Gorfayn Buug: The Tree on the Moon {Geedkii Dayaxa}

0
886

Gorfayn Buug: The Tree on the Moon {Geedkii Dayaxa}

Gorfayntii: Axmed Ibraahin Cawaale

Buuggan, THE TREE ON THE MOON, oo uu qoray Mohamed Urdoh (Maxamed Uurdoox), oo aan dhowaan ku arkay baraha wada-xidhiidhka bulsho, judhiiba aniga oo aan gacanta ku dhigin ayaan hawada ka jeclaaday.   Magaca buuggan, oo lagu xasuusan karo  sheeko xariiradii Soomaaliyeed ee “Geedkii Dayaxa ku Yiil” ama “Geedkii Nolosha” waxa magaciisa iiga dhex muuqday male-awaal sare, falsafad iyo aqoon dhaqameed.   Markii se uu gacantayda soo galay waxa aan ka dhex helay wixii aan rabay iyo in ka badanba.

Qoraaga waxa uu ka soo jeedaa qoyskii suxufigii iyo qoraagii caanka ahaa ee Maxamuud Jaamac Uurdoox oo ahaa aasaasihii, tifatirihii iyo soosaarihii jariidaddii “Sowt-al-Soomaal”, oo ahayd tii ugu horraysay ee ka hadhasha arrimaha Soomaalida, ee soo baxday bilowgii 1950eeyadii.  Waxa kale oo Maxamuud Jaamac Uurdoox soo saari jiray toddobaadle la odhon jiray “Maanta”, ha yeeshee, sida uu xusay qoraaga buuggani, 1975kii ayaa uu jeelka Hargeysa ku geeriyooday – duruufo aan la garanayn awgood.
Quruxda buuggani ugu horrayn waa isaga oo aan ka madhnayn arrimahaas aan ka filanayay oo haddana, si farshaxannimo ku jirto uu sidii dun daabac ugu dhex rooriyay nuxurka buugga iyo arrimaha culculus ee uu ka warramayo.   Waxyaabaha aadka ii soo jiitay ee  buuggan ku guda jira waxa ka mid ah in ugu horrayn qoraagu ka hadlayo dhacdooyin badan oo uu u soo joogay iyo arrimo uu aqoon dheer u leeyahay oo uu ku tebinayo hibadiisa qoraannimo.

Sida aan kala soo dhex baxay buugga, waa saxafi ruug-caddaa ah, waaya-arag ah oo si xooggan uga dhex muuqday saxaafaddii  Soomaaliya ka hor Kacaankii 1969kii iyo ka dibba, ilaa ay isaga ku noqotay ka-fursan-waa in uu dalka ka baxo  – ka dib markii uu u adkaysan waayay cabudhintii lagu hayay saxaafadda xorta ah –  isla markaana uu cabbiri kari waayay cabqariyaddiisii, laguna eedeeyay in “qoraalladiisu  ka madh yihiin ruuxdii kacaanka”.

Sida uu qoraagu sheegay, saansaankii ku xeernaa saxaafadda xorta ahi, waxa uu ahaa mid qofka suxufiga ah ku xambaaraya afar  doorasho midkood:

1.   In mooraalkiisa iyo dun wanaaggiisa inta lagu tunto, laga reeyo, markaasna uu is dhiibo, cod baahiyena u noqdo cid kale, been la soo dhoobdhoobay bulshada u gudbiyo, siyaasiyiinta iyo askarta uu dabinka ugu jirana  libaaxyo iyo hoggaamiyeyaal wacan uga dhigo – in kasta oo aysan laabtiisu haddana ku niyad samayn.
2.      In uu xejisto toosnaantiisa iyo madax bannaanidiisa fikir iyo cod/qoraal dhiibasho, se uu fisho xadhig, maxkamadayn iyo dilba.
3.      In uu dalka iskaga qaxo.
4.      In uu saxaafadda faraha ka qaado, oo shaqo kale nolol ka raadsado.

Qoraagu waxa uu qaatay qodobka saddexaad.

