Hordhac Xusuus qor (Qeybtii 1:aad)

0
1247

Hordhac Xusuus qor (Qeybtii 1:aad) W/Q, Axmed C. Cawaale

Anigoo ah Axmed Cabdullahi Cawaale, kana tirsaan jiray shaqaalihii diblomaasiinta ahaa ee Wasaaradda arrimaha dibedda ee Jamhuuriyaddii Soomaalida, kuna soo biiray aakhirkii 1975, kedib markii aan soo dhammaystay shaqada qaranka, oo aan ka soo shaqeeya xeriyihii lagu daryeelayay dadka ay aafeysay abaartii dabadheer. Xeryahaas oo ku yaallay demada Ceel afweyne ee gobolka Sanaag muddo lix bilood ah, kedib waxaan u soo raacay dayuuraddihii Ruushka tuulada Ceel Axmed, waxaanan imi magaalada Muqdisho, halkaasi oo aan qeybtii labaad ee sannadka kaga shaqeeyay macalinnimo dugsiga hooyse dhexe ee Hawlwadaag.

Waxaan warbixintan u guda gelayaa, si aan u muujiyo waayo aragnimada aan doonayo inaan maqaalkan kaga warbixiyo, oo ah, run ahaantii mid aan ka kasbaday qof ahaan, intii aan hawl galay, ha ahaato, tii aan ka kasbaday shaqada qaranka dhexdeeda, wakhtigii la i shaqaaleeyay iyo muddadii aan diblomaasiga ka ahaa Wasaaradda dhexdeeda iyo Safaaraddii aan ka shaqo galayba. Run ahaantii waxay noqonaysaa taariikh aan milicsanayay oo aan u ahaa goob joog, iyadoo ay dhacayeen waxyaabo reebay raadraac nololleed iyo mahadhooyin layaab badan leh. Kuwaasi oo aniga in kasta oo ay i taabanayeen, hadda ahaa dar ummadda soomaaliyeed ee ku nooladay Jamhuuriyaddii Dimuquraadiga ee Soomaaliya ay si la mid ah iila qabeen.

Haddii aan ka bilaabo sheekada intii aan dhiganayay dugsiga sare ee Sheekh Bashiir ee ku yaal magaalada Burco, oo ahaa markii aan galay dugsi markaas uun la furay, dadka reer Burcana ugu yeedhi jireen ”qasabka”, inkasta, oo aanan anigu u dhabo gelin sababta loogu bixiyay magacaas, haddana markii aan imid, waxaa joogay macallimiin aad u fiican oo isku jiray soomaali iyo hindi. Iskuulku wuxuu ahaa mid maalintii uun wax lagu barto, oo aan lahayn hurdo. Sidaas awgeed, dhibaato badan ayaa aniga iga haysatay magaalada, oo aanan run ahaantii cid xigto ah ka aqoonin, sidaas awgeed, aabbahay oo i keenay magaalada, ayaa raadraadiyay cid aan la noolaan karo, islamarkaasna meel aan wax ka cuno. Ugu dambeyntii waxaa uu helay niman shaqaale ah oo deggen guri ay wada kiraysteen. Nimanku waxay isugu jireen askar, nooca daraawiishta loo yaqaanay ee ahayd ciidanka gurmadka ee ka tirsan booliiska iyo shaqaale wakaalladda biyaha, qeybta riigagga iyo niman kale oo ka shaqeysta dhinaca dawaarka oo leh meherad weyn oo lagu tolo dharka kala duwan ee ragga iyo dumarkaba. Waxaan ula imi hal furaash, oo gaboobay, run ahaantiina aad u ahaa duug.

