Khadra & Sacad

0
834

Khadra & Sacad

Fasalka lixaad ayaan kaga gudbay dhibco sare. Waxa aan noqday qofkii ugu sarreeyey ee u gudbay fasalka toddobaad. Abaalmarintii la i siiyey waxa ay ahayd in aan si bilaash ah ku barto kombiyuutarka. Ma garanayo goorta aannu heerkan oo dhan is la gaadhnay. Waxa aan arkay uun aniga oo uga dhow ardayda kale. Saddex bilood ayuun bay ahayd. Mid baan se hubaa, wax ixtiraam dhaafsiisan aniga iga ma ay ahayn. Waa macallinkaygii.

Wax waliba dhammaad leh, sidoo kale tacliintii uu i barayeyna way soo dhammaatay. Is-araggii joogtada ahaa ayaa halkaa ku xidhmay. Way dhici jirtay in aanu iska hor nimaadno mararka qaar. Salaan ayaannu isku dhaafi jirnay. Wax baa u laaban, anna ma ogi. Goor barqo ah telefoonka gurigu ha yeedho. Waan qabtay. Waa codkiisii. Waa Sacad laftiisii. Maalmaha aan fasax u baahdo, ayaan ka wici jirey lambarkan guriga. Hoosta ayuu ka xarriiqday show. Si naxariis leh ayuu ii la hadlay.

“Waa lagu waayey maalmahan. Waxaan is idhi uun salaan.”

Wanaagsanaa marka lagu danaynayo. Xumaa marka aanad fahansanayn.

“Waad mahadsan tahay macallin, aad baan kuu salaamayaa.”

Wallow maalintaas uu hadalku halkaas ku dhammaaday, bilow cusub ayuu u ahaa maalmo kale. Muddo kooban marka la joogaba wuu iga soo war dooni jirey. Markii dambe waan la qabsaday. Codkiisu meel gaar ah ayuu nafta ku yeeshay. Qof aannu iska war hayno ayuu noqday. Weli walaaltinimo wax dhaafsiisan aniga iga ma aha. Hadalkayagu waxbarashada ayuun buu ku wareegi jirey.

Da’ ahaan wuu iga yara weynaa, balse dhallinyar ayuu ahaa. Fasalkii toddobaad ayaan dhammaystay. Markaas ayaan u dhoofan Yaman. Waan u sheegay. Waxba i muu dareensiin, balse si heer sare ah ayuu ii sii macasalaameeyey. Xidhiidhkayagii ma uu noqon mid ay masaafadu jarto, badduna liqdo. Saddex sanno ka dib ayaan soo noqday aniga oo uga dhow sidii aan kaga tegay. Laba qof oo wax walba is la wadaaga ayaannu noqonnay. Wixii igu soo kordha, markaba isaga ayaan u sheegi jirey. Isna sidoo kale. Mataano oo kale. Wixii dhib ah ee i soo gaadha wuu ka damqan jirey, badhaadhaha waan la wadaagi jirey, mar kastana dhiirrigeliye ayuu ii ahaa.

Waxbarashadii ayaan halkii ka sii ambaqaaday. Dugsigii sare ayaan u gudbay. Waan dhammeeyey. Jaamacad ayaan galay. Markaas ayuu adeerkay ii yimid. Waan iska gartay waxa uu wado. Nin ayuu ii soo diyaariyey. Dabcan waan ka meeraystay, runtaa fiicane waan diiday. In yar ka dib waan yeelay. Goor aan “haye” idhi waan garan waayey. Ha kaa aamuso, ayay iga ahayd kolley. Ka maan fikirin waxa ka dambeeya. Mar keli ah ayaan si dhakhso ah ku noqday marwo la qabo.

Toddoba cisho ayaan guri lahaa markii ay warqadi ii timid. Warqad uu qoraal badani ku qornaa.

“Dareenkan aan illaa maanta kuu qabo, waxa aan kuu qaaday maalintii aan ku arkay. Markii aan shakhsiyaddaada bartayna xoog baan kuu sii jeclaaday. Barashada ayaynu ku bilownay xidhiidh walaalnimo, balse anigu waan ku jeclaa. Markaan arkay walaaltinimadu heerka ay kaa taagan tahay ayay cabsi i gashay. Waxa aan ka baqay in uu xidhiidhkaasi xumaado haddii aan kuu sheegi lahaa dareenkayga. Adigu qalad ma lihid, aniga ayaan ku tusin dareen caddayn u ah jacaylka aan kuu qabo. In kasta oo aan ku jeclahay, haddana guurkaaga aad ayaan ugu farxay sidii oo aan anigu ku guursanayo oo kale. Farxaddii aad wejigeyga ka arkaysay ayuu uurkayguna la qabay. Sidaydii hore ayaan kuu garab taagnaan doonaa. Sidii aad walaalkaa oo kale iiga dhigatayna, waan kuu ahaan doonaa.”

Sacad waa qof deggan oo aan hadal badnayn. Intaasi haddii ay ka timid, intee ayaa u laaban? Dabcan waran ayay igu noqotay. Waan jeclaan lahaa in uu maalin hore sidan iigu sheegi lahaa. Waan jeclaan lahaa in aan maalin hore fahmi lahaa. Waan jeclaan lahaa… Waayo qofkan aanan aqoon ee i qaba, isaga ayaa iiga dhow kun jeer. Wuu iiga naxariis badnaan lahaa. Waan is canaantay. Marna waan riyoodaa. Sidii aan u noqon lahaa haddii uu ninkayga ahaan lahaa, ayaan kolba sawirtaa. Kani inta uu i dhibayo, in ka badan ayuu ii naxariisan lahaa. Culayska i saaran, dhibta aan ku jiro iyo sidii uu ii daaddahayn lahaa Sacad ayaan is barbar dhigaa. Way is gaadhi waayaan.

Maalintaas sannaddo ayaa laga joogaa. Sacad weli xaas ma laha, anna maanta la i ma qabo. Wax waliba waa suurtagal.

~Ismaaciil C Ubax