TOBAN MA NOQOTO! SIDA LOOGA GUDBO MARXALADAHA ADAG

0
265
#Somaliland #Democratization #process: #Political #parties

Soomaalidu waxay tiraahdaa aduunyadu tobon ma noqoto. Ulajeedada oraahdaasi, waa aduunyadu marna kuuma dhamays tiranto. Aduunyadu markay dhan kaaga dheeli tirantaba, dhan kalaa kaa jan jeera. Maadaama ay aduunyada xaaladeedu sidaa tahay, waxaa lagama maarmaan ah, inaad haysato sahay ama hub aad marxalad kaste ku moodi karto.

Waxaa dhici karta mar marka qaarkood in ay marxalado adag kula soo darsaan. Waxaa dhici karta qof aad jeceshahay inaad waydo. waxaa dhici karta in lagu dulmiyo ama dhibaato aadan istaahilin laguu gaysto. Waxaa dhici karta mudo badan qorshe aad soo qabanqaabinaysay ood soo dhisaysay inuu kaa kala daato. Waxaa dhici karta in ciil iyo calool xumo aad la ooydo. Waxaa dhici kara waxaad rabtay in sida aa u rabtay ay kuu noqon waayaan. Waxaa dhici karta noloshu inay kugu adkaato oo maalin walba wax kaa nixiya, ku qalbi jabiya ama kaa oohiya aad la kulanto.

Dhanka kale hadaan eegnana, waxaa laga yaabaa in ilaahay kuu nimceeyay. Waxaa dhici karta in wax kaste oo aad rabto Ilaahay ku siiyo. Waxaa laga yaabaa in noloshu ay kuu dhib yaraato oo aad farxad iyo rayn rayn ku cawayso. Waxaa laga yaabaa in adiga iyo reerkaaguba aad nabad iyo caafimaadba qabaan. Waxaa laga yaabaa in irsaaqada dhan waliba Ilaahay kuu furay. Waxaa laga yaabaa karti, cilmi, garaad, nabad iyo qalbi fayoowba in Ilaahay iskugu kaa daray. Waxaa laga yaabaa in aad adoo ilka cadayanyana aad seexato oo adoo ilka cadaynaya aad soo toosto.

Hadaynu nahay bani aadam, waxaynu jecelnahay inaan laba marxaladood ee kor ku xusan, kan danbe aan ku jirno mar walba. Waxaan jecelnahay marxalada farxada iyo rayn raynta ah inaan cimrigeena ku dhamaysano inagoon fahansanayn midka khayrku inoogu jiro. Maxaa keenay mar xalada hore inaan dhib sano oo aan ka orodno, tan danbana aan goobno oo aan ku orodno? Soo ma dhici karto inay inoo fiicantahay in aan marxalada hore ee dhibkaa ku jirno mararka qaar kood? Ogaanshaha ama meesha aan wax ka arki karno ayaa xadidan oo intii Ilaahay ugu talagalay aan dhaaf siisnayn. Mar kastena ma garan karno waxa khayrku inoogu jiro ama waxa sharku inoogu jiro. Mararka qaarkood waxaynu khayr umalaynaa wax shar inoo ah, waxaynu shar u malaynaa wax khayr inoo ah.

Waxaynu ognahay in marxaladaheena noloshu is badbadalaan. Waxaa lagama maarmaan ah in marxalad kaste oo aan ku jirno aan garanayno sida ay tahay. Waxaa lagama maarmaan ah inaan ka faaiidaysano oo aynaan ku guul daraysan nolosha marxaladaha inala soo darsay awgood. Waxaa lagama maarmaan ah in aan haysano doontii aan kaga gudbi lahayn ama kaga badbaadi lahayn marxaladaha aan ku jirno. Hadaba akhristoow, qoraalkan waxaan kugula wadaagayaa sahay, hub ama doon aad ku moodi karto ama kaga gudbi karto marxaladaha kala duwan ee kula soo darsa siiba kuwooda adag.