Dawladda Kacaanka ee askartu, waqtigaas 1971 waxay ahayd mid aad u leh laxaad weyn, intii aan ku jiray dugsiga, waxaa dhacday in la soo taagay maxkamad, islamarkaasna lagu xukumay dil qaar ka tirsanaa madaxda sarsare ee xukuumaddii askarta ee xukunka xoogga kula wareegtay oo ay ka mid yihiin Caynaashe. Maalintaas la fulinayay dilka madaxdaas waxaa laga dareemayay magaalada Burco ee aan ku sugnaa dareen aan caadi ahayn. Meel kasta oo la soo dhigay askar ruundo ah, waxaana laga cabsi qabay inay dadka reer Burco sameeyaan kacdoon iyo gadood. Hase yeeshee, sidii ay dawladda militariga ahi filaysay, ma dhicin, reer Burcana wax dhaqdhaqaaq ah may muujin. Taasi oo Maxamed Siyaad Barre sii siisay dheeri gelin iyo inuu ku talaabsado waxyaabo badan oo markii dambe uu fuliyay.
Dhacdada kale ee xusuusta igu reebtay intii aan Burco joogay, kuna jiray dugsiga sare, waxay iyana ahayd, maalin maalmaha ka mid ah, ayaan waxaa laba cisho naga maqaaan nin ka mid ah raggii aan guriga kula jiray oo ahaa askari daraawiishta booliiska ka mid ahaa.

Markii uu soo laabtay ayaan joogay meel lagu weydiinayo xagga uu qabtay. Waxaa uu ku jawaabay, waxaan ka mid ahaa askartii loo xilsaaray inay Laascaanood ku soo fuliyaan dilkii ninka loo haystay inuu dilay madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Cali sharmaake. Waxaa uu intaas ku sii daray sheeko uu ka sheekeeyay dhacdadaas iyo sida ay u dhacday, wuxuuna yidhi:”Markii aanu u diyaar garownay inaan fulinno hawsha ciqaabta dambiilahaasi, ayaa laga codsaday inuu dardaarmo, wuxuuna ku dardaarmay, sidan:
”NIMANKII KALA CALOOSHA WEYNAA EE BAARLAMAANKU YAANAY WAXBA IGA DAMBAYN”

Kedib aanu ku fulinay hawshii ciqaabtay. Waxaan anigu markaas hoos isku weydiiyay, ninkan dhalinyarada ah ee weliba askariga dablaha ah, sidee buu uga fakiray siyaasadda noocan ah. Anigu waxaan is tusaaleeyay in wiilkani uu ahaa uun nin la dirsaday, sidii uu u fulin lahaa hawsha khaarajinta Madaxweynha, islamarkaasna lagu soo darsaday ilaalada madaxweynaha, hase yeeshee markii dambe lagaga baxay oo isagii la xukumay, lana khaarajiyay. Waa sida aan yaqiinsaday, oo weliba aan isleeyahay waxaa iyana jira dhacdooyin kale oo fikraddeydaas taageeraya.

Waxaa ka mid ah waxyaabihii ugu horeeyay ee dawladda Militarigu ku dhaqaaqday in maxkamadayso dambiiliyii dilay Kabtan Mote. Kabtan Mote wuxuu ahaa nin aad xidhiidh dhow ula leh Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo ahaa Ra’iisal Wasaarihii ugu dambeeyay ee dawladdii dumuquraadi lagu soo doorto ee ay yeelato Jamhuuriyaddii Soomaaliya. Waxay dad badanni aaminsanaayeen in Mote uu ka soo horjeestay in Inqilaab lagu dhigo dawladda. Si aanu warka sirta ee in inqilaab soo socdo ugu tebin Ra’iisal wasaaraha ayaa tallaabo khaarajin ah laga qaaday, waxaana dhacdadaas fulintiida ku dhintay isaga iyo askari kale oo isna xerada Afisyooni ka shaqeynayay.

Ninkii dilkaas geystay, dawladda militariga ah, waxay u maxkamaddeysay degdeg, waxayna ugu fulisay ciqaab si xowli leh, waxayna ka baqa qabeen inay dadkaas dhalinyarada ah ee la adeegsaday aanay sirta hawlgalkooda u faafin. Dhacdooyinkaas aan ka sheekeynayaa kuli waxay dhaceen waxyar uun ka hor intaanay askartu xukunka la wareegin, waxayna raad mooqda ku yeesheen, una fududeeyeen la wareegii xukunka. Ilaa iyo hadda cid baaritaan ku samaysay xidhiidhka ka dhexeeyay Mote iyo wiilka dilay iyo sababta uu u dilay ma jirto, sidoo kale wiilka dhalinta ah ee madaxweynihii dhammaa ee wadanka khaarajiyay, sababta oo u sameeyay faldambiyeedkaas cid og ma jirto, waxay ahayd in la sugo oo loo daayo wakhtiga si baadhitaan cilmi ah loo sameeyo loona ogaado sirta dhabta ee keentay in wiilal yaryar ay ku kacaan hawlo saamayn intaas leeg ummaddii oo dhan u keenay.

