Buugga Haaneed waa Miiddii, hal’abuurkii iyo hawraartii Abwaan Axmed Aw Geeddi. Haaneed, waa dhigane ka kooban 297 bog waxa ku qoran 31 maanso oo sirasmiya u qoran iyo 5 tixood oo meelo kale duwan ku kala jira. Maansooyinkan dhammaantood waa intii aan hore loo qorin intii laga heli karayey. 31 maanso waxay ka hadlayaan qaybaha nolosha, badhaadha bulshada iyo baahideeda, Jacaylka iyo jamashada ruux ku jecel. Burburka iyo baylah-tirka ummadda,halganka iyo u hayaanka hal kaa fog,ku sugnaanshaha naruurada nolosha iyo nabadda .Wuxu ku tusiyaa in aanay nolol jirin karin nabad la’aanteed, geediga noloshuna ma socon karto. Horumar iyo hawraarna aan isdhaafsan karin.Waa Buug ay ku dhan yihiin qormooyin iyo qoraallo qaybo badan oo ka mid ah Maansooyina mudhbaxay.Buugga waxaa ku jira 3 maanso oo ay abwaanno kale tiriyeen sida:abwaan Muuse Madar Cawaale oo tiriyey maansada darreen shacabiyo abwaan Jaamac-Shaacir oo tiriyey maansada Daweeya.
Buugga Haaneed waxa qalinka u qaatay, qaab iyo quruxna u yeelay ururin badan oo habeen iyo dharaarba u socdaalay,jiif iyo joogna u diiday, hayaan dheer oo habayn badani ka muuqatana u galay isla markaana tifatiray qoraa, Axmed Iid Aadan. Axmed Iid Aadan waa qoraa wax ka qora arrimaha afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida.
Buuggan maansooyin keli ahi kuma kaydsana, balse waxaa ku kaydsan qoraallo, sharraxaado iyo xogo badan oo waxtar leh.Sidoo kalena faallooyin iyo falanqayn farshaxan sarreeya lehoo mid kastaa filanwaa kugu noqonayso.Waxa intaas raaca Baadisoocda ummaddeenu gaarka u leedahay iyo siday u noolaayeen waayadii hore.
Dhiganahan ku horyaalla waxa ku jirta murtidii Abwaan Axmed Aw Geeddi, kaas oo uu qalinka u qaatey qoraa Axmed Iid Aadan oo shaaca kaaga qaadaaya si qurux badan oo xirfad qoraannimo ka muuqatowaxaad shilin ku wayday!Sooyaal iyo xikmad abwaan ayaad kala soo dhex baxaysaa. Gabayga aad ka akhrisato buuggani waxa uu kuu gudbin doonaa maanso, maansaduna geeraar, geeraarkuna hees hawleedyo iyo halo kaloo badan oon halkan lagu soo koobi karin!
Waa buuggii labaad ee lagu soo bandhiggo qaybo ka mid ah sugaantaa Abwaanka.
Waxa uu buuggu ka warramayaa “Dulmidiidka” iyo daryeel la’aanta bulshada qaybaheeda kala duwan.Waxa uu cidkasta kala hadlyaa hawsha u taala iyo ta u imanaysaba.Ummadda oo dhan ayuu si gaara iyo guudba ula hadlayaa.Waxa uu cidkasta u tilmaamayaa masuuliyadda hortaala iyo waxa la gudboon.
Hibada, hal-Abuurka iyo hawraarta hodantinimadu ku duugantahay ee Axmed Aw Geeddi maaha mid xaashi iyo kuwo kale lagu qori karo balse waa badweyn aad marba meel ka istaagayso!
Dhiganahani wuxuu ku dhaxalsiinayaa inaad ku fikirto noqoshada qof lagu soo hirto oo dadku kaga daydaan wanaagiisa. Mid lagaga daydo tirtirkasaddexda madaw; Qabyaaladda, Aqoondarradda iyo Saboolnimada. Sidoo kale hawlgal iyo halgan nololeed, nabadayn iyo naruuro ifaysa, waddaniyadda iyo wehelka waddanka.Waxaa taasi sii dheer barashada deegaanka iyo dhaqanka guud ahantii, barashada siyaasadda iyo saldhigga wacyigelinta ummadda.Haaneed wuxuu ka kooban yahay 10 qormo, tobankaas qormo waxaa ka mid ah
- Maansooyin halgan iyo dulmi diid
- maansooyin cirbaxay iyo halmuceedyo
- Qunbe malabiyo tixo qubane ah
- Tix carceertiyo dhaliil tolmoon iyo maansooyin riwaayadeed
Maxaa loogu bixiyey buugga Haaneed?