Marka ay noloshu kugu adkaato ama sida aad rabtay ay kuu noqon waydo, waxaad kaga gudbi kartaa arimahan hoos ku xusan:

Garwaaqso In Aduunku Imtixaan Yahay
Aduunku sidaan korba kusoo sheegay ma dhamaystirmo. Marwalba waxaan ku jirnaa imtixaan laynagu eegayo sida aynu nahay. Ilaahay ayaa quraanka ku yiri,

وَلَنَبْلُوَنَّكُم بِشَيْءٍ مِّنَ الْخَوْفِ وَالْجُوعِ وَنَقْصٍ مِّنَ الْأَمْوَالِ وَالْأَنفُسِ وَالثَّمَرَاتِ ۗ وَبَشِّرِ الصَّابِرِينَ – 2:155

“Waxaan idin ku imtixaanaynaa wax cabsi ah iyo gaajo, iyo nusqaamin xoolaha iyo nafta iyo midhaha, ee u bishaaree kuwa samra.” (Al-baqarah, 155)

وَنَبْلُوكُم بِالشَّرِّ وَالْخَيْرِ فِتْنَةً 21:35

“Waxaana idinku imtixaami shar iyo khayr ibtilo darteed” (Al-Anbiyaa, 35)

Waxaa kaloo Quraanku inoo sheegayaa dadka dadkii ugu fiicnaa ee Ilaahay abuuray oo ah Rasuuladii iyo Nabiyadii Ilaahay calyhumu salaam, iyo saxaabadii rasuulka radiyalaahu canhum ajmaciin in la imtixaanay.

Dadka aadamaha ahi dhamaantood way itixaaman yihiin, sida uu Ilaahay inoo sheegay. Hasayeeshee, imtixaanka ayaa qof kaste gooni u ah oo inoo kala duwan. Marka ha eegin qofka waxa aad rabto lagu imtixaanay ee eeg qofka waxa aadan rabin lagu imtixaamay. Ha is barbar dhigin qof wax aad rabto lagu imtixaanay. Somaalidu waxay dhahaan, laaca aragtaye laaga ma ogtahay. Waxaa laga yaabaa dhalaalka kore kaliya inaad adigu aragto aadanse ogayn xanuunka qarsoo ama dhibka hoose ee uu ku jiro qofka ku imtixaaman waxa aad rabtay.

Noloshu waa imtixaan, shar iyo khayrbana waa laynagu imtixaami. Marka naftaada markaste xasuusi waxa aad ku imtixaamantahay. Ogoowna in imtixaan waligii socdaa uusan jirin ee uu iska dhamaanayo nooc walba oo imtixaankaagu yahay.

OGOOW IN AAD AWOOD ULEEDAHAY MARXALAD KASTE OO KULA SOO DARISTA
Naftaada waxaad u sheegtaa oo aad ka dhaadhicisaa marxalad kaste oo aad ku jirto teeda xun iyo teeda fiicanba, in aad leedahay awoodeeda oo aad xamili karto. Ilaahay qofna ma saaro wax uusan qaadi karin, siduu Ilaahay inoogu sheegay:

لَا يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا ۚ – 2:286

“Kuma mashaqeeyo Eebe naf waxay awoodo mooyee” (al-Baqarah, 286).

Noole kaste marxalad walba oo uu ku jiro, siday doontoba ha ahaatee, awoodeeda ayuu Ilaahay siiyay oo wuu xamili karaa.

Cilmiga barashada noolaha hadaad u dhaba gasho waxaad arkaysaa noole kaste meesha uu ku nool yahay wax uu ugu noolaan karo in uu Ilaahay siiyay.

Tusaale, xayawaanka ku nool meelaha aadka u qaboow waxay intooda badan leeyihiin dhogor badan oo qabowga ka celisa. Wuxuu Ilaahay u abuuray jirkooda si ay ugu noolaan karaan meeshaa ay ku nool yihiin. Xayawaanka meelaha kulul ku nool intooda badan waxay leeyihiin dhogor yar oo aysan ku guban. Shimbiraha ku nool meelaha miraha adag leh, Ilaahay wuxuu siiyay af adag oo ay ku kala jabsan karaan.

Marka xusuusnoow in Ilaahay wax kaste oo uu kugu imtixaanay ama ku siiyay aad leedahay awood aad ku xamisho. Naftaada xusuusi, Ilaahii baray abeeso meel aan biyaha hoostooda maahee bariga waxba ool, sida loo dabaasho oo bada hoosteeda irsaaqad loogala soo baxo, adigana inuu ku bari karo sidaad u moodi lahayd marxalada adag ee aad ku jirto. Marka waa la doogiye, ha dacaroon.

