BARO AFKAAGA HOOYO: KALASAAR ERERYGA: TUSAALE AHAAN BARE IYO BARRE, CARAB IYO CARRAB AMA BAARI IYO BAARRI

0
1605
#Somaliland #Democratization #process: #Political #parties
BARO AFKAAGA HOOYO: KALASAAR ERERYGA: TUSAALE AHAAN BARE IYO BARRE, CARAB IYO CARRAB AMA BAARI IYO BAARRI
Maqaalkan waxaan ugu macag darey “KALA SAAR ERAYGA” oo aan ula jeedo kala saar erayada aadka isugu dhaw dhanka qoraalka, kuwaas oo ku kala duwan keliya in uu erayga ku jiro xaraf laba dhaca ama xaraf hal dhaca. Tusaale ahaan bare iyo barre,carab iyo carrab ama baari iyo baarri.
ARAR
Dadka Soomaaliyeed muddo aad uu dheer oo noloshooda intii badneyd ahayd may lahayn far iyo qoraal ay leeyihiin oo ay ku qortaan baahidooda kuna kaydsadaan hiraalkooda, hab dhaqankooda, suugaantooda iyo dhammaan arrimihii bulshada ee u baahnaa in laga sameeyo qoraal waara. Qoraal la’aantaas waxaa ka dhashay wax badan oo ay ka mid yihiin arrimahan hoos ku dhigan.
Qoraal la’aantaas oo sababtay inay lumaan dhammaan gumaradii ay lahaayeen ummadda soomaaliyeed, Sidoo kale far la’aantu waa arrinta sababtay in wixii la helayna ay noqdaan qabyo, Waxaa kale oo ay dhalisey in taariikhdii iyo sooyaalkii si gef ah loo tebiyo oo laga duwo miidaankii saxda ahaa, Waxay kaloo fududeysey in layska dhaco oo qofkastaa uu sheeqto suugaan iyo gumaro uusan lahayn.
Waxaa Alle suuro geliyey in la qoro far iyo dhigaal ay leedahay ummadda Soomaaliyeed sannaddii 1972dii ayada oo ay xil iyo maamuus iska saartay dawladdii dhexe ee uu hoggaamiyaha ka ahaa Madaxweyne Max’ed Siyaad Barre.
Kadib markii la qorey farta afka Soomaaliga waxaa lagu bixiyey karti iyo dedaal aad u tiro badan oo taabbaggal ah, waxaa muddo kooban laga hirgeliyey dhammaan laamihii dawladda, sidoo kale waxaa dhammaan manhankii waxbarasho ee waddanka lagu qoray afka hooyo, Hase yeeshee markii ay 19 jirsatey farta Soomaaligu, ayey dhacdey dawladdii dhexe oo ay burbureen dhammaan gumaradii ummadda Soomaaliyeed, hadday tahay af, dhaqan, hanti iyo dhammaan arrimihii bulshada.
Wixii ka dambeeyey buburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa si toos ah loola dagaallamey wixii ka soo hadhay burburka, waxaa guntiga dhiisha looga dhigay sidii loo dabar jari lahaa gebi ahaan manhajkii waxbarasho ee taya lahaa, waxaa dagaal aan kala go’ lahayn lagula jiraa dhaqankii iyo milgadii ay ummadda Soomaaliyeed lahaan jirtey, ayada oo taas laynoogu doorshay waxyaabo liita oo aan badhkood iyo wax u dhow toonna ka gudi karin sida; manhajkeennii oo la inoogu doorshay manjahka UNSCO ee aqoontiisu aadka u hoosayso.
