HADDII UU MIYIGA SOOMALIDU BURBURO, MAXAA MEESHIISA GELI?

0
101
#Somaliland #Democratization #process: #Political #parties

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed

“Soomaali waxa u xaasil gala, xoolo dibadeede/Wax kale oo la xaradhaamiyaa, xero ma yeeshaane”. Gabyaa Cabdillaahi Muuse (AUN)

Su’aasha kore ee aan maqaalkan cinwaanka uga dhigay waa su’aal in badan maankayga ka guuxaysay, laakiin aan mar walba dib u liqi jiray; waayo waxa aanan ku qancin sida taasi u dhici karto, ilayn wax kale oo miyi beddeli karaa-ba ma jiraane. Laakiin waa dhacdo suurogal ah. 

Guud-mar (overview)

Erayga miyi waa eray ballaaran oo aan sahal fallanqayntiisa loogu bareeri karin, waxase aan isku koobi nolosha miyiga xoolo-raacatada Soomaalida ku nool Geeska Afrika. 

Erayga xoolo-raacato (pastoralism) waa hab nololeed ay qabatimeen dadka ku nool dhulalka qalallan ee biyuhu ku yar yihiin, roobabkana la isku halayn karin; kuwaas oo xoolaha nool ula guura meesha ugu dhow ee ay hadba ka heli karaan biyo iyo baad. 

Waan ka dhaad qabaa in Soomaalidu aysan dhammaan wada ahayn xoolo-raacato (raacato), waxase lagu astayn karaa in ay badi yihiin xoolo-dhaqato. Macnihii dadka Soomaalidu waa xoolo-ku-nool, waa qaniimad Ilaah siiyey, noloshooduna ku tiirsan tahay, waana wax-soo-saarka keliya ee ay badankoodu ku hawlan yihiin.  Waa kii gabyaa Cabdillaahi Muuse (AUN) lahaa, “Soomaali waxa u xaasil gala, xoolo dibadeede/Wax kale oo la xaradhaamiyaa, xero ma yeeshaane”. 

Berigii hore waxa xoolaha loo dhaqan jiray ujeeddo ah in lagu doogo (survival), macnihii hadday xooluhu doogaan, dadkuna waa ay doogi (Idan Alle). Mar walba waxa maanka dadka ku xardhanaa halqabsiga ah: “waa la doogiye, yaan la dacaroon”. 

Si loo doogana waxay noloshu dadka bartay in badbaadadoodu (safety) ku jirto dhul bed ballaaran leh (vast area), xoolo tiro badan iyo agab fudud, oo aan culays lahayn, si mar walba sahal cagta dhulka loogu dhufan karo, looguna eerto meel baad iyo biyo leh.  Ka garo heesta maqasha ee tidhaahda: “waxan kaa wadaa shilin iyo shabeel/waxan kuu wadaa/meel doog lahoo/doomaar macaan”

Ganacsigu kuma cusba miyiga Soomaalida. Xoolo-raacatadu waxay xiriir ganacsi la lahaayeen magaalo xeebeedyadii jiray sida Zeylac, Berbera, Xamar, Baraawe iyo kuwo kale, kaasoo badi ku dhisnaa nidaamka wax-kala-geddiska (barter trade). 

Taariikhdu waxay xustaa in ujeeddada Ingiriisku ka lahaa qabsiga xeebaha Soomaalida aanu dhaafsanayn inuu hubiyo in hilib joogta ah loo helo ciidankiisii deggenaa, markaas Cadan ee ilaalin jiray maraakiibta ganacsi ee ku socota Hindiya. Halkan ayeyna ka bilaabantay lacagaynta ganacsiga xoolaha.