Ha yeeshee, waxa ka muuqata tebintiisa dhacdooyinka, go’aannadii uu ka qaatay, iyo qoraalladiisaba in uu yahay qoraa isku darsaday geesinnimo, hal-adayg iyo la safashada dadka xaqdoonka ah.  Waa habdhaqan lagu xasuusan karo qoreyaal qalinka ku halgamay, sida Alexander Solzhenitsyn, Mikhail Shlokhov, Augusto Bastos iyo qaar kale – kuwaas oo fikirkoodii iyo meel-joogsiyadoodii ay liicin kari waayeen kelitaliyeyaal aad dunida uga caan baxay.   Waxa uu ka shidaal qaadanayay odhaaha ay ka mid yihiin: ‘The writer cannot put himself today in the service of those who make history; (but rather) of those who suffer it’  {Qoraagu waa in aanu  isu dhigin mid u adeega kuwa taariikhda sameeya, se waa in uu u adeegaa kuwa dacdarraysan]. (waa mid ka mid ah odhaahihii Albert Camus, oo ahaa qoraa, faylasuuf iyo suxufi Faransiis ah, oo ku guulaystay abaalgudka Noobel.)
Fursaddii uu dalka kaga fakan lahaa waxa ay soo martay mar tababbar loogu diray Nayroobi, halkaasna uu dal saddexaad uga sii gudbay. Waxa uu saxafi ka noqday  Imaaraadka Carabta halkaas oo ay haddana Sirdoonkii Taliskii Maxamed Siyaad Barre ku qanjiidhiyeen sirdoonkii  Imaaraadka, lana afduubay, la xidhay lana  takooray, ka dibna uu arrinkaasi ku xambaaray in uu carri kale uga sii gudbo.  Mar kale oo uu Sacuudi Carabiya tegay  waxa uu saxafi ka noqday jariiddada The Saudi Gazette.  Waxa uu qoraagu sidoo kale soo ban dhigayaa dabagalkii aan kala go’a lahayn ee uu kala kulmay ciidamada nabadsugidda iyo ciddii dawladda Soomaaliyeed u metelaysay dalka Kenya.  Ayaankiisa ayaa wanaagsanaa e, mastaafurintiisii dalka Kenya ma ay noqonnin mid ku celisa Muqdisho, bal se waxa uu si sharci darro ah ugu gudbay Tanzania.  Ka dibna waxa ay ku kalliftay in xagga dalka Zambia uga sii tahriibo isaga oo raacay booyad shidaal oo nin Soomaali ahi waday.   Mar kale  waxa uu Abu Dhabi BBC-da qaybteeda Barnaamajyada Africa war-tebiye uga noqday Dhulka Khaliijka Carabta.  Ugu dambayn qoraagu waxa uu u socdaalay dalka Kanada oo uu ilaa hadda ku noolyahay.

Buuggu waxa uu soo baxay 2013kii,  waxana uu ku qoran yahay af Ingiriisi, waana 244 bog. Waxa ku gudo jira  38 curis oo qaadaa dhigaya taariikhda dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya – laga soo bilaabo 1960-kii.  Waxa uu ka hadlayaa gobannimadii iyo filashooyinkii bulshada iyo hoos u dhicii yididiilooyinkii iyo hiigsigii ummadda, musuqmaasuqii baahay ee dawladihii rayidka ahaa, kala hororsigii iyo loollankii siyaasadeed ee Bariga (Ruushka) iyo Galbeedka (Maraykanka iyo inta ay isku bahda yihiin),  iyo sida uu nidaamkii keli-taliska ahaa uu dhabarka uga wareemay taageeradii, niyadwanaaggii bulshadu ku soo dhaweysay, dalkiina uu hoos ugu daadejiyay (falaaddii ka dhalatay habmaamulkaas awgii) jahawareer siyaasadeed, fadqalallooyin, xadgudubyo xorriyadeed, ugu dambaynna  dalku noqdo fagaareyaal la isku gumaado, oo reerba reer kale qoonsado.

Si gaar ah, arrimaha uu qoraagu  bitijoorka (tooshka) ku ifinayo waa arrimhii waqooyiga ka socday ee gogol xaadhka u noqday in ay bulshooyinka dhexe  kacdoon sameeyaan.  Dhacdooyinka badan ee aan qoraalkan lagu soo koobi karin waxa si xoog leh ugu dhex muuqda, Xasuuqii Jasiira, Kacdoonkii ardayda Hargeysa iyo Dhagax-tuurkii,  qaababkii argagaxa lahaa ee NSS-ta/Dhabar kebinta iyo  “Qabtoodii”  iyo “Godadkii” ay cidda u gacan gasha ku bah dili jireen, kuna jidh dili jireen, marar badanna ku naf dili jireen.   Waxa aan meesha ka madhnayn faahfaahin ku saabsan falalkii aadka u darnaa ee Taliskaasi kula kacay bulshada degmadii Gebiilay iyo meelo kale oo dalka ah.

