Allow Hargab Ka Dhig

0
913

Allow Hargab Ka Dhig

Jacayl ma aqoon, mana rabin in aan barto. Ma aamminsanayn in uu jiro. Haddii uu dab ahaa, biyaan ahaa. Waan ku qosli jirey dadka ka sheekeeya. Ma qof uun baa qof kale iska jeclaada? Sabab i qancisa la i ma siin. Inta uu jawaabta kaadoo ku soo xidho, in uu hortayda ku furi doono, meeshaba maan soo dhigan. Waxaan ahaa gashaanti madaxa taagaysa oo dhigata fasalka labaad ee dugsiga sare. Saaxiibadday walaalkeed ayaa aroostay. Waa habeenkii la i heli doono. Afar saacadood ayaannu diraca kolba dhan u qabanaynay intii aannaan guriga ka bixin ka hor. Wejiga ayaannu masaxnay, duugnay oo midabaynay. Sida diigga ayaannu u tallaabsanaynay markii aannu hoolka soo galnay. Wax badan maan joogin kolkii ay ishaydu ku dhacday, diiddayna in ay ka jeedsato.

Waa quruxdii oo cago leh, hortayda ayuu taagan yahay. Anoon is ogeyn ayaan is baray. Fariid hadal wacan, nin kaa qoslin kara, bashaah kaftan badan. Wuu i la haaday. Waa jacaylkii oo nin iska soo dhigay. Markiiba waannu is la qabsannay. Dadku waxa ay moodayeen in aannu muddo is naqaannay. Anna waxaan moodayey in aan janno dhex aallo. Arooskii ayaa dhammaaday, si kedis ah ayuu laydha u raacay. Xagguu u kacay? Anna sideen ahay? Cagaha ayaa dhulka la iiga qaaday. Goobta ka maan tegin markii aan tebay. Wax baa i helay, iga weyn. Allow hargab ka dhig.

Qof aanan aqoon u lahayn oo madaxayga haysta ayaan gurigii tegay. Waan is la yaabbanahay. Daciifsaniyaa! Maxaa keenay in aan qof kale ka fikiro? Waa maxay baahida aan u qabaa? Weydiimahaasi waxba ii ma ay tarin, keli ah way igu sii kordhiyeen rabitaanka. Jaaskiisii ayaa igu sawiran, hadalkii uu i deeqsiinayey ayaan weli maqlayaa. Casharkii ma fahmayo, fasalka waan dhex fadhiyaa uun, codkii macallinku waa kiisii. Maxay tahay sababta uu madaxayga uga bixi la’ yahay? Toddoba cisho ayaa tegay. Maalintii siddeedaad ayay saaxiibadday ii timid.

“Naa dee walaal inankii habeenkii aad is barateen ayaa igu kaa wareeriyey. Lambarkaaga ayuu rabaaye, ma siiyaa?”

Hadal kaas ka wanaagsan, weligeed i may odhan. Waan yara foofay. Mar dambe ayaan “haa” la soo booday. In ay laabtu i gar-gariiraysay ayaan xasuustaa, afkuna i kala tegay. Maalintii xigtay ayuu i soo wacay. Weli wax sidaas iiga farxiya maan arkin. Maan ogeyn in ay jirto farxad heerkan gaadhaa. Riyo adduun ayaa ii rumowday. Isagii ayaa i soo doontay. Waan ka qabtay. Waa codkii maalmihii u dambeeyey i haystay. Waan dhegeystay. Wuxuu ii sheegay in uu i raadinayey. Waxba ma oga wallee. Wuxuu ii sheegay in uu iga fikirayey intaas oo dhan. Allow yaa ogeysiiya! Wuxuu ii sheegay in uu rabo in aan is baranno. Nafta ayaan celinayaa, way se iga adkaatay. Intaa in le’eg ayaan u sheegay. Waannu is yeelannay. Ayaamihii wacnaa ayaa i bilaabmay. Qofkii keli ahaa ee aan sidaas oo dhan u rabay ayaa kaygii noqday. Qasabadaha farxadda qaybiya ayaan ka mid noqday. Waan fiilay.

