Waa Kuma Abwaan Maxamed Cali Kaariye

0
7617

Waa Kuma Abwaan Maxamed Cali Kaariye
Wuxuu ku dhashay degmada nogob ee dhulka dawlad deegaanka soomalida. Isla nawaxigaas ayuuna ku barbaaray ,isagoo yaraantiisiiba noqday qof laashin, wuxuuna kusoo can-baxay cayaaraha, dhaantada iyo gabayada.

Dagaaladii 1964 dhex-maray soomalida iyo itoobiya, wuxuu maxamed cali kaariye noqday dadkii usoo qaxay oo soo galay soomaaliya. Isla markiiba wuxuu ku biiray kooxdii fanka ee xoogga dalka soomaaliyeed,sannadkii 1966, Halkaasoo uu ku soo baxay, waxaana loo qaatay askari xooga dalka soomaaliyeed oo waagaas in xubin laga noqdo ahayd amuur xushmad weyn loo hayey.

Maxamed cali kaariye wuxuu ciidanka qortay 25 febraayo 1967, wuxuuna tababar ciidan kusoo qaatay Dugsiga layli dable ee bootiko la oran jiray, markii dambena loo bixiyey Dugsiga tababarka xalane ee magaalada muqdisho.

Markii uu tababarkii dhameystay wuxuu dib ugu soo noqday Kooxdiisii Horseed. Kooxda waxaa markaas madax ka ahaa Cismaan Aadan (Cismaan Askeri), waxaana xubnaha Kooxda ka mid ahaa Maxamuud Cabdullaahi Sangub, Miicaad Miiggane, Saynab Xaaji Cali Baxsan, Faaduma Cali Nakruuma,Salaad Darbi iyo qaar kale. Kooxdaasi waxey noqotay Koox Faanedka Soomaaliya ugu caansanaa berigaas, marka loo eego xagga heesaha, soo bandhigidda riwaayadaha iyo majaajilada.

Wixii ka dambeeyey 1969kii, markii ciidamadu dalka qabsadeen oo kacaan dhashay; kooxdii Horseed kooxdii Radio Muqdisho waa la isku daray,waxaana loo bixiyey Kooxda Fanka ee Waaberi.

Xilligaas wixii ka dambeeyey Maxamed Cali Kaariye wuxuu noqday tiirarka waaweyn oo ay ku taagnayd kooxdii Fanka ee Waaberi. Wuxuu curiyey gabayo iyo heeso murtida iyo fanka ay xambaarsan qoddo dheer yihiin. Abwaanka weyn Maxamuud Cabdullaahi Sangub oo ay isku xilli iyo isku koox ahaayeen, wuxuu sheegay in Maxamed Cali Kaariye ahaa ninkii curiye tiro badan oo ka mid ah riwaayadihii Waaberi soo bandhigi jirtay. Waxaa ka mid ahaa Guur ama Guurso, Sidaas ma isku qabnaa mise waa qarsannaa! … Riwaayadihiisu waxay u badnaayeen dhibaatooyinka bulshada iyo qoyska.

Sanooyinkii 80-maadkii, Maxamed Cali Kaariye wuxuu noqday Agaasimaha Tiyaatarka Hargeysa, ka dibna wuxuu noqday Maareeye ku xigeenka Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Muqdisho.

