Hooyaa I Tidhi Ha Guursan

0
1021

Hooyaa I Tidhi Ha Guursan

Sannadka, 2011. Iskuulka, markaasaan dhammeeyey. Sheeko dumar, ma aqaan. Magaalada dalxiis ayaan ku ahay. Saddex nin ayaannu ahayn, oo bas saaran. Qurux mid loo dhammeeyey ayay ahayd, oo na la saaran. Dhanka daaqadda ayay xigtay. Waan eegayaa uun. Haddaan hadli lahaa, waan ka baqayaa. Basku dheereeyaa, bartii aannu ku degi lahayn ayuu soo gaadhay. Dhulka markii aan u dhaadhacay, ayay geesinimadii igu soo degtay. Anigoon is ogeyn ayaan soo wareegay, sidii qof dawarsanaya ayaan daaqaddeeda hoos istaagay. Wax yar ka dib, lambarkeedii ayay igu sadqaysatay.

Xidhiidhkayagu waxa uu ahaa telefoon keli ah, sheekaduna bariido keli ah. Wax kale sida loo yidhaa ma aqaan. Si aan uga gudbo “iska warran”-tan aan ku celcelinayo ayaan garan waayey. Sidee loo la sheekaystaa dumarka? Taas barashadeeduna Suudaan ayay igu sugaysaa. Jaamacadda ayaan halkaa ka bilaabay isla sannadkaas. Injineerka dhismaha oo keli ah maan bilaabin, ka qalbigana waan baran rabaa. Qalbiga Nimco. Sida aan uga fogahay, in aanan uga dheerayn ayaan u sheegay. Waan is helnay. Waxay se qaadan doontaa shan sannadood, inta aan la kulmi doono. Shan sanno ayay iftiinkayga ahaan doontaa, saaxiibkayga ugu dhowna ay ku noqon doontaa. Dhowr jeer way ii sheegtay in ay ii dhiman karto, intaa in ka badan ayaan u sheegay in aan u shahiidi karo.

Farxad iyo shahaado ayaan dalka kula soo noqday. Laba cisho ka dibna magaaladeedii ayaan ku booqday. Casar ay xiddigtii weynayd dayaxa u bannaynayso, ayaan magaalada soo galay. Ma seexan karo illaa aan helo. Indho Nimco soo arkay ayaa habeenkaa degdeg u gam’ay. Toban cisho ayaan joogay. Habeen kasta jaamacadda ayaan geyn jirey, waanan ka soo kaxayn jirey. Berri markii aan bixi rabo, ayaan caawa u sheegay qorshahayga.

“In aad xaaskayga noqoto ayaan rabaa.”

“Xabiibi waad og tahay sidaan kuu jecelahay, laakiin hooyo waxay igu tidhi ‘ha guursan illaa aad jaamacadda dhammayso.’”

“Intee kuu hadhay markaa?”

Laba sanno ayaa u hadhay. Laba u gee shan hore, waa toddoba. Dheeraa! Dhib ma leh, Nimco waa la sugi karaa. Magaaladaydii ayaan kula soo noqday riyo rumoodi doonta laba sanno ka dib. Shaqo ayaan bilaabay, iyadana shaqo kale ayaa loo qaatay. Waxa ay ka mid noqotay ardaydii la geeyey degmooyinka, si ay dadka ugu sii diiwaan geliyaan doorashooyinka. Markii ay sii socotay ayay i weydiisatay duco. “Alle wax xun ku ma tuso” ayaan ku idhi. In ducada loo aqbali doono, balse ay aniga habaar igu noqon doonto maan filayn.

Naf doogsata markay Nimco ka fikirayso, ayaa telefoonkeedii wacday.

“Xabiibi mashquul baan ahay.”

Weligeed igu may odhan. Dheguhu af qalaad ayay u qaateen. Waan dhigay. Nafta ayaan la murmay.

– Way mashquulsanayd.
– May, wallay ka tahay, mashquulna ma aha.
– Nimco hawshaa ku badane naga aamus.
– Oo iyadoo wax dhiganaysa sowtii kaa qaban jirnay.
– Wallaahi waa runtaa, qushiye rumayso.

Hurdo raf ah ka dib ayaan shaqo u baxay. Wax aan qabtay ma xasuusto, cid aan la kulmay xitaa ma saxayo. Waan jiray uun. Duhurkii ayaan gurigii imid. Kabihii maan saarin goortii aan wacay. Codkii ii sheegayey in ay mashquul tahayna dan buu ahaa. Way iga qaban weyday. Waan ku celiyey. Ma jirto. Kun wax baa i hor maray. Daruur murugo ah ayaa cir saafi ah iiga hoortay. Haa, hal meel baa hadhay. Facebook-ga aan ka eego. Waan furay. Waa hambalyadii meherkeeda!

Ismaaciil C Ubax