Qoraaga intii uu joogay waqooyiga Maraykanka, siiba Canada, waxa uu soosaare ka noqday TV-ga CBC (Canadian Broadcasting Corporation), waxana ay jagadaasi qoraaga door (fursad0 u siisay in uu wax ka qoro, baahiyona gabbood falladii xadgudbka ku ahaa aadamaha ee dalkii Soomaaliya ka dhacay xilliyadaas.  Waxana muuqata in uu kaalin mug leh ku lahaa in caddaaladda la hor keeno dembiileyaal dagaal oo hore ugu qaxay dalalkaas.

Bal in yar oo ka mid ah dareenkiisa falsafadeed aynnu halkan ku soo qaadanno.  Kol booyaddii shidaalka sidday ee u tahriibinaysay Zambia ay kala gudbaysay dhul barwaaqo ah oo biyuhu iliilad walba rogmanayaan ayaa  dareenkani ku soo dhacay, markaasna uu naftiisa kula xanshashaqay sidan:

“Halkan waxa ah kumannaan iliiladood oo yaryar oo keli keli ah, oo loo malayn karo inayan waxba ahayn (waxba ku fillayn) – lagana yaabo in qaarkood, yaraan inta ay ka qabaan, si dhib yar looga tallaabsan karo.  Ka dib waxa ay ku biiraan iliilado ka sii waaweyn, oo markaasna sii noqdo webiyo. Haddana webiyadii ayaa is biirsada oo noqda Webigii Weynaa ee Ruaha,…….. Sidaas daraaddeed, wixii ku bilaabmay iliiladaha yaryar ayaa noqda harooyin – kuwaas oo noolaha kala geddisan nooleeya oo koriya.  Waana sida ay tahay e, sidaas ayaa ay debeecaddu isu daryeeshaa.
Isaga oo sii wada waxa uu yidhi:
“Fikirkaas waxa uu i xasuusiyay saansaanka aadamuhu ku noolyahay.  Waxa aan arkay in aadaminimadu dhammaanteed ka dhigantahay haradaas weyn.  Qof kasta, waxa aan ku masaynayaa, iliiladdii yarayd – taas oo u kobocda bulshooyin, bulshooyinkina dalal iyo dadkoodii, dalalkiina u sii kobca oo noqda bulshoweyntii arlada (aadamihii oo idil).
Ha yeeshee, sifo lagu arki karo biyahaas aynnu soo sheegnay, ayaa laga la’yahay aadamaha: UJEEDDO MIDAYSAN IYO RUUX/DAREEN MIDAYSAN!   Waana sababta aynnu u soo marnay Ganacsigaa Addoomaha,  Qolalkii Naqaska (ee dagaalkii labaad ee adduunka Yuhuudda lagu xasuuqay) iyo Xasuuqii Muslimiintii Undulus, iyo is gumaysi, iyo isku dul noolaansho dhaqaalo.  Sidoo kale, waa sababta ay weli u jiraan xeryo dadka sidii xoolaha lagu ururiyo, badhadh la is joogjiyo (oo dadka lagu xabbadeeyo), iyo kumannaan qofood oo jeelasha ku silcaya, iyo in ka badan oo qaxooti ah.  Si la mid ah, waa sababta aynnu u heysanno qunbula durriyado, una jiraan dagaallo, saboolnimo iyo midab kala sooc.”
Buuggani akhriskiisu waxa uu lama huraan u hayay qof kasta oo doonaya in uu taariikhda iyo siyaasadda dhinacyada badan ee Soomaalida wax ka ogaado, siiba intii u dhexaysay 1960kii ilaa 2000. Waxa kale oo si aqooni ku dheehantahay wax uga sheegayaa siyaasad-goboleedka Geeska Afrika, guudahaan dalalka soo koraya, Bariga dhexe, iyo adduunweynahaba.   Sidoo kale, waxa uu buuggu si gaar ah ugu sii habboon yahay ardada barata saxaafadda, siyaasadda iyo xidhiidhada caalamiga ah.
Ciddii rabta buugga waxa ay ka heli kartaa:
http://www.amazon.com/The-Tree-On-Moon/dp/1483640493

Gorfayn Buug:  The Tree on the Moon  {Geedkii Dayaxa}
Gorfayntii: Axmed Ibraahin Cawaale
aiawaleh@gmail.com