Dhegahayga ayuu yeeshay. Qalbiga ayuu ku darsaday, aniga ayuu i la wareegay. Barasho waannu dhammaynay. Hadalka uu odhan doono ayaan sii gartaa, kayga ayuu ii saxaa. Cadceeddii shalay naga hoyatay annaga oo qoslayna, ayaa berri soo baxda annagoo heesayna. Laba sanno ayuu wakhtigu sheegayaa, balse in aannu maanta is barannay ayaa la moodaa. Weli codkiisu sidii maalintii u horreysay ayuu ii rogaa. Mar kasta oo aan la kulmo, indhaha ayaa i boodbooda. Wuu iga adag yahay. In sidan la isugu xoog sheegto, in ay mamnuuc ahaato ayay ahayd. Wixii uu yidhaahdaba waan ku raacayaa, isna wax aan habboonayn i ma yidhaa. Yarka ma anaa la ii soo diray? Allow ha na kala geyn! Waayo haddii ay taasi dhacdo, u malayn maayo in aan samri doono. U malayn maayo in aan la’aantii farxi doono. Waxa aan samaystay duni isaga uun ku wareegsan, cid kalena aanay saddexayn. Allow ha iga qaadin kayga. Waa duco aan la aqbalin.

Shalay ayaa codkiisa iigu dambeysay. Lambarkiisii ma dhacayo. Qof laydhka iyo biyahaba laga jaray ayaan noqday. Maxaa helay? Miyuu tahriibay? Wuu ii sheegi lahaa haddii uu wax qorshaystay. Wax kedis ah ayaa ku dhacay. Haddii aan magaalada ka raadin lahaa, meel aan ka baadho ma garanayo. Waalli ayaan qarka u saaranahay. Cuntada ayaa maro oo kale aan u calaashanayaa. Dhadhan ma leh. Waan ka kacayaa. Telefoonka aan imika eegay ayaan haddana ku noqonayaa. Bal intii aan libiqsanayey in uu i soo wacay.

Toddobaad aan cadaab yar galay ka dib ayuu i soo wacay. Lambarkiisii markaan arkay ayay indhuhu i qoyeen. Bariido maan sugin, weydiimo ayaan kala hor tegay. Waxa helay ayaan weydiiyey, sababta uu iiga maqnaa ayaan weydiiyey. Wuu i dejiyey, ii sheegay in uu nabad qabo. Codkiisa maxaa ka si ah? Muxuu sidan qabow ugu hadlayaa? Waa maxay taxaddirkan ka muuqdaa? Codkii aan aqaannay ma aha. Waxa cusub ayaan weydiiyey. Waxa uu ii sheegay in aanu telefoonka iiga sheegi karin, balse ay wacan tahay in aannu kulanno. Waan ka yeelay. Walow aan ogahay in aanu khayr halkaa ka soo socon, haddana qof wax jecel ayaan ahay. Goobtii ayaan aaday. Waan fadhiistay. Warkii oo malaasan ayuu indhaha igaga dhuftay. Habrawadaagtii oo qurbaha joogta ayaa loo guurinayaa. Hooyadii ayaa sidaas amartay. Jimcaha ayuu meherkiisu dhacayaa. Waxa aan xasuustaa in ay dhegta bidix i guuxday, ilbidhiqsiyo ka dibna aan baroor qabsaday. Markii aan arkay isaga oo i la ooyaya ayaan aamusay. Miyuu iga riwaayadsanayaa? Waan ku xanaaqay. Sida uu uga xun yahay ayuu ii sheegay. Sida aanan u rumaysnayn ayaan ku taabtay.

Waa ninkii aan cudurdaarka u samaynayey intii uu iga maqnaa. Isna gabadh aan aniga ahayn ayuu guurkeeda ku maqnaa. Sidee ayuu u oggolaaday, aniga miyuu i illoobay? Aaway gurigii aannu wada dhisi jirnay? Ma annaga oo aan gelin ayuu mid kale ku baydhay? Labadii sanno ee malabka ka macaanaa maxay ahaayeen? Sida aan u rabay miyaanu ii rabin? U malayn maayo in ay cidi iiga jawaabi karto su’aalahan. Isaga ayaa isku deyi kara, isagana ma rabo jawaabtiisa. Dhinac ayay u janjeedhaa. Waxa isu kay qaban waayey laba shay; afkii uu iigu heesi jirey in uu caawa wadnaha igu gooyey. Ilmadii ayaan iska masaxay. Waan u hambalyeeyey, waanan ka soo dhaqaaqay. Qof aan jeclaado isaga ayaa u horreeyey, isaga ayaana u dambeeyey.

Ismaaciil C Ubax