“Hasha laba nin baa lisa. Ninka dhiilka haya ayaa haaneedka taagan.Waa dhinaca mudan ee hasha laga joogsado.Timacadde waa kii lahaa, ‘Haaneednay Maandeeq Ilaah nama hungeysiine’. Halbay kalmaddaasi markii hore ku saabsanayd, markii danbena hal’abuurku gobannimadii bay u adeegsadeen. Gabayga laftiisuna wuxu kala leeyahay ‘Haaneed’ iyo ‘Miskeed’, oo waa in la haaneedo oo dhinaca tooska ah la iska taago. Ibraahin-Gadhle ayaa waxa uu yidhi: ‘Maansada abwaanoow, haaneedka mooyee, yaan miskeedka laga gelin!.Markaa magaca ‘Haaneed’ ee buuggani waxa uu u taagan yahay in suugaanta xagga toosan ee bulshada wax u taraysa laga galo oo la iska taago”.Axmed Iid Aadan
Dhiganahan waxaad kala kulmi doontaa mahadhada xilliga iyo sawrirro xasuus mudan, oo mid kastaa maalin gaara iyo ujeedkiisa lahaa.Dhiganahan waxaad ka dhex daawanaysaa in suugaanta abwaan Axmed Aw Geeddi ay leedahay Baadi-Sooc u gaar ah, isla markaana kaga duwan tahay suugaanta kale ee abwaannada.
Maansooyinka dhiganahan ku diiwaan-gashan waxaad ka dheehanaysaa aqoon aad u baaxad wayn, isla markaana ka miisaan wayn inta aad ka baratay. Buugga waxaad ugu tegi doontaa maansooyin duluc keli ah koobsanaya sida; “Shahiid dirir”, “guur”, “abaydin abaydin dhalay”, “indha daalis”, “dadku waa ilmo aadan”, “geyaan”,“waa carruur”, “yaan iblays fooqyo kaa ridin” iyo qaar kaloo badan. Maansooyin arar kooban sida; cirjiidh, dhiigmaydh iyo roob doon. Maansooyin dulucdoodu ka mugwaytahay oo ay badan tahay isla markaana ujeedooyin badan midaynaya sida; Himilo iyo jiiftada garbadiir. Maansooyin dulucdoodu dedan tahay sida kordahab iyo hiddasan.
Maansada Kordahab waxay noqotay intii aan akhrisanayey dhiganaha Haaneed maansadii iigu yaabka badnayd, waa maanso qoto dheer oo miisaan mug wayn xanbaarsan waanay ka magac iyo muuq dheertahay maansoyinka kale.Sidoo kale waxa loo rogay (turjumay) Af-Ingiriisi.Dahabo-Cadar, Deeqa-Ladan, doobir badan, damal hadhwayn, dumar-u-roon, diric-kalkaal, deris ma-dhiba, Sama dugsada, daacad dhaba, gumaro dihin, dawlada qaran, aragti dheer,xishood qurux, dulqaad iyo dad jacayl. Intaas oo magac ah ayuu abwaanku u bixiyey maansada kordahab oo u gaar ah iyada.
Meelo badan ayuu abwaanku ka tiriyey Kordahab.Maansadan aqoonyahanno badan ayaa gorfeeyeysida; Maxamuud Sh. Axmed Dalmar iyo Kamaal Axmed Cali. Waxa uu sheegay Sh. Dalmar in Kordahab meelna lagu cayimi karin, arrintan waxa uu sii daba-dhigay oo uu yidhi” Waxay tilmaamaysaa shayga quruxda la yidhaahdo oo mar gabadha uu Kordahab u bixiyey Axmed, marna dabeecadda dhulkeenna ee hilaaca, roobka, gudgudaha, caleemaha iyo quruxdii oo marba si gooni ah loo sifaynayo. Mar kale suugaanyahanka, murti-dhaadhiga ama dhaqanruugga soomalida waxa lagu yaqaan in ay maansadoodu dhawr sifo yeelato oo sidii ninkii yidhi,” muruqa laba suulle nin ba si’ la ah.” Iyaga oo dushaa la moodayo in ay inan (gabadh) ka hadlayaan ay haddana wax ka gun dheer ama ka qoto fog ka hadlayaan.