Waa xilliyadaas marka Maxamed Cali Kaariye alifay gabay uu ku cabirayo sida dhaqanka, maamulka iyo caddaaladdu yihiin,wuxuuna ka digay marin-habowga faca Soomaaliyeed ee barbaaraya ku sugan yihiin. Gabay dheer oo uu ugu magac-daray Duco, kuna hal qabsanayey Cabdullaahi Qarshe, waxaa ka mid ahaa tixdan:
Casharrada qur’aanka iyo Tuxfaha culimo noo sheegto
Carabkeennu tawxiidka waa wada caddeeyaaye
Haddane camal xun, been, dhaar, canaad, ciriq iyo xaasid
Gar cuyuubtana xeer laga cabsado, marag la ceebeeyo
Gar ciirsile, go’aan caad ku jiro, eexo laga cawdo
Cunsur buu xaqsoorkii noqday oo gees walba u ciirye
Dowladda caddaaladdii Allahow noogu soo celi
Carcaraadka dunida, dhibkiyo cudur iyo gaajo
Dhammaan cadawga aadanaha iyo nolo cuuryaamowdo
Col iyo abaar waxaad uga baxdaa cududda xoogaaga
Caqli iyo garaad iyo midnimo u cusko weeyaane
Ummad tabar aan ciidaminin oo caajis lagu beeray,
Oo ka cag-taagleynayoo u carbisnayn howsha
Gidigoodna cood badan rabiyo dherag calool buuxda
Oo cayr sabooloo faqriya tahay camuuddoodu
Koleey dunida ciil kama baxaan, ceebina u dheere,
Dadka cudud wax-qabataa Allahayow noogu soo celi.

Isla horraantii sanadahaas, soomaaliya waxaa ka bilowday gabayo qabiil kicin ah oo rag hal-abuuro ahi u adeegsadeen guubaabin qabiil iyo kala saarid bulshada. Maxamed Cali Kaariye taas wuu qoonsaday, waxaana uu curriyey gabay dheer uu uga hortagayo, waa gabayga Difaac Qaran, oo oranaya:-
Dan-wadaag waxaan rabin Allah daa’im jira e,
Haddaan daarta dhagax weyn, mid fudud la isku dacal saarin,
Darbiga, sibirka ciid lagu dhafiyo, dibirka hooseeya,
Dusha jiingad laga saaro iyo, daaqadda albaabka,
Dalays quruxsan, duub lagu rinjiyo, midabka loo dooro,
Haddii aan intaas la isku darin, inay dillaamayso,
Oo aan dugsoon laga helayn, taas ma deyey weyday?
Hadal kama damana baa la yiri, doqon habowdaaye,
Sidaan damacsanaa iyo, sidaad adigu doonayso,
Kala durugsan oo docmo iyo, dibirkii ceel buure
Soomaali oo duuban, baan degi lahaa meele
Diraacdaa ku raagtaan lahaa, roobku ha u da’ee
Ha durduurataan lahaa, dararta xoolaha e
Ha is daadaheysaan lahaa, waa dunta quraha e
Duud qaybsamo malahan sagaadardu e, taa ma dagi weyday?

Gabay kale oo uu tiriyey Maxamed Cali Kaariye waxaa lagu magacaabaa “Wirin Wiir” waxa uu ku saabsanaa dagaallada sokeeye iyo jabahdeyntii waxaana ka mid ahaa tixdan:-
In ay dunidu wirinwiir tahay oo lagu walaahoobay,
Oo tuug waniin ah iyo ninkii qori wataa boobay,
Oo balaayo wadartoo xaqiiq dawga laga leexshay,
Oo wiishka samadaas ku xiran lagu dul-wareershay,
Oo ay beentu weli sooman tahay runina waabaay cad,
Iyo inaan anigu waalnahay bal aan is weeydiiyo?
Wacdaraha soomaalida ka dhacay, weyrax iyo buuqe,
Waanwaanta laga jiitay iyo nabadda, weydowday,
Weegaar beesha iyo tusmada weerarka is jiray,
Wadnaha nabarku gaaray ee warmaha lagu daweynayo,
Waayeelka taladii arkee waa tan oranaynin,
Salaaddaas aan weysada lahayn waa wax ula jeeddo.

Bishii maarso 1995tii ayuu ku geeriyooday magaalada Nairobi, Kenya.

TIX-RAAC:- Buugga Xusuusta Kuwii Xabaal Galay!!

Xigasho:  Ifiye