Haddii aan dib ugu noqdo wakhtigaas wakhti ka sii yara horeeyay oo aan ku jiray dugsiga dhexe ee Oodweyne, oo aan isla sheeko kale oo la xidhiidhka intaan militariga la wareegi xukunka aan idiin yara dacal saaro. Waxaa jirtay in macallimiin ka tirsan wadanka Maraykanka oo la odhan jiray “Peace corps” ay wax ka dhigi jireen wadanka Soomaaliya. Oodweyne waxaa yimid laba macalin oo ka tirsan “peace crops”, oo la kala odhan jiray Norman turell iyo Steven Marshal. Labadaas macalin waxtar weyn bay u geysteen ardayda ay wax u dhigi jireen iyo dadka degmada Oodweyneba.

Norman Turell waxaa uu ahaa ninka keenay wersheddii laydh ee ugu horeysay ee ay yeelato, intaas oo keli ah ma ahee, isaga ayaa wax kasta oo ku saabsan gelinta laydh iyo hawlaha kale ee la xidhiidha dhammeeyay keli ahaantiis, cid ku gacan qabtay oo hawshaas ku garab gashay ma jirin. Waxaa kale oo uu samayn jiray, wuxuu u ahaa bulshada ardayda ah ee ku jirtay iskuulka hoygana u ah ee la seexdo dhakhtar wixii gurmada ah ugu sii filan, islamarkaasna dhiga maadooyinka wixii aan ka ahayn af carabiga iyo diinta. Waxaa kale oo intaas dheeraa inuu dhinaca isboortiga uu ka taageeri jiray tababarka iyo agabka lagu ciyaaro. Waxyaabaha xusuusta igu reebay ee lama iloobaanka ahaa, waxay ahay in iskuulku lahaa rug buugaag ama maktabad casri ah oo ay yaalliin buugaag nooc kasta oo laga fakiri karo.

Rugtaas waxaa aasaasay qabalbeeyay, dhigayna buugaagta iyo filmada waxay ahaayeen macallimiintaasi. Waxaan sheekadan ku keenay, maalin maalmaha ka mid ah, oo wakhtiguna uu yahay galab casar liiqu sii dhacayo, ayaa aniga iyo dhowr arday oo aan ku jiro, waxaanu maqalnay in la dilay madaxweynihii jamhuuriyadda Soomaaliya, kedib, waxaanu u kacnay dhinaca iyo garoonka kubbada oo hal waxoogay ah u jira iskuulka, kana xiga dhinaca galbeed, una dhexeeya dooxa iyo iskuulka. Waxaanu doonaynay in aanu soo daawano ciyaar kubbad ah oo galabtaas garoonka ka socotay, nasiib darro, waxaa naga horyimid macalinkii Maraykanka ahaa iyo ardaydii kubbadda ciyaarayso oo ka soo dareeray, waxaanu ku kulanay meel u dhexeysa iskuulka iyo garoonka, waxaanu si kaftan iyo qosol qosol ku jiro af ingriis ugu sheegnay warkii aanu soo maqalnay ee ahaa in la dilay madaxweynihii Soomaaliya.

Wax haba yaraatee, murugo la arki karo oo naga muuqatay may jirin, sida oo kalena maanu dareemin inay wax saameyn ah annaga nagu yeelan karto, war uun buu noo ahaa wararka ka mid ah, hase yeeshe Mudane Steven Marshal, isagu warkii wuxuu ku noqday mid gebi ahaanba wejigiisii bede lay, wuxuuna nagu soo celiyay jawaab ah, ma fahmaysaan waxaad sheegteen? Haa baanu ugu jawaabnay, madaxweynahaygii baa la dilay, mid kalena dhawaan baa la saari doona. Wuxuu nagu yidhi: “waxaa laga yaabbaa inay saamayn weyn idinku yeelato”. Waxaanu kula murannay in aanay wax sidaas u weyn nagu yeelan doonin.