“Maansada Kordahab waa dugsi cusub oo Ibofur u noqon karain gabayga Soomalidu uu hannaan kii hore ka duwan u cabbiro caashaqa” Kamaal Axmed Cali.
Kamaal isaga oo si qoto dheer inooga sheekaynaya maansada Kordahab waxa uu yidhi,”Maansadan Abwaan Axmed Aw Geeddi, marka laga tago qaabka cusub ee uu jacaylka u soo bandhigay, waxaa u dheer in uu si aqoon iyo waayo-aragnimo badani ku dheehan tahay isugu xidhayo deegaankii, hiddihii iyo dhaqankii hore oo dhan ah iyo noloshan casriga ah ee teknoolajiyadda iyo hannaanka dawladnimo u adeegaysata dhinacyada kala duwan ee nolosha oo dhanka kale ah.”
Waxa uu intaa ku daray Kamaal, marka laga tago hal-abuurnimada abwaanka ee ka muuqata maansadan Kordahab iyo qaabka xiisaha badan ee ay gabayga ugu xidhayso nolosha casriga ah, waxa keliya ee ay mudan tahay waa in hal-abuurka hadda jooga iyo suugaanyahanku ay u aqoonsadaan kacaan cusub oo dib u cusboonaysiinaya suugaanta Soomaaliyeed si ay ula jaanqaaddo
Aynu soo qaadaynno qaybo kooban oo ka mid ah Maansada Kordahab:
Illayn waa Dahabo-Cadar
Illayn waa Deeqa-Ladan
Illayn waa Doobir269 badan
Illayn waa damal hadhwayn
Illayn dumar-u-roon
Illayn waa diric-kalkaal
Illayn waa deris ma-dhiba
Illayn waa samo-Dugsada
Illayn waa daacad dhaba
Illayn waa gumaro270 dihin
Illayn waa dawlad qaran la yidhi,
Calan bow deldelan
Debkeedaan abid bakhtiyin”
Suuraaf271 baa kuu duddee
Dabbaal272 iyo maaha nacas
Demmeni weli laguma xaman
Waxaan looba duurxulayn274
Haddaa hadalka u deddaan
Diirkay xaajada ka garan
Dugsey waalidkeed u tahay
Dadkiyo gacalkaa ku hiran
Deeqdiyo quudkay275 hurtaa
Docdeedana laguma qado
Xishood bay dayratoo
Duryan iyo dawshad iyo
Dibnaha hiif kama taqaan
Dulqaad baa lagu sedoo
Dhib iyo dibindaabyo ma leh
Darmaan weeyaan cuddoon
Daahiyad276 weeyaan dhabeela277
Ma doonto wixii la diiday
Ma diido wxii ku daw ah
Intii dumar loogu xilan
Dadnimo Rabbi bow dhammeeyey
Badh baa dibadaha maree
Iyadu dalandool278 ma dhigin
Dibood iyo meel xun jog
Absuga279 waa looga digay
Dardaaran fog bay qabtaa
Cirkoo wada dedan habeen
Sidii Dayax heel ka mudhay
Iftiinkii daaliciyo
Hillaacii dunida miray
Haddaad roob soo da’iyo
Idinku dirir moodayseen
Nuurkii Deequu ahaa
Niqaabku markuu ka duulay!
Haddii tartan daawashiyo
Inuun qurux lays dalbado
Laxaha280 daanshoonayiyo
Hadday Dayaxa iyo Cadceeddu
Dhammaan soo wada degaan
Digtoodiyo halalacooda
Kordahab baa shiikhin layd!
Diyaarado lala hayiyo
Abboolaha samada degay
Diiradda cirbixiyeenadiyo
Waxaa Satalayt la diray
Hibay deydeyi yahaan
Haldoorkiyo duub intii leh
Intii hanad lagu dabqaato
Dunjiga madaxwaynayaasha
Amaba Dibitaati caana
Darteed bay suuxsan yiin!
