Bariiska Carruurtayda!

0
1225

Bariiska Carruurtayda!

Waxan ahay Hooyo haysata toddoba carruura waxay u dhexeeyaan da’da saddex iyo tobbon jirka iyo saddex jirka. Aabbohood kal saddexaadbuu hoyday, halkii loo badnaanna tegay! Godka Eebbe ha u nuuree, wuxuu ahaan jiray Kuuli. Mar wuu heli jiray marna wuu waayi jiray. Keligii kumaan dayn jirin hawsha iyo u soo raadinta bariiska carruurtae’ aniguna waxaan dhinac  kale raadin jiray cuntadooda iyo dharkooda waxbarashadu haba danbaysee. Hadda hawshu keli ayey igu tahay. Waxan muddo laba sanno ah iibin jiray Muuska, markii se’ deyn badan la igu yeeshay baan faraha kaqaaday. Hadda waxaan haystaa meel lagu iibiyo shaaha waa Aqal-Soomaali yar oo baco badan kasamaysan. Gidaarbaan kadhinac samaystay.

Gidaarka kiro badanbaa la iga qaadaa mararka qaar waxay igu gaadhaa afar billood. Waa garanayaa magaalada billicdeeda iyo badhaadheheedaba. Baylahdeedana cidi ii sheegimayso. Waanan garanayaa wax kasta oo magaalada quruxbadnaysiinaya cidina iiga warramimayso. Dawladda hoose sidaan fillaayo saddexdii billoodba mar bayna’duugtaa oo na’daad guraysaa, xashiishkana raacisaa dhammaan agabkayaga oo dhanmeelna namageeyaan! Markay maalin ama saddex maalmood nagamaqnaadaan waanu soonoonaa. Annaguna kamadaalno askarta naga kaladaadinaysa agabkayaga. Qaar nagamidaa gura,”Car alaabtayda kaladaadi. Ma adaa ku dhaca.Haddaan wiilashaan dhalay kuugu yeedhi waayo fartaad qaadaba ha ku jabiyaane.” Askarta qaar aad bay u naxariis badan yihiin way iskadhaafaan qaarkalana bakoorad bay dabada nooqabtaan. Waa kaladu wanaanshaha dadka iyo abuurka dabeecaddoodda.

Gurigayga waxan kasoo baxaa shanta arroornimo, mana kunoqdo inta ay kagaadhayso siddeedda habbeenimo. Carruurtayda cidiila ma hayso iyagaa  is-haya. Waan ogohay tani inay adagtahay haseyeeshee waxan kaga dhigaa calooladayg waa iyoAlle wehelkii. Cidaanahayn Eebbe kagama tago.

Danta carruurtaydaa gurigayga igasoo saartay, danta carruurtaydaan baa bacadka u fadhiyaa, balaayooyinka qaarna la kulmaa, danta carruurtaydaan udaallanahay markasta. Haddaanan sidaasamay nin qayrkay u baahanayaan gacantana hoos dhiganayaan! Anna tan ma ogoli mana ogolaan doono, mana ogoli inay waxbarasho beelaan. Waxan ogolahay inay gaadhaan meelkasarraysa halkay gaadheen qayrood dadkooda, dalkooda, diintoodana wax kusoo kordhiyaan.Carruurtaydaan u rafaadsannahay markasta.Dartood waan u daalaa, manadanneeyo diifta dushayda kamuuqata. Haa iyaga waxakasta oo wannaag badanbaan u sameeyaa kelidayna ma ahee Hooyooyinkoodhan baa ilaqaba. Hooyooyinka qaar waxay bariiska carruurtooda karaadiyaan Muus ay iibiyaan in ku xumaata oo laga iibsan waayanayeelata, markadan bana udhigta xoolaha.

Hooyooyin maantoo dhan gidaar fadhiya oo naawila  dad ay u soo shaqeeyaan qaarkoodna waxay fadhiyaan 10 saacaddood! Boodhka, Basaaska dushooda bariidsaday iyagawaa u busayl waayo baahiday halkan u fadhiyaan baa ka darran.Hooyooyin Shaah kariya maantoo dhanna afuufa dhuxusha iyo xaabada indhaha qiiqakaaga ilmaysiinaysana u adkaysta. Anna bariiska carruurtayda aanbacadkaa u fadhiyaa oo aan u badheedha balaayo kasta!

Faadumo Buuni

libaaxo.77@gmail.com