Muddo shan cisho ah ayaa baroor diiq loo sameeyay madaxweynihii dhintay, Alla Ha u naxariistee, Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaake, oo quraan idaacadda looga akhriyay. Shantii cisho markii ay dhammaatay ee iskuulkiina caadi loo galay, ayaa maalin maalmaha ka mid ah, arday yaacaysa fasalka dibedda ka soo galeen, waxayna noo sheegeen in wadankii inqilaab ama afgebi ka dhacay, oo askartii xukunkii la wareegtay. Ayaamo yar kedibna, waxaa na loo soo sheegay dhammaan macallimiinta Maraykanka ah wadanka laga dhoofin doono oo ay yihiin basaasiin khatar ku ah nabadgelyada iyo amaanka qaranka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Soomaaliya.

Warkaas naxdin badan ayuu dhammaan ku keenay ardaydii iyo macalinkii Maraykankan ahaa ee iskuulka markaas nala joogay, mudane Steven Marshal, waxaana loo sameeyay xaflad ballaadhan oo sagooti ah, waxaana dhacday in ardaydii iyo macalinkoodii ay jecelaayeen isku ooyaan, oo dareen shucuur leh habeenkaas madashii xafladda ay hadhaysan. Inuu basaas ahaa, ma qabo ilaa iyo imikadan, waayo wakhti uu wax ku basaaso iyo wax uu basaaso oo yaalay Oodweyne, run ahaantii may jirin, waxay ahayd meel cid la’ ah, oo uu keligiis ka yahay qof cad. Bulashada wax xidhiidh ah oo uu la lahaa haba yaraatee, may jirin, laakiin wuxuun baan u qaatay arrin siyaasaddeed, oo la xidhiidha legdenka quwaddaha waaweyn ee Maraykanka iyo Ruushka. Waayo markii aan dhiganay dugsiga sare, waxaa na loo keenay macallimiin Ruush ah oo aan af ingriisba aqoon, wax sidaas ah oo laga faa’iideysan karaana aanay jirin. Taas baa markii dambe u markhaati furtay dareen aanu xukuumaddii militariga ahayd ka qabnay.

Arrimahaas la yaabka leh ee dhacay, lana xidhiidhka dilalka qorsheysan, ee saameynta ku yeeshay bulshada, waxay aniga I fahamsiiyeen inay afgembiga xidhiidh la lahaayeen, waxayna mar kasta maskaxdeyda ku reebi jireen aragtida saldhiga u ahayd fikradda aan ka qabay xukuumaddii militariga, in aanay ahayn mid iska timid ee ay ahayd mid la sii qorsheeyay oo laga shaqeeyay, quwadda weyn ee Ruushkuna uu ku lahaa gacan qarsoon, oo ilaa waagan cid si mug leh u baadhayna aanay jirin.
Markii aan dhammaystay dugsiga sare, waxaan galay Xalane, oo ah xero militariga lagu tababaro, taasi oo ardayda soo dhammaysatay dugsiga sarena loo geeyo, si dhinaca militariga iyo siyaasaddiisana looga soo dhaadhiciyo. Kooxdaydii gashay 1974 waxaa loo bixiyay “Cali Shiine”, sababta magacan na loo siiyayna waxay ahayd tiradayada oo xad dhaaf u badnayd. Waxaanu gaadhaynay ilaa 2000 iyo dheeraad. Waxaanu ku soo beegmanay wakhti uu socday olollaha af soomaaligu, oo ardaydii iskuullada loo kala diray gobollada miyiga, si ay u soo baraan wax akhriska iyo qorista afka soomaaliga oo dawladda militarigu ku dhawaaqday hirgelitiisa 1972:kii. Iyada oo qorshu ahaa in aanu shaqada qaranka galo, oo iskuullada macallimiin ka noqonno, ayaa waxaa dhacday in iskuulladiiba ay xidhnaayeen, sidaas awgeedna aanu Xalane ku jirnay wakhti intii na loogu talo galay ka dheer. Waxyaabaha xusuustayda ku dheeraaday ee ah dhacdooyinka dawladdii militarigu ku dhaqaaqday, ayaa waxaa ka mid ahaa:

• Markii aanu soo galay Xalane, ayaa waxaa lanagu yidhi waa la idin dhaarinayaa in aad daacad u tihiin Kacaanka. Dhowr arday ayaa diiday inay dhaartaasi maraan, waxaana lagu xukumay inaanay weligoo dalka Soomaaliya wax shaqo ah ka qaban Karin. Kolay aniga waxaan qabay fikradda ah in aan qofna xaq loogu lahayn in dhaar ku maro inuu dawlad daacad u nqodo, bilcaksi, waxaa lagu mari karaa dhaar in wadanka daacad loo noqdo. Dawladdu waa lagu waafaqi karaa waxa fiican ee ay qabto, sida oo kalena waa lagaga hormaan karaa wixii dhibaato ah ee ay la timaado iyo fikraddaha siyaasaddeed ee ay wadato. Laakiin qof in laga xaaraantimeeyo inuu waddankiisa ka shaqeysto, haddii uu siyaasaddaada waafiqi waayo, ayaa ila qalafsannaatay. Dadka waddan ku wada nooli marna isku siyaasad ma noqon karaan, waa shay mustaxiil ah. Sidaas baan u fahmay in Xukuumaddanu ay mid bilaa naxariis ah tahay.

• Intii aanu ku jirnay Xalane hawlo badan oo iskaa wax u qabso ah, ayaanu fulinay, oo dhismayaal ku yaal Xalane oo ah Mundul weyn oo noqday golaha shirarka, wax baanu ka dhisnay, laakiin ta ugu muhiimsanayd waxay ahayd ka qeybgalka tirakoob ay diyaarinaysay Jamciyadda Qaruumaha Midoobay. Markii dawladda la weydiiyay in mushahaaro la noo qoray, way diiday, waxayna tidhi: “uma baahna”. Gebagebadii tirakoobka waxay Jamcadda Qaruumaha Midoobay ballan qaaday in dhammaan ardayda ku jirta Xalane lagu casuumo casho sharaf qiimo weyn. Waxayna diyaariyeen casuumaaddii oo lagu talogalay inay ka dhacdo guriga weyne ee la yiraahod “X-Planing” oo ku yaal xeebta badweynta Indien ocean, oo ah xaafadda Xamar Weyne, oo aad ugu dhow Madbacadda qaranka. Halkaas waxaa lagu diyaariyay cunto aad u fara badan oo nooc nooc ah, isuguna jirta wax kasta, looguna talogalay dhowr kun oo arday iyo macallimiintooda. Ardaydii waxaa lagu soo qaaday baabuur waaweyn oo ah kuwa militariga oo gaadhay ilaa dhowr iyo toban baabuur oo waaweyn, baabuur kasta waxaa la joojiyay meel u dhow guriga, ardaydiina waxaa loo sheegay halka ay xafadda casho sharaftu ka dhacayso, laakiin wax maamul ah oo kala haga looma sameyn. Miisaska dhaadheer ee cuntadu wadhan tahayna ma jir wax la dhigay oo ah nadaamiyayaal ah.

Ardaydii Xalane ee ahayd dad wax bartay, kuwii ugu soo horeeyay ayaa buub cuntadii ku bilaabay, waxaana meeshii ka dhacay qas iyo jaahwareer. Waxaa dhacday in noocyada kala duwan ee cuntada lagu kala bedelenayay, oo qof qaatay bariis meel yaal, ku kaleetana maraqii suugada ahaa, qaar cabbitaankii la fuqeen, qaar xalwad iyo macmacaan, halka qaar digaag iyo hilib geydo u heleen. Sida oo kale qaarna meeshii kuba qadeen, oo meel ay maraan iyo meel wax yaaliinba ay waayeen. Maalintaas waxaa ii caddaatay, nidaamku wax kasta ka horeeyo, oo haddii aan nidaam iyo kala dambeyn la waayo ay meeshu qaxmayso, wax fiican oo la qaban karaan aanay jiri Karin. Jamciyadda Qaruumaha Midoobay, waxay ku halaysay dawladda, oo ay xilka ardayda ku ogeyd. Dawladduse way ka seexatay xilkeedi.

