Gorfaynta buugga Al-Faaruuq

0
720

Gorfaynta buugga Al-Faaruuq:
Hordhac:
Aadanuhu waa noolaha ugu mudan guud ahaan noolaha uu Eebbe koonka ku uumay, waanna noolaha keliya ee leh kayd, kaasi oo dhacdooyinka iyo sooyaalkiisa taariikheed ay ku kaydsan yihiin. Si aynnu uga baranno casharro taariikhaha tegay waxaa mudan in aynnu darisno dhacdooyinka dharaarihii tegay, kuwaasi oo ku kaydsan kaydadka sooyaal ee aadamaha. Taariikhda ay ummadi leedahay waa muraayad laga dheehdo tagtada iyo casharrada ay tabinayso, iyada oo dharaaraha soo socdaa ay yihiin qaabaynta casharradii laga dheefay tagtada. Ibnu Khalduum ayaa laga hayaa hadal u dhignaa sidan “ taariikhda iyo mustaqbalku waxa ay isu shabahaan si ka dhaw sida ay isagu eeg yihiin dhibcaha roobku”. Buugga aynnu halkan ku lafa guri doonnaa waa mid ka mid ah buugta inoo tabinaya sooyaalka mugga weyn ee aynnu ummad ahaan leennahay, inagu waajibtey na in aynnu wax ka baranno sooyaalka uu buuggu inoo soo tebinaayo.
Magaca buugga: Al-Faaruuq
Magaca qoraha: Muxammad Yuusuf
Magaalada, sannadka: London, 2017
Cutub: 6
Bogagga: 207
Xog guud:
Haddii aynnu is dul taagno xogta dhex ceegaagta Buugga Al-faaruug, waxa ay tibaaxaysaa sooyaalka mid ka mid ah hoggaamiyayaashi ummadda muslimka ah, waliba kuwoodii ugu saamaynta badnaa; Cumar Ibnul Khadaab. Sida uu xusay qoraagu, buuggu waa laba qaybood, bal se halkan waxa aynu ku lafa guri doonnaa qaybta hore ee buugga, taasi oo si guudmar ah diiradda u saaraysa sooyaalkii, saamayntii, qofnimadii iyo habdhaqankii Cumar ka hor inta uusan soo islaamin. Cumar waxa uu ahaa shakhsiyaadkii sida adag uga biyo diiday, aadkana ula dagaalay markii ay soo degtay diintu, buuggu waxa uu xog guud inaga siinaya sidii uu Cumar uga falceliyey soo ifbixiddii diinta, sidii uu u hadimayn jiray dadka intii raacday hanuunka iyo sidii uu ula dhaqmay markii uu ogaaday in ay muslimeen walaashii iyo seeddigii. In kasta oo buuggu xusayo sababo dhawr ah oo ku aaddan soo islaamiddii Cumar, bal se islaamidda ay muslintay walaashii waxa ay ka mid tahay sababaha ugu waawayn ee Cumar uu ku islaamay. Cumar waxa uu door wayn ku lahaa bulshadiisii uu la noolaa, waxa uunna ahaa mid laga haybeysto oo magac iyo maamuus ku leh carabtii quraysheed, waanna sababta asxaabtu badi ay u qireen isbeddelka uu galay xaalka islaamku ka dib markii uu soo muslimay Cumar.
Buugga Al-faaruuq waxa uu ka kooban yahay lix cutub, kuwaasi oo is dul taagi doono bilow ilaa dhammaad sooyaalka Cumar ee mugga leh. Waxa ay si guud mar ah diiradda u saari doonaan, qofnimada Cumar iyo sidii uu ku soo koray, iyada oo aynnu ka dheehan doonno waayihii ku gadaannaa Cumar iyo xaalkiisii Carruurnimo. Saamayntii iyo isbeddelladii horta lahaa ee Cumar qaybta kaga ahaa fidinta diinta islaamku iyana waa ka qayb. Buuggu waxa uu si farshaxamaysan farta inoogu fiiqayaa halyeeyo ku dayasho mudan oo adduunka saamayn kaga tagay, ugu dambayna waxa uu inagu boorrinayaa in aynnu wax ka baranno sooyaalka iyo taariikhda haldoorkeenna.
Dulucda buugga:
Waxa aan is guud mar ah idiin la wadaagi doonaa dulucda iyo nuxurka aan ka dhadhansaday buugga markii aan akhriyey, waanna mid aynnu ka wadda faa’ido doonno casharrada miidda ah ee ay ina barayso sooyaalka iyo taariikhda Cumar RC.
Al-Faaruuq, waxa lagu naanaysi jiray Cumar. Mar la waydiiyay sababta ay ugu baxday iyo cidda u bixisayna waxa uu xusay in ergaygii Eebbe NNKH uu u bixiyay, sababta na Cumar waxa uu ka dhawaajiyey qisadii soo islaamaddiisa. Cumar waxa uu ahaa adhi jire togga Bajnaan aabbihii iyo habaryarihii uga raaca adhiga yaraantiisii, waxa uunna dhashay 13 sano ka dib caamul fiil oo waxa uu da’a ahaan ka yaraa nabiga NNKH saddex iyo toban sano. Qallafsanaanta iyo ad-adayga Cumar waxa uu ka dhaxlay noloshiisii adkayd ee uu ku soo barbaaray, isaga oo ahaa geel jire, geela aabbihii u raaca.
Cumar ka hor inta uusan soo islaamin waxa uu ahaa mid aad ugu adag diintii aabbayaashood, waxa uu aad ula diriri jiray hadba qofkii loo sheego in uu islaamay, isaga oo mararka qaar gacanta ula tegi jiray. Soo islaamidda Cumar ma ahayn mid kadis ah bal se sida buugta sooyaalku ay wariyaan waxa ay ahayd mid soo martay heerar kala duwan oo soo dabciyay Cumar iyo aragtidii uu ka qabay islaamka. Islaamidda Cumar, taariikhyahannadu waxa ay uga hadlaan siyaabo kala geddisan, si guud na buuggu waxa uu u qaybinayaa laba qaybood, waxa aanad si fiican uga bogan kartaa cutubka saddexaad ee buugga.
“Laga bilaabo markii Cumar soo islaamay, awood iyo sharaf ayaa aanu ku noolayn”. Waxaa laga soo wariyey Cabdullaahi Ibnu Mascuud. Cumar ka hor islaamka waxa uu ahaa shakhsiyad ad-adag oo dhanka uu kaa xigo aan lagaaga soo dhacaynin, waxa uu ahaa ragga saamaynta ugu ballaadhan ku leh bulshadiisa, dagaal yahan soo ma jeesta ah, geesi dhiirran oo aan cidna u aabboyeelin, caaqil xakiim ah oo aan hadalka iyo runta ba aan la gabban. Doorkuu Cumar ku lahaa bulshadiisa isaga oo ah nin dhallinyaro ah, waa ta gaadhsiisay heerka ah in Rasuulkii Alle NNKH uu Eebbe ka baryo in Alle ku xoojiyo islaamka Cumar. Waxaa kale oo Abuu Dar al-Qafaari laga soo wariyey in uu yidhi “ waxa aan maqlay Rasuulkii Alle NNKH oo leh: Eebbe waxa uu xaqa yeelay Cumar carrabkiisa”. Waxaa jira axaadiis badan oo laga soo wariyey nabigeennii suubbanaa NNKH, kuwaasi oo in badan ka faallooday fadliga Cumar. Nabiga NNKH waxa kale oo laga weriyey in uu yidhi “aniga oo hurda ayaa waxa aan ku riyooday aniga oo cabbaya caano, dharagta aan ka dhergay caanahaasi waxa ay ka da’ayeen ciddiyahayga, markaan dhammaystay caanihii ayaa aan Cumar ku idhi Cumarow, cab adigu na caanaha”. Markii ba waxa ay waydiiyeen saxaabadu waxa uu ku fasiray Rasuulku riyadan, waxa uuna yidhi “waxa aan ku fasiray cilmigii aniga iga burqanaayey, kaasi oo aan ku aaminay Cumar RC”.
