii aan dhinto duul, duul oo raadkaygii dib u qaad. Barta uu ku geeyo iyo hooyo macaan u tag. Geedka weyn ee guriga dacalkiisa ku yaalla isku taag. Hadal aanan weligey ku odhan, balse aan jeclaa in aan ku idhaahdo iiga gee.

Inankaagii markii uu noolaa uu ku jeclaa ku dheh. Qofkii u dambeeyey ee uu xasuusnaana adiga ayuu ahaa ku dheh. Wixii aan doonayay iyo wixii aan ku beddeshay ayaa kala weynaaday ku dheh. Naftayda ayaan ku iibsanayay in aan qurbaha tago ku dheh. Naftii waa la iga qaatay ku dheh. Qurbena la’ima geyn ku dheh. Hooyo inta aan ku baday iga cafi ku dheh. Naxdinta qalbiga ku dillaacisay in aanu Ilaahay igu cadaabin ii weydii ku dheh. Hurdo la’aanta aan saaxiibka kaaga dhigay aniga igu illow ku dheh. Wax soo kordhi ayaan is lahaa ku dheh.

Wax ka qaalisan ayaan lumiyay ku dheh. Haddii Alle jannada i geeyo — walow uu shaki igaga jiro — in aan isku aragno amiin dheh ku dheh. Waa hooyo oo intaa ka badan ma qaadi kartee, gurigii heblaayo uga sii gudub. Gurigoodu geed la’isku taago ma lahee deyrkooda ku hagaag. Yarkii aad is jeclaydeen ma jiro ku dheh. Wuu jiri jiray ku dheh. Adiga ayaa noole, qayrkaa mid aan kaa tahriibin ka raadso ku dheh. Qorsheyaashii aan kaaga sheekayn jiray mid kuu dhammaystira Ilaahay weydiiso ku dheh. Iyadana intaa ha u dhaafin, ma rabo in ay hooyadeed dhawaaqaaga maqashee degdeg uga duul meesha.

Dugsigaygii dhankiisa u kac. Fasalkaygii aan fadhiisan jiray ku hagaag. Daaqaddu way jabnayde iyada ka gal. Imisaad dad aan kuu jeedin wax bartay ku dheh. Imisaad marxuum soo saartay ku dheh.

Khaladku adiga maaha ku dheh. Ha ciishoon ku dheh. Intaa u dhaaf isagana. Barta waddanka laga maammulo iyo baarlamaanka doono. Yaan lagu toogane si dhuuban u gal. Way habaaran yihiine waan idiin duceeyey ku dheh. Waad qalloocdaane Alle ha idin toosiyo ku dheh. Dhallaankiinii way madheen idinkuna waad murmaysaan ku dheh. Aheey waad doqonniimo-nooshihiine waa innoo qiyaamaha ku dheh. Intaa ha u dhaafin.

Waxaan rajaynayaa in aanad farriintaa gaadhsiin dadkaas oo aan anigu nabad tago meesha aan u socdo. Midda ay noqon, dhowaan ayaynu ogaan. Nabadeey!

Ismaaciil C Ubax