• Waxyaabaha kale ee xusuusta igu reebay ee Xalane aan kala kulmay, waxaa ka mid ahaa in ardayda dugisga sare ee ku jirtay ay cabasho weyn ka muujisay mushahaarrooyinka ay qaataan ardayda dugsiga sare soo dhammaystay ee gala shaqo, waxayna sheegeen in ardayda BB:da ah ee ka soo baxay dugsiga dhexe ee macallimiinta loo qaataa ay ka mushahar badan yihiin, sidaas awgeedna aanay caddaalad ahayd arrintaasu. Markii ay cabashooyinkii bateen, oo madaxda muxaadaradda na siisa su’aallihii lagu badshay, lana joojin waayay tabashooyinkii ayaa maalintii dambe la casuumay Mudane Maxamed Cali Samatar, oo markaas ahaa madaxweyne- ku xigeen, ahana wasiirka difaaca. Run ahaatii markii isna la weydiiyay arrinkii oo loo soo bandhigay cabashooyinkii iyo tabashada ardayda, waxaa uu kaga jawaabay su’aashaas, jawaab aan aniga I qancin, laakiin musawir fiican ka bixinaysay dawladda nooca ay yihiin, wuxuuna yidhi: “Markii hore waxaa jiri jirtay maxaad taqaan, markii xigayna waxaa timid ayaad taqaan, annaguna waxaanu u shaqeynaa yaad aaminsan tahay”. Wuxuu intaas ku sii daray, isaga oo faahfaahinaya ma’baadiida ay doonayaan ee ay ku shaqeynayaan, borigaraamkan BB annaga ayaa wadanna, tacaliin iyo wax ay ku xidhan tahayna ma jiro, ha is wareerinina, ayuu kaga baxay hadalkii, isaga oo xanaaqsan.

• Intii aanu joognay Xalane, wax badan ayaa iiga bidhaamay ragiimkii Maxamed Siyaad Barre, waxaa maalin maalmaha ka mid ah la xidh xidhay wadaado, kuwaasii oo ka hor yimid ma’baadida ay xukuumadda militarigu wadatay. Kedib waxaa isku dhacay dayuurado cirka duulayay oo sameynayay tababar. Wadaaddii waxaa lagu xukumay dil, qaarna waxaa lagu xukumay xadhig. Kacdoon dadweyne oo laxaad leh baa magaaladii Muqdisho ka dhacay, waxaana arrinta soo fara geliayay dawladda shisheeye, sida aan ka fahmay mar dambe khudbad uu noo jeediyay Maxamed Siyaad Barre, madaxeynihii Jamhuuriyadda dimuuquraadiga Soomaaliya, oo noogu yimid Xalane. Intii kacdoonku socay, waxaa la noo diiday in aanu magaalada u dhaadhacno, waxaana lana dulsaaray culeys laxaad leh. Maalintii dambe ayaa waxaa xeradii yimid Maxamed Siyaad Barre, oo xiimaya, waa nala sii rigeeyay, kedibna waxaa na lagu shubay gole weyn. Intii aanu madaxweynuhu nala hadlin, ayaa waxaa la bilaabay khudbado ka horeeyay tan madaxweynaha, waxaan xasuustaa tii uu jeediyay korneyl Abuukar. Korneylku wuxuu hadal dheer oo uu jeediyay ku macneeyay in quraanka ay ku jiraan aayado badan oo la nasakhay, kuwaasi oo loo nasakhey xaaladdo iyo duruufo dhaliyay in la nasakho. Sidaas awgeed, ayuu korneylku yidhi: “ Haddii uu nebigu xiligan joogi lahaa, ayadahan ay wadaad xumayaashu adeegsadeen, waa la nasakhi lahaa.” Intaas kadib, waxaa mikirifoonka loo dhiibay macalinkii weynaa, ee lagu tilmaami jiray aabbaha ummadda. Waxaanan hadalladiisii ka sii xusuustaa: “Dad badan baa iga soo codsaday, oo ay ku jiraan dawladdo waaweyn in aan wadaad xumayaashan iska daayo, oo aanan dilin. Waa yaab ahe, iyagu may iska kay daayaan.” Musawirka aan ka qaatay maqalkii erayadaasi, waxay sii xoojiyeen in kursigan uu ku fadhiyo madaxweynuhu, aanu safaad ahayn ee cid kasta oo ku soo quundida uu la geli doono dagaal, qiimo kasta ha ku kaceen, sidaas ayaan yaqiinsaday.