UJEEDDADA MAQAALKA
Arar iyo gogoldhig ka dib waxaan halkan ku xusi doonaa ujeeddada iyo arrintii ka dambeysey ku tallaabsiga qoraalkan, ka dib markii ay soo ban baxdey dadkii Soomaaliyeed oo intoodii badnayd ay illowdey qaab dhigaalkii saxda ahaa ee erayada afka Soomaaliga, ka dib markii dadka Soomaaliyeed badankoodu ay isku si ka noqdeen dhigaalka farta Soomaaliga, oo ay isku si u khaldayaan kii aqoonyahan ka ahaa ee jaamacadda ka baxay iyo kii bowsadey Soomaaliga ee aan bare ba u xarriiqin farta Soomaalida, ka dib markii dadka weriyeyaasha ahaa ee ay shaqadooda iyo xirfaddoodu ahayd qoraalka ay ula simmanyihiin dadka kale oo aysan ku dhaamin aqoonta dhigaalka erayada afka Soomaaliga, iyo arrimo badan oo kuwaas la mid ah waxaan jeclaystay inaan qoraal kooban ka sameeyo erayada ay ku jiraan xarfaha laba dhaca, waxaan kale oo si goonni ah u doortay inaan baraarujiyo ama aan bidhaamiyo erayada laba dhaca ee haddii laga tago laba dhaca ama soo celcelinta xarafka laba dhacaya ay ujeeddadii doorsoomayso.
Ujeeddada qoraalkan ayaa ahayd in xoogay laga kororsado aqoonta ku saabsan maxaa ay yihiin erayada laba dhaca? Maxaa lagu garan karaa in erayga ay ku jiraan xarfo laban laabmaya? Muxuu yahay xeerka xarfaha laban laabma? Iyo is barbar dhig erayo hal dhaca iyo erayo laba dhaca oo ay hadda dadka badidiisu isku si u qoraan, balse kala dhigaal ah, kala ujeeddo ah, oo kala dhawaaqna ah.
DHINACYADA NABAAD GUURKA AfKA HOOYO
Ka guurka dhigaalka xarfaha laba dhacan.
Isku dheehidda xarafka “A” iyo “E”.
Isku qabashada laba eray oo kala dhigan.
Kala dhigidda hal eray siiba kuwa dhaadheer.
Kala soo horraysiinta xarfaha erayga.
Soo gaagaabinta dhigaalka erayada.
Erayada doolka ah ee beddelaya eraygii asalka ahaa.
DABAR GO’A AFKA HOOYO
Wixii iigu yaabka badnaa intii aan indha indhaynayey sida ay dadku uga sii erdhanayaan afkooda hooyo labo tusaale oo kooban.
Mid waa loo wada jeedaa oo waxaad arkaysaa dhammaan adeegyada arrimaha bulshada sida; jaamacadaha, dugsiyada, dukaamada, shirkadaha, xawaaladaha, hudheelada, maqaaxiyaha, wasaaradaha, goobaha caafimaadka IWM, oo dhammaan magacyadooda iyo boodhadhkooda lagu qoray afaf qalaad. Waxaad arkaysaa qof aan asagu aqoon afka Carabiga iyo afka Ingiriiska oo boodhkiisa ay ku qoran yihiin Carabi iyo Ingiriisi.
Midda kale, maalin ayaan waxaan ka qayb galey xaflad ay ku qalin jebinayeen ardey jaamacadeed, waxaan dhugtay boodhkii loogu talo galey faahfaahinta xafladda, faahfaahintaas oo ku qornayd 3da af kala ah Soomaali, Carabi iyo Ingiriisi, waxaase iga yaabiyey in labadii af qalaadaa aan hal eray is gef ah loo qorin, halka afkeennii hooyo ee meesha ku qornaa uu ka koobnaa 11 eray, 11 kaas eray oo 14 gef ay ku jirtay. Waxaan la amakaagay!!!!!!!!!!
◊ In dadku ahaayeen aqoonyahanno jaamacadeed.
◊ Inuu afku ahaa afkii hooyo.
◊ 11 eray oo 14 meelood la khaldey.
◊ In 2dii af ee qalaadaa aan meel gef loo qorin, iyo
◊ Inaan laba dareysaneyn.