Deebalaha geel iyo gammaan
Daas282 iyo lacag iyo qadhiidh283
Dirhamka soof284 lagu gatiyo
Amaba demesh285 iyo xariir
Duunyadu meherkeed ma goyso
Haddii calaf laygu daro
Diintaan ku nikaaxi laa
Fiiro gaara: Maansadan oo dhammaystiran, sharaxeeda iyo waxa laga yidhi ugu hagaag buugga Haaneed, boggiisa 151-169
Ma dhammaystiri karo maansooyinka i soo jiitay ee dhiganahan ku jiro sidoo kale waxaa ka mid ah; Maansada “Guur”.Maansadani waxay ka mid tahay maansooyinka ku jira filimka “Abaydin abaydin dhalay” waxana ay ka hadlaysaa wanaagii uu lahaa guurkii hore, cid kale lama hadlaysee dhallinyarada ayey si gaara ula hadlaysaa.Waxay u sheegaysaa in guurku lahaan jiray, milge, maamuus, masruuf, mariin iyo martabad sare.Waxa kale oo ay intaas u raacinaysaa haddiiba aan la soo celin milgihuu lahaan jiray guurku in la dhaxli doonno hoog iyo halis.Waxay tidhi sidan:
Guurkeennu milguu lahaa
Macniyo qiimuu lahaa
Miisaan weyn buu lahaa
Haasaawiyo maydhax-diir
Xaq-dhawr iyo marin gobeed
Maamuus culus buu lahaa
Guurkeennu maqaam sariyo
Martabad dheer buu sudhnaa
Marriin238 bay inantu leyd
Mas’uul bixiyey lahayd
Masruuf baa loo qarridhey
Meexaamii239 Gacalka iyo
Tol aan kala maarmi karin
Ayaa meehaahi240 jiray
Macooyiyo hooyo wacan
Marwaa loo xeeban jiray
Markay xaleeleen carruuri
Hadduun buu muuno jabay
Mudnaantii la diley
Macaan laga dhigey qadhaadh
Masaafiyo meher-xadkani
Sharciga meel kagama yaal
Dhallinyaroow magan Allee
Haddaan talo loo miyirin
Shareecada lagu mitidin
Sooyaalkeenii la marin
Marwaadkuu dhaqan lahaa
Haddaad mijo xaabisaan
Waxyaabaha muxarrimka ah
Haddaad u miliilicdaan
Hadhow midhahay dhashiyo
Waxaad ka magaabataan
Markhaataa laga ahaan.
Maansooyinkii ugu horreeyey ee abwaanku tiriyey waxaa ka mid ahayd maanso waxbarasha ka hadlaysa maansadan waxa uu u tiriyey arday xilligaas uu tiriyey dhammaystay waxbarashoodii sannadkii 1985-kii. Qoddobada uu kaga hadlay maansada waxaa mid ahaa waajibaadka laga rabo ardayga, sida habdhaqan wanaagsan, dulqaad iyo darreen samo fal ku dhisan waxa uu yidhi;
Arday waxaannu nahay
Aqoontiyo cilmiga
Lagu ababiyoo
Asluub iyo dul-qaad
Eebbe siiyayoo
Ummaddooda dhammi
U asxaan faloo
Ku adkaystayoo
Lagu wada ogyee
Awrba awrka hore
Inta uu socduu
Kan danbana ogyoo
Ku itaalayaa
Nimanyahow aflaxay
Aarankaa kiciyo
Jiilka imanayaba
Ma tusnaa awoo?
Dhabbo aayo wacan
Dhibta aadamiga
Aafeysay iyo
Iimaha saddexan
Ee adduunka dhibay
Eel baa ka daran
Haddaynaan ogaan
Waa aqoonxumee
Aaniyo qabiil
Ma ka aarsanaa?!
Kama helinoo kaliya suugaan cusub iyo erayo cusub ee waxaan ka ogaaday, baadisoocda aynu lahayn, dhaqankeennuu siduu hodanka u ahaa iyo sida maanta loo cidleeyey , iyo siday dhalin badani uga dhooftay dhaqankoodii wacnaa!
Ugu danbayn Suugaanta halkan u dhigani waa suugaan wax ku baraysa.Waxay noloshaada ka dhigayaan mid mid taaganta iyo tagtadaba wax ka garanaya, mid sita toosh uu wax badan oo ka qarsoonaa ku ogaanayo.Waa Suugaan muuqaalka aad ka arkayso maahee kuwo kale ku qarsoonyahay oo loo baahanyahay inaad adigu lafo gurto.
Faadumo Buuni
Hargeysa, Somaliland