EEG DHANKA AY KAAGA DHEELI TIRANTAHAY 
Ilaahay nimcooyin badan oon lasoo koobi karin ayuu ina siiyay. Hadii aad sanado u fadhido xitaa, masoo koobi kartid nimcooyinka Ilaahay ku siiyay. Ilaahay wuxuu yiri,

وَإِن تَعُدُّوا نِعْمَةَ اللَّهِ لَا تُحْصُوهَا ۗ إِنَّ اللَّهَ لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ – 16:18

“Hadaad tirisaan nicmada eebe ma koobi kartaan, eebana waa danbi dhaafe naxariista” (An-Naxl, 18).

Nimcooyinkaas waxaa laga yaabaa hal mid oo laynagu imtixaamay in aan ku iloowno nimcooyinka faraha badan ee Ilaahay ina siiyay. Hadaba waxaad soo qaadataa qalin iyo warqad, amaba maskaxdaada ku qor. Waxaad tirisaa waxkaste oo Ilaahay ku siiyay oo aad ku qanacsantahay ama ku farax santahay. Waxaa ka mid noqon karta caafimaadkaaga, cimrigaaga, caqligaaga, ehelkaaga iyo waxkaste oo aad adigu isleedahay Ilaahay wuu ku siiyay. Waxaad kaloo qortaa wax kaste oo dhib ah oo kula soo darsi karay oo Ilaahay kaa hayo.

Markaad garato nimcooyinka faraha badan ee Ilaahay ku siiyay waxaa kuu fududaanaya in aah ku qanacdo noloshaada. Waxaa kuu dhib yaraanaya in aad Ilaahay u mahdiso. Mahadaas awgeed ayuuna Ilaahay kuugu kordhinayaa nimcooyiinka aad haysato, Ilaahay wuxuu yiri,

لَئِن شَكَرْتُمْ لَأَزِيدَنَّكُمْ – 14:7

“Hadaad shugridaan waan idiin kordhin” (Ibraahiim, 7).

Marka marwalba akhristow ka feejignoow waxa ay maskaxdaadu kuu sheegayso. Khayrka iyo nimcooyinka badan ee aad haysatana haku Ilaawin hal imtixaan ama hal dhan oo kaa jan jeermay.

SAMIRKA IYO SALAADDA KAALMAYSO
Rasuulkeena salalaahu calyhi wasalam wuxuu ku ordi jiray salaada marka ay carqalad ama culays lasoo darso. Ilaahay wuxuu yiri waxaad kaalmaysataan samirka iyo salaada. Ilaahay wuxuu yiri,

وَاسْتَعِينُوا بِالصَّبْرِ وَالصَّلَاةِ ۚ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلَّا عَلَى الْخَاشِعِينَ – 2:45

“Kaalmaysta samirka iyo salaadda wayna ku wayn tahay salaaddu (ku culustahay) kuwa shushuuca mooyee.” (Al-Baqarah, 45).

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اسْتَعِينُوا بِالصَّبْرِ وَالصَّلَاةِ ۚ إِنَّ اللَّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ – 2:153

“Kuwa (Xaqa) Rumeeyow kaalmaysta Samir iyo salaad, Eebe wuxuu la jiraa kuwa samree.”

Faaiidoonyin badan ayaa inoogu jira in aan salaada iyo samirka aan awood ka dhigano oo aynu kaalmaysano. Faaiidooyinkaas oo aanan halkaan kusoo koobi karin, haseyeeshee waxaa ka mida salaadu waxay inoo saamaxaysaa Ilaahay oo awood oo dhanba iska leh in aynu magangalno oo aan isku xirno. Ilaahay wax walba wuu awoodaa, wax walba oo ay ka mid tahay in uu inaga kor qaado culayska ina saaran. Samirkuna wuxuu ina siiyaa kani adayg iyo karti aan ku xamilno culayska ina saaran. Wuxuu inoo saamaxaa inaynu sugno inta marxaladeenu iska badalayso oo aynaan nimcooyinka kale iskaga ciidayn hal culays oo na saaran awgiis. Mark markaste oo ay noloshu kugu adkaato, simir iyo salaadda kaalmayso.

NAFTAADA MASHQUULI OO FIRAAQADA BADAN KA ILAALI
Maskaxda banii aadamku sideedaba laba wax kama wada fakari karto hal mar. Soomaalidu waxay dhahaan laabu labo maleh. Laabta ama maskaxda qofku markiiba hal meel ayay u jeedi kartaa oo ka fikiri kartaa. Marka aad is aragto in maskaxdaadu ku mashquushay hal culays ama hal imtixaan oo kula soo darsay, wax kale oo wanaagsan ku mashquuli oo ku jeedi.

