Mashaqo (Sheeko Gaaban)

0
1362

Maxaa beryahan ka socda magaaladii Hargeysa?!

Mashaqo (Sheeko Gaaban)

Cumar waa nin dhalin yaro ah oo aad u xarragooda, hab lebiskiisa waxa u raaca timaha oo uu had iyo jeer si qurux badan u shanlaysto. Muddo ilaa hadda dhawr sano laga joogo waxa uu la baxay food weyn oo cufan, waa sababta loogu bixiyey naanaysta Cumar -Elfis. Saaka aroortii hore waxa qorshihiisu ahaa in uu rayiislaha sii maro, oo timaha is ka yar gaabiyo. Markii uu suuqa badhtankiisa marayey ayaa waxa ku soo dhacday horta in uu sawir xusuus ah galo inta aan sannadku dhammaan. Waxa uu ku baydhay makhaayad uu islahaa ka eeg dhawr saaxiibbadii ah oo uu jeclaa in uu sawir xusuus ah la galo. Intii aanu gaadhin makhaayadii ayaa waxa ku degay koox boolis ah oo uu horkacayo Kabtan Dhoore. Markiiba waxa uu ku soo fiiqay maqas weyn oo aad moodo in uu maryo waaraad ah ku jarjari doono. Waa uu yaabay, iyada oo aan waxba la weydiin ayaa madaxa gacan weyn laga saaray, waa uu iska waabiyey markii uu kor eegayna waxa isha ka muday maqaskii Kabtan Dhoore. Buuq iyo sawaxan ayaa meeshii ka dhacay, dhiig ayaa ka soo booday bartii Cumar-Elfis maqasku ka muday. Dadkii oo qaylinaya ayaa shiid ku boobay gaadhigii booliska. Cumar-Elfis waxa loola cararay cisbitaalka weyn oo aan sidaa uga fogayn goobta mashaqadu ka dhacaday.

Kabtan Dhoore markiiba orod ayuu isa sii daayey isagoo maqaskiina gacanta midig ku sita, dadkiina waa ka daba ordeen, waa nin hilib u dhashay laakiin hadda da’dii ayaa haleeshay oo sidaa uma buurna, sidii uu u ordayey waxa uu soo gaadhay deyrkii madaxtooyada, albaabkii ayuu isku qaaday, askartii ayaa ka furtay waa la yaabay! qaar ayaa gartay iyaga oo aan weli hubsan waxa jira ayaa waxa ku soo baxay xooghayihii madaxweynaha oo suudh ku taagan food yar oo dheerina madaxa xaggiisa hore ka soo fiiqantahay. Kabtan Dhoore isaga oo aan cid wax weyddiin ayuu maqaskii xaf kaga siiyey foodddii xoghayaha, qayladii iyo buuqii ayaa sii batay.

Madaxweynihii oo khudbaddii sannadka cusub diyaarinaya ayaa buuqii maqlay, markiiba inta uu cadhooday ayaa waxa uu amar degdeg ah ku bixiyey in Kabtanka la xidho. Kabtan dhoore xabsiga dhexe ayaa loo dhaadhiciyey, madaxweynuhu khudbadii ma sii wadin, waxa dadkii la ogasysiiyey in ay berri xafiisyada dawladu xidhnaan doonaan, shaqaalaha oo dhamina ay fasax yihiin.

Arintaasi waxa ay noqotay mid si weyn u kala qaybisay  mas’uuliyiintii dawladda. Taliyihii ciidanka bilayska iyo wasiirkii Awqaafta ayaa u qaadan waayey amarkan degdegga ah. Waxa ay ka xumaadeen in la soo afjaray hawlgaladii bahdilaadda iyo rifidda ee dhaliyarada lagu hayey.

Kabtan Dhoore markii uu Xabsiga liinta ku cabbey muddo ka dib waa la soo daayey, shaqaddii bilayskana dib uguma noqon. Gashigii isha Cumar-Elfisna waxa bixiyey tolkii.

Beri dambe waxa la arkay isaga oo isku buuqay oo fadhiista kaabad ka soo horjeeda madaxtooyada iyada oo ay timihii ku baxeen.

Sannad wanaagsan
Faarax Maxamed-Canbaashe