Xalane markii aanu ka baxnay, aniga waxaa la ii bedelay gobolka Sanaag, si aanu uga soo shaqeeyo xeryaha lagu hayo dadka ku soo tabaaloobay abaartii daba dheer. Markii hore ee aanu nimi gobolka waxaa gudoomiye gobol ka ahaa Mudane Cadde Muuse, oo markii dambe shaqaale diblomaasi ah ka noqday safaaradda Soomaaliya ee Peking, China, islamarkaasna madaxweyne ka noqday maamul gobolleedka la baxay Puntland.

Waxaa na lagu dejiyay guri weyn oo ku yaal magaalada Ceerigaabo, halkaasi oo si aad weyn oo qiimo leh na loogu soo dhaweeyay. Muddo markii aanu joognay ayaa waxaa na loo kala qeybshay degmooyinka uu ka kooban yahay gobolku. Sidaas awgeed, waxaa la I keenay Ceel afweyn xero ku taal., halkaas oo ay ka hawl galaan oo ay abaabulka xeradaas iyo xeryaha kale ee gobolkaba ay gacanta, run ahaantii ku hayaan koox samaystay iskaashato, la magic baxday “Baac dheer”. Taasi oo ay haystaan niman u shaqeyeeya sida maafiyada oo kale, oo dawladda gobolka ay wada shaqeyn leeyihiin. Labada nin ee maamulla iskaashatada gacanta ku dhagtay dhaqaalihii dadka abaartu ku habsatay, oo lunsada, waxay kala ahaayeen : Hamashuul iyo Ismaaciil dadqal”, sida la nooga sheekeeyay, waxaa la yidhi: Dadka ayay laayaan, saxeexyada ay doonaanna way been abuuri karaan. Arday badan oo doonayay inay wax soo caawiyaan, ayaa waxaa galay cabsi laxaad leh iyo werwer weyn oo ay ka qabaan aamaankooda. Marna kuma soo talogelin in ay la kulmi doonaan wax dhibaato u geysta. Waxayna go’aansadeen, wixii la dhacayo, ha la dhaceen, in aanay dhexgelin arrimaha ku saabsan musuqmaasaqa iyo wixii la xidhiidha. Si kastaba ha ahaatee, waxaa dhacday in ardayda qaar ka mid ihi ku dhiiradeen inay ashkateeyaan madaxda gobolka iyo iskaashatada Baacdheerba, hase yeeshe, wax laga qabtay oo muuqda ma jirin.

Aniga waxaa la I geeyay xero ay ka diiwaan gashan yihiin 900 oo qof, kuwaasi oo aniga masuul la iiga dhigay. Maalimihii hore, waxaan u dhaafay gudigii maamuli jiray, inay hawshooda sidii ay u wadan jireen u wataan. Waxay sameeyaan raashinka ayay ka soo qaadaan bakhaarka weyn ee dhexe ee xaafaddaha kala duwan ee xerada raashinka u qeybiyo, kedibna waxay bilaabaan qeybinta raashinka. Waxaa dhacday in maalin kasta uu soo hadho raashin, waxayna I weydiiyeen, waxaan doonayo in lagu sameeyo raashinkan soo hadhay. Waxaan weydiiyay maxaad ku samayn jirteen, jawaabtina way noqotay, innaga ayaa qeybsanayna. Arrintaas waan ku gacan saydhay, waxaanan amray in dib loogu xereeyo bakhaarka xaafadda oo ahaa xafiiskeyga, islamarkaasna guri ii ahaa. Waxaa dhacday in maalin maalmaha ka mid ah la waayay raashinkii ka imaan jiray Ceerigaabo, sidaas awgeedna xaafaddihii oo dhan raashinkii ka go’ay, hase yeeshee xaafaddaydii aan u qeybiyay raashinkii keydka ahaa ee aanu dhigi jirnay. Dadweynihiinii xaafaddu aad bay u farxeen, hase yeeshe, gudigii odayaasha ahaa way iga cadhoodeen, wayna iga kala tageen. Bedelkoodi waxaa bilaabay inay ila shaqeeyaan dhalinyaro isbedel doon ah, ooh ore uga xumaa musuqmaasaqa meesha ka socday.