Maskaxdu marka ay firaaqo badan hesho waxay ka fikirtaa wax kaste oo dhibaya. Waxaa laga yaabaa god madoow ka fikirka wax kaste oo noloshaada ka maqan awgiis kuugu rido. Markaas oo kale maskaxdaada ku mashquuli wax faaiido leh, sida cunto u karinta dad masaakiin ah. Booqashada dadka isbitaalada ku jir. U adeegida reerkaaga iyo ehelkaaga. Akhrinta quraanka iyo buugaagta kale. Dhaqida ama hagaajinta masaajida iyo meelaha umadu wadaagaan sida wadooyinka. Waxaad naftaada ku mashquulisaa wax yaalo aad waligaa rabtay in aad samayso balse aad wakhti u la’ayd. Laabi laba malahee, hadba meeshii dantu kuugu jirto ku mashquuli naftaada iyo maskaxdaada.

NAFTAADA U NAXARIISO LAAKIIN YAYNA XADHIGA KUU QABAN
Naftaada u naxariiso oo sii wax yaabaha ay jeceshahay faaiidana u leh. Qofba wax gooni ah ayaa farxad galiya. Baar waxa adiga farxada ku galiya ee ay naftaadu xasilooni ku dareento. Waxaas fal hadii aysan kasoo hor jeedin diinteena iyo dhaqankeena.

Tusaale ahaan, waxaan aad u jeclahay in aan ku lugeeyo meelaha dooga ah ama biyuhu fadhiyaan. Naftaydu markaste oo aan si dagan ugu lugeeyo meel qaylo yar, dadku ku yar yihiin, abuurka Ilaahay ee kalana ku badan yahay waxay dareentaa farxad aana soo koobi karin iyo xasilooni.

Fursad kaste oon aah helo iyo markaste oo aan culays dareemayaba waxaan ku lugeeyaa harooyinka iidhaw. Harooyinkaas inta badan waxaa ku wareegsan meelo lagu lugeeyo, waxaa ka buuxa dhir, ubaxyo iyo xayawaano kala duwan. Mar marka qaarkood waxaan la lugeeyaa dad ii dhaw oo qalbigayga farxad galiya ama sheekadu iskugu kaaya baxdo. Marmarna waxaan lugeeyaa kaligay si aan wakhti naftayda ugu helo. Waxaan eega sida makhluuqaadku ukala duwan yihiin, waxaan ka fikiraa awooda Ilaahay, waxaan eega nimcooyinka aan haysano. Waxaan soo laabtaa anigoo farxad iyo xasilooni qalbigayga ka buuxaan.

Marka akhristow, waxaad raadisaa naftaada wax faaiidona u leh farxad iyo xasiloonina ay ka hesho. Waxaadse ka feejignaataa in aad samayso wax kaste oo naftaadu rabto. Naftu waxay jeceshahay wax yaalo badan oo aan adiga dani kuugu jirin. Naftaadu waa in aysan adiga xadhiga kuu hayn oo wax walba oo ay rabto aadan u samayn. Naftaada u naxariiso, sii waxii faaiido u leh ayna jeceshahay, balse wax walba oo ay rabto ha u samayn. Naftaad waa in aad adigu ka adagtahay oo aad mariso meeshaad rabto, maaha in ay adiga kaa adagtahay oo ay hogaanka kuu hayso.

Akhristow sidaan horay usoo sheegayba noloshu waa giraan marba meel aad ka joogto. Marka ay noloshu iskugu kaa duba dhacdo oo aad farxad iyo rayn rayn ku nooshahay waaxaa muhiim ah in aad garwaaqsato nimcada aad haysato. Waxaa muhiim ah in aad umada uga faaiidayso nimcooyinka Ilaahay ku siiyay oo aanay adiga kaliya kugu koobmin. Waxaa muhiim ah in aadan ku kibrin nimcada lagu siiyay. Waxaa lagama maarmaan ah in aad Ilaahay mahdiso nimcooyinka uu ku siiyay si uu Ilaahay kuugu kordhiyo.

Waad mahadsantihiin, wixii fikir iyo fal celin ahba waa xagiina ee nala soo wadaaga.

FADUMO YUSUF

https://www.fadumoyusuf.com