Gacantaa I Culus

0
968

Xasan iyo Nimco ayaa iga yar, iyagu waa ciyaal, maqasha ayaa loo diraa. Waan ilaaliyaa maalintii oo dhan. Toddoba jir ayaan ahay, shalay buu foolkaasi iga dhacay, wuu xanuun kululaa. Xasan iyo Nimco ayaa igu qoslayey, iyagu weli may gaadhin. Xasan ayuu imika ligliganayaa, Nimcana ma dhowa. Weli waa ciyaal. Barqadii ayaan ugu jeclahay roobka, habeenkii waan ka cabsadaa. Anigu adhiga ayaan raacaa, waa laba tiro. Adigu adhiga ma raacdaa? Maya, roobka oo dhan ma necbi, ka habeenkii uun weeyaan. Sanqadhiisa ayaan ka baqaa, daadka ayaa beri noo soo galay, xaafaddii reer Cabdullena wuu qaaday.

Laakiin imika waan ku rayn lahaa, waayo ma xasuusto goor noogu dambeysay roobkii. Wuu na nacay malaha. Dhowr bilood maanu arkin, malaha gu’ ka hor ayay ahayd. Maalin kasta cirka ayaanu eegi jirnay, daruuraha ayaanu u yeedhi jirnay, na may maqli jirin. Dhulka markaannu eegno, kolba neef baa dhacayey. Geedka ayaannu ku jiidi jirnay. Aabbo ayaa qali jirey maalin kasta, inta aanay bakhtiyin ka hor. Laakiin markii biyihii gudheen, wuu iska daayey. Hooyo riyo ay listo ma haysato. Wax badan baa is beddelay. Dadkii oo dhan way guureen, ma garanayo meesha ay tageen.

Anigu waxba ma cunin, biyihiina way dhammaadeen. Adigu ma cuntay, maad gaajoonaysaa? Anigu ma gaajoonayo, maalin hore ayaa cunto iigu dambeysay, haddana ma gaajoonayo, laakiin ma kici karo. Hooyo waxay igu tidhi jiif. Ha kicin. Aabbo ma arko. Maalin hore ayuu naga tegay, cunto ayuu doonay. Weli muu soo noqon. Malaha baabuur ayuu waayey, mise wuu na illoobay. Habeenkii marka aan sii seexanayo ayaan niyada kala hadlaa, kolley wuu i maqlayaa. Wuu soo socdaa, aabbo wuu imanayaa. Hooyo ayaa joogta. Kolba way kuftaa, ma garanayo sababta, malaha cagahaa xanuunaya. Habeenkii ayay dheri dabka saartaa, waxay noo sheegtaa in uu bislaanayo, way walaaqdaa, laakiin waxba ma uriyo. Isagoo dabka saaran ayaan seexdaa habeen kasta. Subixii markaan tooso ayaan weydiiyaa, waxay igu tidhaa riyihii baa cunay. Laakiin riyo ma joogaan.

Xasan iyo Nimco way joojiyeen qosolkii badnaa. Ciyaartii malaha. Way daaleen kolley. Xasan agtayda ayuu jiifaa, wuu dhuubtay, ri’dii Seenyo ayuu u ekaaday. Sideedii ayuu u jiifaa markii ay soo dhacday. Wuu i soo eegayaa, laakiin ila ma hadlayo. Duqsi ayaa ishiisa ku fadhiya, ka ma duulin karo. Gacantaa i culus. Nimco waxa iigu dambeysay shalay. Hooyo ayaa dhabta ku haysay. Markii dambe maryo ayaa lagu duubay, way dhaxmootay ayaan u malaynayaa. Imika maqrib ayaa dhow, hooyana dherigii ayay dabka sii saaraysaa. Waxaan rejaynayaa in uu caawa bislaado, inta aanan seexan ka hor, haddii aan seexdana, in aanay ri’du cunin.

Ismaaciil C Ubax