Lacagayntii ganacsiga xoolaha 

Waxa quwadahii reer Yurub ee xeebaha qabsaday la socday ganacsi cusub oo loogu yeedhi karo lacagaynta badeecadaha (monetisation of the economy). Dagaalkii 1aad ee dunida ka dib (1918kii), waxa soo kordhay ganacsi lacagi la socoto, siina xoogaystay dagaalkii 2aad ka dib (1945). Berbera-na waxay noqotay deked laga dhoofiyo xoolaha Xajka lagu qalo, xilliga Carrafada, kuwaas oo ka yimaada badi geyiga Soomaalida oo dhan.

Isbeddelkaa cusub ee lacagaynta xooluhu keenay waxa si farshaxan ah u sawiray gabyaa Ismaaciil Mire (AUN), markii uu  lahaa:

Nimanyahow awow iyo awow iyo abkaan sheegto
Iyo aniga abidkay ma arag iibsi lacageede
Adduun buu lahaan jirey raaggaan ku isirraa waaye
Ololahaan wax kaga qaybsan jirey ululuf duullaane

Isagoo Ismaaciil, isla gabaygaas qiraya la yaabkiisa sida seyladda Burco xoolaha loogu kala iibsado waxa uu yidhi:

Afar bawlad laga gooyey bay, igu aluubeene
Anigoo arkaayaa gacmaha laygu iibsadaye
Kuwo boqonta ood laga sudhay ila ahaayeene
Usha jeedal iyo suufaf bay igu illaaweene

Ashcaartaba rag baa iga badshee, idinku weydiiya

Sida Ismaacil, gabayga ku sheegay, ganacsigan xoolaha ee cusub waxa weheliyey in neefka lagu qiimeeyo lacag, ganacsato magaalooyinka deggan oo macaash doon lacageed ah, iyo gaadiidkii awrta oo lagu beddelay baabuuro. Waxa iyana la badeecadeeyey hargihii iyo saamihii xoolaha. Neefka ci’diisa ayuun baa la tuuraa!

Laga soo bilaabo dagaalkii 2-aad ka dib, waxa geyiga Soomaalida lagu soo fatahiyey raashin cusub oo aan hore ugu jirin dhadhan-cunneedka dadka – sida Bariis, Baasto, Sonkor, Saliid-cunno iyo kuwo kale. Ujeeddadii xoolaha loo dhiqi jiray berigii hore – oo ahayd in la gasiinto (subsistence) – waxa beddelay in loo dhaqo in lagu soo geddisto badeeco badaha laga soo waariday oo ku qiimaysan dollar. Sidaa ayey raacatadii kula falgashay ganacsi caalami ah. 

Saamaynta la falgalka suuqa caalimiga ah

Sannad walba waxa kor u kaca ascaarta raashinka iyo badeecadaha asaasiga ah ee waddanka la keeno. Sidaa darteed sicirka qoyska raacatada ah lagaga gato neefafka ay suuqa keeneen, ma daboolo baahidooda asaasiga ah. Kolkaa waa in xubnaha qoysku ku dhaqaaqaan xarakooyin kale oo dakhli lacageed ka soo geli karo. 

Waxa aad la kulmi qoys xoolo-raacato ah, caano-diiq ah, oo tuulada geeya caanaha xoolaha, kuna soo beddesha sonkor, shaah iyo caano-boodhe. Waxa kale oo intaas dheer: wiilashii qoyska ayaa iyana dhirta dhuxul ka shida oo lacagta ay ka helaan ku soo beddesha sigaar iyo qaad! Dhuxushaas-na dadka magaalooyinka ku nool ayaa cunnada ku karsada, qaarna waa la  dhoofiyaaba.

Waxa kale oo soo biiray weel farsamo-tuman (sida dusuudda, koobabka iyo suxuunta) oo iyana meesha ka saaray agabkii hiddaha iyo dhaqanka ahaa sida xeeryihii iyo fandhaaladii oo kale. Maantadan la joogo agabka aqalka miyiga yaalaa, badidiisu ama dhamaamntood, waxa laga soo waaridaa dibedda. Waxa meesha ka baxay dhiilkii, dhiishii, sibraarkii, dhigihii, cawskii, kebeddii iwm. 