Markii dambe waxaan soo raacay dayuuraddihii dadka lagu soo daabulay, waxaanu soo dejinay qaar badan oo ka mid ah dadkii abaartii daba dheer xoolihii kaga baxeen. Kedib anigu waxaan u soo gudbay magaalada Muqdisho, halkaas oo qeybtii dambe sannadka ugu dambeysey ee shaqada qaranka aan ka sii watay dugsiga hoose dhexe ee Hawlwadaag, iyada oo hawshii aan gobolka Ceerigaabo ayaan ka dhegaystay idaacadda Radiyow Muqdisho iyada oo magacaygii la xaadiriyay oo la yidhi waxaa lagu siiyay shahaadad sharaf iyo aanu jaamacadd toos u geli karno imtaxaan la’aan. Hase yeeshee, aniga iyo asxaab kale oo aanu aad isugu dheereyn, markii aanu rogrognay, nin aanu saaxiib nahay oo dhigta Jaamacadda Lafoolena aragnay, isaga oo la daala dhacaya lacagtii uu baska ku raaci lahaa oo dhibaato weynni ka haysato, ayaanu iska dhaadhicinay in reeraheena oo fakir ah awgeed, ay quman tahay in aanu shaqeysano. Siciid Maxamed Muumin, oo Siciid Gurey lagu magacaabi jiray,kana tirsanaa dadkii lagu xasuuqay xeebta Jasiira, Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabshee, ayaa isagu noqday ninka u dhabar adkeystay, ee galay jaamacaddii, intayadii kale waxaanu raadsanay in na loogu bedelo jaamacadda shaqo.

Waxaana liiskayagii lagu daray ardaydii codsatay shaqo in la siiyo. Guriga weyn ee shaqaalaha ayaa maalin la isugu kaayo yeedhay, waxaana lana tusay weel weyn oo lagu guray dhammaan magacyadayadii, sida oo kale waxaa nala tusay bukhshado madhan oo ay ku qoran yihiin magacyada Wasaaraddaha soo dalbaday shaqaalaha iyo tirada ay wasaarad waliba u baahan tahay. Si kasta ha ahaatee, magacaygii waxaa lagu daray Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Halkaas baa la igu yidhi u shaqo tag. Weligey hore maan u maqal, magaca wasaaraddaas, dhowr qof oo aan weydiyay wakhtigaas kadibna waxay ii sheegeen in la yidhaahdo “KHAARAJIYADA”.

Maalintii dambe ayaan u kalahay oo u kabo qaatay dhinacaas iyo number 4, waxaan intii aan jidka dheer sii hayay weydiinayay dadka halka ay ku taal Wasaaradda Khaarajigu, waxaana I hagayay tilmaanta ayaan helayay. Markii aan soo galay daar cad oo laba dabaq ah, ayaan isku sheegay in aan ahay shaqaalaha cusub ee lagu soo qoray Wasaaradda, kedib waxaa si toolmoon la iigu hagay qeybta shaqaalaha ee Wasaaradda, halkaas oo aan ugu tegay nin hadda dhintay oo la odhon jiray Yaxye Xaaji Ibraahim oo ahaa madaxa laanta shaqaalaha ee Wasaaradda arrimaha dibedda, markii aan isku sheegay, wuxuu ii sheegay in shaqaalihii kale qaar la sugayo, kedib markii aanu isku nimid dhowr iyo toban qof ayaa kor dabaqa sare gole weyn oo aad u qurux badan nala geeyay, kaasi oo ay yaaliin miis dheer oo ay ku hareeraysan yihiin kuraas iyana aad la ashqaraaraysid, qolka oo dhanna lagu wareejiyay daahyo iyo sida loo sharaxay aad iyagana ku indha daraandarayso, waxaa islamarkiiba kaaga dhex muuqanaya derbiyada sawirka weyne ee madaxweynihii xukuumadda Maxamed Siyaad Barre iyo xubnaha kale ee golaha tawradda.

Hal cabaar ah markii aanu fadhinay ayaa waxaa noo soo galay Cabdiraxmaan Jaamac Barre, oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha dibedda