ERAYADA LABA DHACA
Xarfaha afka Soomaaligu mar waxay u kala baxaan shaqal iyo shibbane, marna waxay u kala baxaan kuwa haldhaca iyo kuwo laba dhaca. Haddaba ujeeddada qoraalkeenan ayaa ah inaan yar bidhaaminno xarfaha laba dhaca. Xarfaha laba dhaca ayaa ka kooban toddoba xaraf oo kala ah (M, N, L, G, R, D iyo B) kuwaas oo laga wada helayo odhaahda ah, (MA NALA GARAADBAA) dhugo erayda hoosta ka laba xarriiqan.
XEERKA ERAYADA LABADHACA
Xarafka labanlaamayaa wuxuu leeyahay xeerar lagu kala garanayo goorta uu hal dhacayo iyo goorta laba dhacayo.
Waa inuu yahay shibbane.
Waa inuu ka mid yahay toddobadan xaraf (M, N, L, G, R, D iyo B).
Waa in uu dhawaqiisu adag yahay.
Waa in uu u dhaxeeyaa laba shaqal.
Xarafka waa in labo goor la qoraa.
Tusaale: curri, kalluun, ammaano, hoggaan, waddan, aabbe, iyo fannaan.Dhammaan erayadan aan xusnay haddii loo bandhigo 5ta xeer ee kor ku xusan waa laga helayaa.
FG: Haddii la waayo 4ta xeer ee sare mid ka mid ah, xafarku wuu hal dhacayaa. Tusaale: garoon, hagoog, xaraf IWM.
MAXAA KELLIFAY IN XARFAHA QAYBI LABO DHACDO?
Su’aashan ayaa ah su’aal marwalba dahsoon oo meesha ku jirta oo u baahan in laga jawaabo. “Maxay xarfaha qaybna u laba dhacdaa qaybna u hal dhacdaa” Kolley ani waxaan kaga jawaabi lahaa afka soomaaligu wuxuu xiriir qoto dheer la leeyahay afka Carabiga kaas oo xarfihiisu laba dhacaan, mana aha wax afka Soomaaliga keli ku ah ee waa arrin ay afafka kale ee adduunku la wadaagaan.
IS BARBARDHIGGA ERAY LABA DHACA IYO KUWA HAL DHACA
Halkan waxaan ku xusi doonnaa erayo badan oo aan is barbardhigayno kuwaas oo isu eg balse ku kala duwan oo keliya hal dhaca iyo laba dhaca, balse kala dhawaaq ah oo kala ujeeddo ah, dhigaalkooduna isu dhawyahay laakiin dadka hadda jooga badankoodu ay hal si u qoraan, dhugo shaxdan hoose.
GUNAANAD
Guntii iyo gunaanadkii waxaan qoraalkan uga gollahayn inaan bidhaamino ama saxno qaab qoraalka qayb ka mid ah afkeenna hooyo, gaar ahaan inaan hoga tusaaleynno erayada ay ku jiraan xarfaha laba dhaca iyo inaan is barbardhig ku sameynno erayo laba dhaca iyo kuwo hal dhac oo dadka hadda badankoodu isku si u qoraan, sidoo kale inaan iftiiminno ilaha ay ka yimaaddaan gefafka hannaan qoraalka suubban iyo inay jiraan xeerar lagu hubinayo in erayga ay ku jiraan xarfo laba dhaca iyo hal dhaca.
Dadka uu gaadhi doono qoraalkani waa inay saxaan qaab qoraalka afka hooyo, sidoo kale inay dhuuxaan ujeeddada qoraalkan, waana in ay gaadhsiiiyaan bulshada inta tamartooda ah. Sida ugu fudud ee dadku u sixi karaan waa inay ka ag dhawaadaan dadka u dhuun daloola ama u heellan dayactirka afkeenna hooyo, inay akhriyaan buugaagta ay qoreen qoraayada waaweyn, ka dibna waa inay si qorto dheer u fiiriyaan qaabka qoraagu u qoray erayga iyo sida aad adigu u qori jirtay. ALLE AYAA MAHAD LEH
SICIID CABDIRAXMAAN MAX’ED
(SICIID BIYO-CANTUUG)