Waa dhif iyo nadir  maanta gabadh timo-tidcan oo caws ama kebed dareerin kartaa. Ogoow Afka Soomaliga marjaciisu waa miyi. Haddii farsamadiisii miyigu lunto, luqadiisiina luntay. 

Saamaynta maagaalada iyo dawladnimada

Soomaaliya iyo Mangolia waa labada dal ee keliya ee dadkooda badankiisu raacato yihiin. Waxase Soomaaliya taas u dheer in raacatadu talada dalka hayeen ilaa intii dawladnimada la helay (1960kii ilaa hadda), haddana xoolo-raacataduna ahaayeen kuwo duleed-joog ka aha nidaamka dawaldnimo, lana faquuqay (marginalised group). Sidee taasi ku dhacday?

Jawaabtu waxay ku jirtaa in nidaamkii dawladnimo ee aynu ka dhaxalnay gumeyteyaashii reer Yurub inuusan ahayn mid u jihaysan, haba-yaraatee, u adeegga dad raacato ah oo aan meel-ku-negayn. Dawladihii Soomaaliyeed ee kala dambeeyeyna tii uun bay sii wadeen, ilaa imikana socota. Waa kii Gabyaa Qaasim (AUN) lahaa:
Isma doorin gaalkii aan diray 
Iyo daarta kii galaye

Lacagta adag ee ugu badani ee waddanku helaa, waxay ka soo xarootaa dhoofinta xoolaha-nool, raashinka dadku quutana lagu soo gado. Dawladdana waxa dakhligeedu ka yimaada cashuurta la saaro xoolaha dhoofaya iyo raashinka lagu soo beddeshay, haddana dawladdu ma danayso wax-soo-saarka raacatada. Waxa soo kordhay keliya, sannadahan dambe, lacagta adag ee ay qurbo-joogtu soo xawisho (remittances).

Magaaladu ma aha keliya xarunta awoodda dawladeed, waxa kale oo ay tahay goobta lagu kala geddisto wax-soo-saarka miyiga iyo badeecadaha laga soo waarido badaha/dibedda, ganacastaduna deggan tahay.  Isla markaana, dekedaha xeebaha ku yaal waa afaafka dawladdu ku cashuurto badeecadahaas. Sidaa darteed, magaaladu waxay ku taagan tahay garbaha reer miyiga,  haddana dawladdu dan kama leh miyiga. Cajiib!

Giraanta mushtarka iyo dawladnimada Soomaalida waxa wareejiya wax-soo saarka reer miyiga. Laakiin dheeriga ganacsiga (surplus) iyo dakhliga dawladda midna dib wax looguma  soo celiyo miyiga. Waa dawlad haysata khariidaddii gaalku uga tegay, sida abwaan Qaasim (AUN) sheegay.

Marka abaartu ku habsato miyiga, dawladdu waxa ay miyiga ka dhigataa koombo ay ku tuugsato oo ay ku hesho kaalmo caalami ah. Masaiibada miyigu waa macaashka dawladda. Subxaanalllah!

Waxa intaas u dheer, xaalufka ay magaaladu ku hayso deegaanka miyiga, sida dhuxusha, taasoo sababta baad yaraan iyo xoolo yaraan, kalliftana in dhalintii miyigu u hayaamaan xagga magaalada, kuna biiraan baro-kacayashii ka sii horeeyey. Ma jiro xoog-dad (workforce) iyo maalgelin cusub  oo u soo kordhaya miyiga, wax ka dhaca mooyaane.

Markaa gar bay noqotay in maanka lagu suureeyo suurogalnimada burburka hab nololeedka raacatanimada Soomaalida iyo beddiilkiisa, haddii sidaasi dhacdo. Sida gabyaa Cabdillaahi Muuse u dhigay: Soomaali xoolo weyday, xero beeshay, Alle inaguma keenee.

Wa Bilaahi Towfiiq

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed
Email: maxamuudaxmed@live.com