Fadliga iyo waynaanta Cumar ma aha kuwo aynnu ka gayoonayno, heerka iyo qiimaha uu Cumar ku lahaa Rasuulkii Eebbe waa kuwo aynnu ka dheehan karno axaadiistan iyo kuwo kale oo ku xusan buugga. Ka sokow Cumar in uu ahaa Nabiga NNKH soddogii, haddana Cumar iyo Abuu Bakar waxa ay ahaayeen labadiisa garab ee marka ay xaajo murugto uu la tashan jiray. Cumar oo ahaa shaqsiyad leex-leexadka iyo la gabbashada hadalku aysan ahayn dabeecaddiisa, waxaa jira talooyin uu soo jeediyay oo qur’aanku taageeray, waxaanna macruuf ah markii Nabigu NNKH uu yidhi ka taliya sidii ay ka yeeli lahaayeen maxaabiistii laga soo qafaashay dagaalkii Beder. Soo jeedinta Cumar waxa ay ahayd in dhammaantood dhagta dhiigga loo daro, lana tusin wax arxan iyo jixinjix ah. Suuratul al-anfaal oo soo degtay dagaalkii beder aayadaha 67-71 waxa ay ka hadlayaan arrinta maxaabbiistii lagu soo qabtay dagaalkii beder, iyaga oo ka istaagaya halkii Cumar uu ka taagnaa waxa laga yeellayo maxaabiistaasi. Waxaa jira marar badan oo qur’aanku sidan oo kale u taageeray soo jeedin ama arrin uu Cumar wax ka yidhi, tusaale ahaan codsigii Cumar ee ku aaddanaa in maqaamka Ibraahin laga dhigo meel ay ku tukadaan iyo markii ay isu hinaaseen dumarkii nabigu NNKH dareenkii iyo jawaabtii uu Cumar ka bixiyay.
Ugu dambayn buugga waxa uu ina barayaa shaqsiyadda ku sifaysan dhammaan sifooyinkaas aynnu ka soo waranney. Waxa uu ina barayaa mid ka mid hoggaamiyeyaashii Eebbe ugu gurmaday diinta suubban, innaga oo ka dhadhsanayna buugga kaalintii uu ku lahaa bulshada muslimka ah, dadaalkii uu qaybta ka ahaa ee ay galiyeen fidinta diinta islaamka, fadligiisa iyo wayneynta uu Alle iyo ergaygiisa agtoodda uu ku lahaa. Iyada oo Nabiga laga soo weriyey in uu yidhi “haddii nebi dabaday la soo diri lahaa, waxa uu ahaan lahaa Cumar”. Buugga al-Faaruuq waxa uu si qoto dheer oo farshaxamaysan inoo barayaa shaqsiyaddaa mudan ku dayashada ee isbeddelka muuqda iyo saamaynta ballaadhan kaga tegay dunida.
Gabagabo:
Buuggu magaciisu waa naanaystii asxaabiga wayn ee uu inooga warramayo sooyaalkiisa, sidaasi oo ay tahay na qoraaga ma xusin sababta ay ku raacday ama ay ugu baxday naanaystani (laqabkani) Cumar, ma sheegin haddii aan ilduufay bal se waa dhaliisha kaliya ee aan u hayo buugga, aad iyo aad ayuu ugu amaanan yahay qoraagu sida quruxda badan ee uu buugga ugu faro yaraystey.
Ugu dambayntiina waxa aan dhiirrigelinayaa in la akhriyo buuggan, maadaama uu xambaarsan yahay qayb yar oo ka mid ah sooyaal ummad ahaan muhiim inoo ah. Sida oo kale waxa aan boorrinayaa qoraaga buugga oo ku dhiirraday mid ka ah mawduucyada ay bulshadeennu aad ka ugu baahi qabto, taasi oo in badan oo inaga mid ah ay u saamixi waydey taariikhaha noocan ah in ay ku akhriyaan luqadaha qalaad ee ay ku qoran yihiin. Qoraagu mar labaad waxa uu ku ammaanan yahay soo gudbinta uu afkeenna inoogu suuro geliyey in aynnu ku akhrisanno sooyaalkii nololeed iyo taariikhda mugga leh ee Cumar ibnul Khadhaab iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay diinta maanta adduunka dacal ilaa dacal gaadhay.

W/Q: Maxamed Xasan Nuur

Haddii aanad hore u akhriiyin Buugga Al-faaruuq Sannadihii hore, Taariikh Nololeedkii Cumar ibn al-Khaddaab (RC). Ka akhriso lingaxan hoose;

AL-FAARUUQ SANNADIHII HORE TAARIIKH NOLOLEEDKII CUMAR IBN AL-KHADDAAB